Drs natasha mahdi ibraahim

Drs natasha mahdi ibraahim Drs

🛣Tallaaboyin  Hadaad Joogteyso Aad Ku Helaysid Caafimaad Buuxa.**waxa loo baahan yahay iyada oo aan marnaba wixii Allaah...
06/12/2024

🛣Tallaaboyin Hadaad Joogteyso Aad Ku Helaysid Caafimaad Buuxa.

**waxa loo baahan yahay iyada oo aan marnaba wixii Allaah kuu qadaray anaad ka baxsanayn oo uu ku haleelaayo, hadana in uu Qofku ku dedaalo daryeelka Caafimaadka Jidhkiisa, arimahan soo socdaana waxay kaa taageerayaan ilaalinta.**

1- ka fogow Sumaha cad ee saddexda ah: Sumaha cad ee saddexda ahi waa Sonkorta, Milixda iyo Daqiiqda cad, saddexdaas ka fogow intii aad kari karto ama aad u yaray waayo waxa hubaal ah inay dhib u leeyihiin Caafimaadkaaga, yaray Milixda intaad kari karto, Sonkortana Malabka ku bedel, Daqiiqda guduudka ahna isticmaal halkaad ka isticmaali lahayd Daqiiqda cad.

2- Khudaarta oo aad cunto adiga oo si fiican u calalinaaya aad iyo aad, waayo Cuntada oo la calaliyaa si fiican waxay kordhisaa nisbada Maadooyinka Kimikalada ah(Chemicals) ee la dagaalama Kudka (Cancer) Khudaarta la yidhaahdo Kaabajka(Cabbage) iyo Zahrada (Cauliflower)

3- Socod Maalin walba ah: Socod Maalin walba ah muda gaadhaysa Nus Saacad ilaa hal Saacad ah wuxuu yarayaa suurta galka ah inuu kugu dhaco Kudku(Cancer) nisbad gaadhaysa 18% wuxuuna kaa taageerayaa inaad ka takhalusto qiyaastii 3KG oo miisaankaaga ah Sanadkii wuxuuna ilaaliyaa toosnaanta Jidhka.

4-Saddex Saami oo Khudaar iyo Furuut (Fruits) ah Maalin walba, ku dedaalo inaad cunto Khudaar iyo Furuut Saddex goor Maalintiiba waxa suura gal ah in ay yarayso khatarta ah inaad qaado Wadna Istaag (Heart attack) nisbad ah 70%.

5-Kaluunka oo aad cunto Todobaadkii hal mar, inkasta oo ay kuwa ku Xeeshadheeri ku talinayaan inaad cunto Kaluun Todobaadkii laba goor hadana inaad cunto hal mar waxa suura gal ah inay kaa gargaarto hagaajinta isu dheeli tirka Maadooyinka Chemicals ka ah ee Maskaxda, Kaluunku wuxuu faa’iido u leeyahay Caafimaadka Wadnaha iyo Maskaxda.

Ugu dambayntii Allaah waxaan ka baryaynaa Caafimaad iyo inuu na cafiyo labada Daaroodba.

FG: lasaaxib khudrada🥗🥗 iyo biyaha 💦💦

Cunista jaadka (khat) waxay leedahay dhibaatooyin badan oo saameyn kara caafimaadka jirka iyo maskaxda qofka. Waa kuwan ...
02/12/2024

Cunista jaadka (khat) waxay leedahay dhibaatooyin badan oo saameyn kara caafimaadka jirka iyo maskaxda qofka. Waa kuwan qaar ka mid ah dhibaatooyinka ay keento:

1. Saameynta Caafimaadka:

Cunista jaadka waxay keentaa dhibaatooyin caloosha, sida boogaha caloosha iyo dheefshiidka oo xumaada.

Waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga (hypertension) taas oo keeni karta dhibaatooyin wadnaha ah.

Jaadku wuxuu sababi karaa buurnaan ama miisaanka oo kordha maadaama uu beddelo dheefshiidka.

2. Saameynta Maskaxda:

Isticmaalka joogtada ah ee jaadka wuxuu sababi karaa walwal, niyad jab, iyo hurdo la'aan (insomnia).

Waxay sababi kartaa in qofka uu ku jiro xaalad isku buuq iyo hurdo la'aan joogto ah, taas oo saameynaysa shaqadiisa iyo noloshiisa maalinlaha ah.

Jaadka wuxuu sidoo kale sababi karaa isbedelada maskaxda iyo dhibaatooyin la xiriira xusuusta iyo diiradda.

