06/06/2026
Ma laga yaabaa in uu ku dhaco kansar qof ku jira da’da labaatanka?
Jawaabtu waa haa. Inkastoo ay naadir tahay uuna ku badnayn sida dadka da’da ah, haddana wuu ku dhici karaa kansarku.
Waxaana ka mid ah: kansarka naasaha, kansarka mindhicirada iyo malawadka, kansarka maqaarka ee melanoma, kansarada dhiigga sida lymphoma iyo leukemia, kansarka xaniinyaha, kansarka thyroid-ka iyo kuwa lafaha, seedaha, murqaha iyo carjowda.