Dollo Addo Hospital Rasmi page

Dollo Addo Hospital Rasmi page Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dollo Addo Hospital Rasmi page, Hospital, Dollo Addo Town, 03 kabele, Addis Ababa.

Dollo ado hospital is among the functional hospitals which are located in somali regional state and it is based in dollo ado woreda ,liban zone with catchment population of 700,000.

OGEYSIIS! OGEYSIIS! OGEYSIIS! Dollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaaDhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado...
30/05/2026

OGEYSIIS! OGEYSIIS! OGEYSIIS!

Dollo Ado Primary Hospital waxuu ogeysiinayaa
Dhamaan bulshada kudhaqan magaalada Dollo Ado iyo Nawaaxigeeda in Hosbitalka Dollo Ado laga bilaabi doono Adeega Qaliinka Cleft lip and palate(Ciyaalka Faruuran) ooy Faruurta(Bishimaha ) iyo Dhanxanaga iisu go'on yihiin oo Bilaash ah. *

1. Diwangalintu Waxay bilabaneysaa
Sabtida , 30/ May 2026 WC Ama 22/Ginbot,2018 EC

Sidaa Darteed Hospitalka Wuxuu Ugu Baqayaa Inay Bulshada Kafaideystan Adeegan Bilaashka .

EthioTel:+251 -967718220
Hormud:+252 -613107248
Somtel: +252 -623107248
Watsapp:+251 -967718220

Kulankii Joogtada Ahaa ee Dib-u-habaynta nidaamka Shaqo iyo Xallinta Caqabadaha Shaqada (SBFR) ayaa ka qabsoomay Xafiska...
15/04/2026

Kulankii Joogtada Ahaa ee Dib-u-habaynta nidaamka Shaqo iyo Xallinta Caqabadaha Shaqada (SBFR) ayaa ka qabsoomay Xafiska mareyaha ee Cusbitaalka Dollo Ado

Kulankan oo aay kasoo qaybgaleen maamulka iyo madax waaxeedada cusbitalka ayaa lagu eegayay warbixinta waxqabadka shaqo ee todobaadlaha ee cusbitaalka.

Ujeedada ugu weyn waa in bulshada usoo adeeg doonanaysa cusbitaalka ay hesho adeeg tayo sare leh.
Waxa kalon idin ogaysinayna dhamaan bulshada kudhaqan dollo Ado iyo nawaxigeeda in lagu sokordhiyay machinka Ultrasound ee qaybta (ANC) qaybta uur leeyda.

Waxaan maanta xafiiska  (UNHCR) ee Addis Ababa kala soo wareegnay laba mashiin oo aad muhiim ugu ah sheeybaarka oo kala ...
12/03/2026

Waxaan maanta xafiiska (UNHCR) ee Addis Ababa kala soo wareegnay laba mashiin oo aad muhiim ugu ah sheeybaarka oo kala ah :Fully Automated Chemistry Analyzer iyo Hematology Analyzer.

Labadaan mashiin oo laf-dhabar u ah adeegyada sheeybaarka, ayaa wax badan ka beddeli doona adeega sheeybaarka ee Isbitaalka, gaar ahaan Fully Automated Chemistry Analyzer ka oo isbitaalku h**e uusan u laheen.

Mashiinkan ayaa awood u leh inuu sameeyo ugu yaraan 120 baaritaan saacaddii, taasoo si weyn u dedejin doonta natiijada baaritaannada sheeybaarka, isla markana sare u qaadi doonta tayada adeegga sheeybaarka.

Waxaan si weyn ugu mahadcelineynaa dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay helitaanka labadan mashiin, gaar ahaan UNHCR iyo dhammaan shaqaalahooda ku sugan Addis Ababa iyo Melkadida.

Mahadsanidiin!!

Taariikhdu markay ahayd 24/02/2026 G.C, waxaa Isbitaalka la keenay ilmo 8 sano jir ah oo si kama’ ah u liqay musbaar (Na...
28/02/2026

Taariikhdu markay ahayd 24/02/2026 G.C, waxaa Isbitaalka la keenay ilmo 8 sano jir ah oo si kama’ ah u liqay musbaar (Nail) number 4 ah isagoo ku ciyaarayay.

Dhakhaatiirta ayaa u sameeyay baaritaan, waxaana loo diray raajatada caloosha(Plain Abdominal X-ray).

Sawirka raajada ayaa muujiyay in musbaarku gaaray mindhicirka weyn qaybtiisa hoose (Sigmoid Colon), taas oo badanaa tilmaamayso in musbaarku si dabiici ah saxarada ula soo bixi karo.

