26/05/2026
Itoobiya oo Mamnuucday in Goobaha Caafimaadku isku Xayeysiiyaan Bukaan loo Adeegay Hadalkiisa.
Horraantii bisha May wasiirka caafimaadka Itoobiya ayaa mamnuucday in goob caafimaad lagu xayeysiiyo hadaljeedin iyo mahadnaq bukaan jeedinayo (ptn testimonials).
Tan ayaa lagu sababeeyay in marinhabaabin ay ku samayn karto bulshada warkani gaadhayo. Sidoo kale, waxa la arkay dhakhaatiir adeegga ka been abuuraya oo qof u soo kiraysanaya si uu bukaan u jilo. Arrinkan oo ku sal leh akhlaaqda caafimaadka (medical ethics) ayaa dood badan dhaliyay.