21/06/2026
💻 Practical Training on Computer Hardware, Computer Assembly, and Disassembly
Waxaa si heer sare ah loo qabtay tababar wax ku ool ah oo ku saabsan Computer Hardware, Computer Assembly, iyo Computer Disassembly, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Ardayda Jaamacadda Modern University looguna talagalay ardayda Machadka Tayo.
Tababarkan qiimaha badan waxaa bixiyey Eng. Ahmed Abdi Aden iyo Eng. Sahal Abdi Karean, kuwaas oo ardayda si qoto dheer ugu sharxay qaybaha kala duwan ee kombiyuutarka, habka loo isu geeyo (Assembly), habka loo kala furfuro (Disassembly), iyo xirfadaha farsamo ee muhiimka u ah fahamka iyo dayactirka qalabka kombiyuutarka.
Dhanka kale, macallimiinta tababarka waxaa si rasmi ah ugu mahadceliyey maamulka Machadka Tayo, gaar ahaan Maamule Omar iyo Ustaad Farhan Nuur, kuwaas oo bogaadiyey dadaalka iyo aqoonta ay la wadaageen ardayda. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in ardaydu helaan tababaro wax ku ool ah oo kor u qaada xirfaddooda iyo aqoontooda farsamo.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta tababarkan guusha ku dhammaaday, waxaana rajaynaynaa in ay sii socdaan barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha ardayda.
🎓 Aqoonta la barto maanta waa guusha la gaadho berrito.