Dhakhaatiirta ayaa qoyska si faahfaahsan ugu sharaxay uguna qanciyay in:

• Inta badan walxaha la liqo ay si dabiici ah ula soo baxaan saxarada marka ay gaaraan mindhicirka weyn.

• Aan loo baahnayn qaliin dag dag ah, daawo ama referral, haddii aysan jirin calaamado khatar ah (danger signs) muujinayo xaalad culus.

• Xaaladda ilmaha si dhow loola socdo, isla markaana lagu hayo isbitaalka.

• Saxarada ilmaha lala socdo (monitoring of stool) si loo hubiyo soo bixitaanka musbaarka.

Alxamdulillaah, muddo 24 saacadood kadib, musbaarkii wuxuu si dabiici ah ula soo baxay saxarada ilmaha, iyadoo aan loo baahanin qaliin ama faragelin caafimaad oo kale.
Fariin ku Socota bulshada:
Marka ay timaado caafimaadkaaga ama caafimaadka ehelkaaga:
• Waa muhiim in la dhageysto lana raaco talada dhakhaatiirta.
• Mar walba qaliin ama daawo ma aha xalka keliya.
• Bukaanka haddii aan daawo la siin ama aan la qalliin, macnaheedu ma aha inaan la daryeelin.
Go’aamada caafimaad ee saxda ah waxay:
• Ka hortagaan isticmaalka antibiyootig aan loo baahnayn (without indication)
• Ka hortagaan qaliin aan loo baahneen
• Yareeyaan kharashka iyo dhibaatada referral aan loo baahneen
• Ilaaliyaan badbaadada bukaanka
Waxaa ogolaasho laga helay qoyska Ilmaha si xogtaan loo qoro.
Mahadsanidin!!!

17/02/2026

War-Caddeyn, Wacyigelin iyo Raalli-gelin
Maamulka Isbitaalka Dollo Addo waxa uu si buuxda u taageerayaa kuna shaqeeyni doona habraacyada sharci ee ay dejisay Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cunnada, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS, sida uu caddeeyay Mareeyaha Wakaaladda, Mudane C/laahi Maxamuud.
Habraacyadan waxaa lagu ansixiyay kal-fadhigii 7aad ee Golaha Fulinta DDS, Sannad-Maaliyadeedka 2018 T.I, toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu meel mariyay bayaano kala duwan oo khuseeya nidaaminta iyo dabagalka adeegyada caafimaadka.
1. Xuquuqda Bulshada
Waxaan si cad ugu wargelinaynaa Bulshadeena in:
Qof kasta xaq u leeyahay inuu soo gudbiyo cabasho ama dhaliil la xiriirta adeegga isbitaalka.
Cabashooyinka waxaa loo marayaa nidaam sharci oo rasmi ah.
Cabasho kasta si cadaalad iyo hufnaan leh ayaa loo baari doonaa.
Dhaliil kacarar ma nihin, mana noqon doono meel shaqo ka jirto ooy dhaliil ka jirin majirto.Waxaan aaminsanahay in dhaliishu ay tahay waddo lagu horumariyo adeegga bulshada.
2. Habka Qaabilaadda Cabashooyinka
Isbitaalku waxa uu leeyahay shaqaale gaar ah oo u xilsaaran:
Qaabilaadda cabashooyinka
Diiwaangelinta iyo dabagalka
Hubinta in cabashada loo maro habraaca saxda ah
Shaqaalahan si joogto ah ayuu u shaqeeyaa, si loo xaqiijiyo in codka bulshada la maqlo lana qiimeeyo.

3. Raalli-gelin
Waxaan raalli-gelin ka bixinaynaa qoraalki h**e oo loo fasirtay inaan kacarareyno dhaliilaha. Taasi ma ahayn ujeeddadeenna.
Sidoo kale, waxaan caddeynaynaa in habraaca ay maanta soo saartay Wakaaladdu uu ahaa mid la diyaariyay lana ansixiyay ka hor cabashooyinkii laga soo gudbiyay Isbitaalka Dollo Addo. Sida kor ku xusan, habraacaas waxaa lagu meel mariyay kal-fadhigii 7aad ee Golaha Fulinta DDS, SM-2018 T.I, toddobaadkii lasoo dhaafay, isla markaana lagu ansixiyay bayaano kala duwan.
Ujeeddadeennu ma ahayn in aan wax ka gaabinno cabashooyinka, balse waa in dhammaan arrimaha lagu maareeyo si waafaqsan hab sharci oo cad.
Wax walba waxaa nooga muhiimsan caafimaadka iyo badbaadada Bulshadeena.
Maamulka Isbitaalka Dollo Addo

Address

Dollo Addo Town, 03 Kabele
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dollo Addo Hospital Rasmi page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dollo Addo Hospital Rasmi page:

Share

Category