13/07/2024
C A A SH U U R A A 1446
Maalmaha taasuucaa iyo caashuuraa oo kusoo aaday Isniinta 15 - 16/08/2024
Fadligooda iyo sida ay muslimiinta ugu weyn yihiin.
Cabdullaahi Ibnu Cabbaas, Allaah haka raalli noqdo'e, waxaa laga weriyey in markii Rasuuku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu yimid Madiinah inuu arkay Yahuuddii oo soomman 10-ka bisha Muxarram, markaas ayuu waydiiyey sababta ay u soomman yihiin? Waxayna sheegeen inay tahay maalin wanaagsan oo ku aaddan maalintii uu Ilaahay ka bad-baadiyey Muuse iyo reer Banii-Israa'iil cadowgoodii oo ay sidaa u soomman yihiin!
Markaas ayuu Rasuulku sallaa Allahu calayhi wa sallam wuxuu yidhi: Markaas ayuu soomay, muslimiintiina wuxuu faray inay soomaan.
Bukhaari
عن عبد الله بن عباس- رضي الله عنهما- قال : قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة ، فرأى اليهود تصوم عاشوراء، فقال : (( ما هذا ؟ قالوا : هذا يوم صالح نجّى الله فيه موسى وبنى إسرائيل من عدوهم، فصامه. فقال صلى الله عليه وسلم : "أنا أحق بموسى منكم )) ، فصامه صلى الله عليه وسلم وأمر بصيامه . [ رواه البخاري
Sida ku sugan saxiix Muslim, Ibnu Cabbaas Allaah haka raalli noqdo'e wuxuu yidhi:
{Markii uu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu soomay caashuuraa, ayey asxaabtu dheheen Rasuulkii Ilaahayoow 10-aadku waa maalin ay Yahuud iyo Nasaaraa ay weyneeyaane, kolkaas ayuu yidhi:
《Sannadka danbe waxaan soomi doonaa 9-aadka》
(Micnaha 9-aadka iyo 10-aadkaba.)
Intii aan sannadkii danbe la gaadhinna waxaa la oofsaday Rasuulka sallaa Allaahu calayhi wa sallam.}
Sidaa daraadeed, si ajarka ay munaasabaddaasi leedahay loo helo, loogana dheeraado in loo ekaado Yahuud iyo Nasaaro waxaa la inoo jideeyey inaan soomno sagaalaadka iyo tobnaadka. Sannadkanna waxay ku aaddan yihiin 15-ka iyo 16-ka bisha July 2024. Ama Isniinta iyo Talaadada.
ثبت في صحيح مسلم من حديث عبد الله ابن عباس رضي الله عنهما قال: "حين صام رسول الله صلى الله عليه وسلم يوم عاشوراء وأمر بصيامه قالوا: "يا رسول الله، إنه يوم تعظمه اليهود والنصارى"، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «فإذا كان العام المقبلُ إن شاء الله صُمنا اليوم التاسع»، قال: "فلم يأت العام المقبل حتى توفي رسول الله".
Abaa Qataadana, Allaah haka raalli noqdo'e waxaa laga weriyey inuu
Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa salaam uu yidhi:
《 Soomidda maalinka Caashuuraa waxaan Allaah kaga rajaynayaa inuu iigu dhaafo sannadkii tegay》
Muslim, Abaa Daa’uud, Tirmidi, Ibnu Maajah, Axmed iyo Bayhaqi.
عن أبي قتادة رضي اللَّه عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: 《 صيام يوم عاشوراء، أحتسب على اللَّه أن يكفر السنة التي قبله》 .
أخرجه مسلم، وأبو داود والترمذي وابن ماجة وأحمد والبيهقي.
Abaa Hureyraha, Allaah haka raalli noqdo'e waxaa laga werinayaa inuu Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam uu yidhi:
《Soom la soomo oo aan Ramadaan ahayn waxaa ugu fadli badan midka la soomo bisha Ilaahay ee Muxarram, salaad la tukadana marka laga reebo midka waajibka ah waxaa ugu fadli badan salaatu leylka》
Muslim
عَنْ أَبِى هُرَيْرَةَ رضى الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ : أَفْضَلُ الصِّيَامِ بَعْدَ رَمَضَانَ شَهْرُ اللَّهِ الْمُحَرَّمُ وَأَفْضَلُ الصَّلاَةِ بَعْدَ الْفَرِيضَةِ صَلاَةُ اللَّيْلِ
رواه مسلم
Rabbi ha inoo fududeeyo inaan soomno maalmahaas oo ha ina siiyo ajarkooda. Aaaamiiin.
Waxaa qoray Cabdiraxman Sh Biixi