09/06/2026
Bukaankan waxaa loo sameeyey (Keloid Excision and Laser-Assisted Treatment) iyadoo la adeegsanayo farsamooyin caafimaad oo casri ah. Qalliinka waxaa fuliyey Dr. Muse Abdikarem (Shawqi) oo ku takhasusay cudurrada maqaarka (Dermatologist) kana tirsan Bulqaas Hospital & Dental Care
Qalliinku waxa uu ku soo dhammaaday si nabdoon oo guul leh, Kadib qiimeyn caafimaad oo dhamaystiran bukaanku waxa uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo degan.
Waxaa sidoo kale bukaanka la siiyey tilmaamo faahfaahsan oo ku saabsan daryeelka nabarka, isticmaalka daawooyinka loo qoray, iyo jadwalka dib-u-eegista caafimaad si loo xaqiijiyo soo kabasho wanaagsan iyo natiijo caafimaad oo lagu qanco