03/04/2026
Dr. Abdulkadir Mohamed Mohamud, oo ah Dhaqtarka Cudurada Haweenka iyo Qalliimadooda, agaa kalmad kajeediyey xafladda daahfurka Baalguri Hospital.
Dr. Abdulkadir wuxuu adkeeyey ballanqaadyadii Agaasimaha Guud, Mudane Nuur Cumar Mayow, wuxuuna sheegay in maalmo cayiman uu imaan doono, isagoo la shaqeyn doona maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in intuu joogayo uu qaban doono On-job Training si kor loogu qaado xirfadda shaqaalaha cusub iyo tayada adeegyada caafimaadka ee isbitaalka.