3. Saameynta Dhaqaalaha iyo Bulshada:

Cunista jaadka waxay keentaa in qofka uu ku bixiyo lacag badan maalin kasta taas oo saameyn karta dhaqaalihiisa shaqsiga ah iyo kan qoyska.

Waxay saameyn ku yeelataa wax soo saarka shaqada qofka, maadaama jaadka uu keeni karo caajis iyo in waqti badan lagu lumiyo cunistiisa.

Waxay sidoo kale keentaa dhibaatooyin bulsho sida is-qabqabsi iyo kala fogaansho bulsho.

Marka la soo koobo, cunista jaadka waxay leedahay saameyn caafimaad, dhaqan, iyo dhaqaale, waxayna muhiim tahay in la helo wacyigelin iyo taageero caafimaad si loo yareeyo dhibaatooyinkan.

Soonka iyo caafimaadka  part 2Dadka qaba Reflux ga GERD ( Gaaska) !!Sidee u maareysaa xiliga soonka gaaskaga?Maxaase kug...
16/04/2023

Soonka iyo caafimaadka part 2
Dadka qaba Reflux ga GERD ( Gaaska) !!

Sidee u maareysaa xiliga soonka gaaskaga?
Maxaase kugu kiciya?
Gaaskaga ila heerku taganyahay 0/10 .!

=
SOONKA IYO GAASKA

Talada ugu fiican ee qofka sooman waxa waye inuu cunoyinkiisa kataxadaro qaatana habeen kii xabad kaniin ah.

Cuntoyinka ufiican qofka qaba gaaska

= Cuntooyinka leh fiber ka sida tufaaxa barakoliga karootada
= Cuntada dufanta yar sida kaluunka iyo digaaga
= Qudaarta nuuca aan ash*tada laheyn
= Cabitaanada aan kafayga lahyn
= Caanaha iyo yoghurt
= Rootiga ama canjeerada aan lahyn qamiir badan
= Biyo kugu filan cab
= Cabitaanada qudaarta aan ash*tada lahyn
= Mooska
= Bataati macaanka

Cuntooyinkan kadheeraw

= Shukulaatada
=daawoyinka xanun babiyaha (NSAIDS)
=Spicy Foods
= Kafaayga sda qaxwda shaaha
= Cuntada cusbada badan
= Cuntada subaga badan ama xeeyrta
= Cuntada sokorta badan
= Sigaarka jooji
= cabitanda qudarta ash*tda leh sda liin dhanaan jooji
= Liin dhanaanta

Qaabka cuntada ucunee

Sitartiiba ucun cunada tusaale timir iyo biyaha kubilaw kabacdi maqribka duko markas kuxiji cuntada kale

Tan ugu muhimsan waa inaad qadata dawada gaaska habeen kii hal xabo cun

03/04/2023

Soonku waa Caafimaad ;

Myoclinic oo ah xarumo isugu jira; isbitaallo, wax-barashada caafimaad iyo cilmi baarista, aadna looga danbeeyo, ayaa waxay faafisay in soonku daawo u noqon karo, cuduro halis ah sida,

1. Laclaca (alzahaimer)
2. Qalalka halka dhinac ah (stroke),
3. neefta (asthma),
4. Xubno xanuunka (arthritis)
comment ugu horeeya ka aqriso qoraalka myoclinic.

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu ( صلى الله عليه وسلم ) wuxuu yiri:Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu cam...
22/03/2023

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu ( صلى الله عليه وسلم ) wuxuu yiri:
Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma'ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona.

RAMADAN KAREEM🌙⭐🕋🕌 BULSHO WAYNTA SOOMAALIYEED EE ANU BARTANI KU BAHOWNEYOW 🌹

"Muuminka dhabta ahi, ma cabsaddo , Arsaaqddu inay ka go'ayso k**a cabsaddo. Geerida k**a cabsado iyo inuu dhiman doono....
09/03/2023

"Muuminka dhabta ahi, ma cabsaddo , Arsaaqddu inay ka go'ayso k**a cabsaddo. Geerida k**a cabsado iyo inuu dhiman doono. Wuxuu isku dayaa uun inuu xaqa ku taagnaado."

WY Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil.

Jumce wangsan somaaliyey

Address

Ahmed Guray
Borama

Telephone

+252634623276

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Drs natasha mahdi ibraahim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Drs natasha mahdi ibraahim:

Shortcuts

Share

Category