Xafiska caafimadka degmada Afdem

Xafiska caafimadka degmada Afdem Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiska caafimadka degmada Afdem, Medical and health, Afdam.

Waxaa xadhigga laga jaray balaadhinta Cusbitaalka Guud ee Siti oo lagu soo kordhiyay qaybta dhaawacyada, taas oo ay ku b...
07/05/2026

Waxaa xadhigga laga jaray balaadhinta Cusbitaalka Guud ee Siti oo lagu soo kordhiyay qaybta dhaawacyada, taas oo ay ku baxay dhismaha iyo qalabaynta miisaaniyad dhan 97 milyan oo Birr.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed iyo qaar kamid ah xildhibaannada xisbiga Barwaaqo uga sharaxan Gobolka Siti ayaa xadhigga ka jaray mashruucan, kaas oo wax badan ka tari doona adeegyadii uu cusbitaalku bixin jiray.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sheegay in xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siisay adeegyada caafimaadka. Waaxdan Cisbitaalka lagu soo kordhiyeyna ay waxbadan ka tari-doonto dhinaca adeeg bixinta cusbitaalka.

Waxaa shalay magaalada Diridhaba kabilaabmay shirkii koobaad ee  gudiga sare ee hagaya Mashruuca PBF ( Performance Based...
27/02/2025

Waxaa shalay magaalada Diridhaba kabilaabmay shirkii koobaad ee gudiga sare ee hagaya Mashruuca PBF ( Performance Based Financing) ee heer deegaan.

kulankan oo socondoona mudo laba cisho ah ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka deegaanka oo uu horkacayo Wasiir kuxiggeenka xafiiska Mudane Mahamed Ayaaanle, agaasinada waaxaha kaladuwan, gudoomiyaha gobolka Sitti Mudane Ibrahim, iskuduwaha caafimaadka Gobolka Sitti, masuuliyiin kasocda wasaarada caafimaadka Dalka, wakiilada Hayada CORDAID, jaamacada Jigjiga, Xafiiska Maaliyada iyo madax-xafiiseedada caafimaadka degmooyinka uu mashruucani kahawlgalo.

Mashruucan oo lagu maalgalinhayo goobaha caafimaadka ayay ujeedadiisu tahay in kor looguqaado tayada adeegbixinta caafimaadka, tayada xogta, dhiirigalinta shaqaalaha iyo maamul-wanaaga wuxuuna kahawlgalaaa 8 degmo iyo 22 goob caafimaad ( 20 xarumood iyo laba hospital oo Gobolka Sitti kuyaala), wuxuuna bilawday October 2023.

Shirkan ayaa sirasmi ah loogu aas-aasay gudiga hagidda mashruuca ( Regional Steering Commitee) waxaana lagu qiimeeyay waxqabadka mashruuca ee sanadkii uu socday.

Gunaanadkii shirka ayaa waxaa kasoobaxay go'aano lagu hagayo mashruuca laguna saxayo caqabadaha mashruuca.

Xafiiska Caafimaadka DDS
February 27, 2025

21/01/2025
Shaqaalaha xafiska caafimadka degmada iyo shaqaalaha xarunta caafimaadka afdem aya sii wada jir ah uga fuliyey oloole na...
20/01/2025

Shaqaalaha xafiska caafimadka degmada iyo shaqaalaha xarunta caafimaadka afdem aya sii wada jir ah uga fuliyey oloole nadaafaded xarunta caafimaadka afdem

Wasiir ku xigeenka xafiiska cafimaadka DDS uu kula kulmay dhamaan madax xafiiseedada cafimaadka dagmooyinka gobolka sitt...
20/01/2025

Wasiir ku xigeenka xafiiska cafimaadka DDS uu kula kulmay dhamaan madax xafiiseedada cafimaadka dagmooyinka gobolka sitti iyo kormeerkii uu ku soo marayay 2 dagmo ee kala ah Hadhagala iyo Ayshaca.

Address

Afdam

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiska caafimadka degmada Afdem posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share