29/03/2025
Wadamada kala ah Malaysiya, Indonesia, Bangladesh, Australia iyo Brunei iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Aasiya ayaa ku dhaawaqay in ay waayeen bishii Soofur isla markaasna ay ciidayaan maalinta Isniinta.
Imaaraadka Carabta, Qadar iyo Sucuudi Careebiya waxa ay bilaabeen raadinta bisha, iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn, AI iyo tiknoolajiyad kale oo casri ah.
Qorrax-madoobaad ayaa sida oo kale la filayaa in galabta laga arko qaybo ka mid ah Waqooyiga Ameerika, Yurub, Aasiya, Afrika, Badweynta Atlaantigga iyo Arctic, taasi oo iyana hoos u dhigeysa helista bisha Soonfur.
Gudaha dalka, culimada Soomaalida qaar ayaa dadweynaha u soo jeediyey in ay baadi-doonaan bisha. Go'aannada rasmiga ah waxa la sugayaa salaadda Maqrib......see more