19/07/2026
🩺 Tababarka Macallimiinta ee Xoojinta Adeegyada Talaalka.
Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Buhodle , Abdiqani Maxamud Shire ayaa ka qayb galey Barnaamijka Talaalka (EPI) ee Tababarka Macallimiinta (Training of Trainers - ToT) ee Integrated Training Package for Immunization in Practice, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 19–23 July 2026.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gavi, WHO, UNICEF, iyo Jaamacadda Jazeera, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta aqoonta iyo tayada adeegyada tallaalka, si loo horumariyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Wasaaradda Caafimaadka Gobolka waxay ka go'an tahay inay sii xoojiso adeegyada tallaalka iyo tayeynta xirfadaha shaqaalaha caafimaadka si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo tayo leh.