28/07/2026
28 june waa maalinta caabuqa beerka aduunka sanadkii 2024, 287 milyan oo qof ayaa la noolaa cudurka B ama C halka 1.3 milyan oo qof ayaa u dhinteen cudurka hepatitis B iyo C
Qaababka loo baahan yahay si loo ciribtiro cudurka hepatitis-ka ee fayraska ah ayaa waxaa ka mid ah, Tallaallo dhameystiran, baaritaanno sax ah, daawey loogu talagalay cudurka hepatitis C, iyo daaweyn joogta ah oo loogu talagalay cudurka hepatitis B, taalaboyinkaas iyo kuwa kale ayaa loga hortagi kara caabuqyada beerka, waxayna yareyn karaan kansarka beerka, iyo beer-dhagaxowga.