29/04/2025
Qoraal Cilmiyeed: Sababaha Tahriibka Dadka Soomaaliyeed iyo Xalka Lagu Joojin Karo
Hordhac
Tahriibka, oo loo yaqaanno socdaalka sharci darrada ah ee lagu beegsado wadamo kale oo horumarsan, wuxuu noqday mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. Sanadihii u dambeeyay, tiro aad u badan oo Soomaali ah ayaa u tahriibay qaaradaha Yurub, Ameerika iyo Waqooyiga Afrika, iyagoo doonaya nolol ka wanaagsan tii ay ku haysteen gudaha Soomaaliya. Nasiib darro, inta badan safarradan waxay la kulmaan halisyo nololeed sida dhimasho, dhaawac, jirdil, kufsi, iyo nolol darro cusub oo ka sii liidata tii h**e.
Ujeedada Qoraalka
Qoraalkani wuxuu diiradda saaraya:
In lagu falanqeeyo sababaha rasmiga ah ee dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed u tahriibayaan.
In la ogaado cawaaqibka ka dhasha tahriibka sharci darrada ah.
In la soo jeediyo xalal suurtagal ah oo loo adeegsan karo yaraynta ama joojinta tahriibka.
Tusaalooyin Dhab Ah oo Muujinaya Saameynta Tahriibka
Waxaa jira qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ay si weyn u taabatay dhibaatada tahriibka, gaar ahaan marka ay carruurtoodu u gacan galaan burcadda loo yaqaanno "Magafeyaal"—kuwaas oo dadka tahriibaya u adeegsanaya siyaabo sharci darro ah si ay lacag uga helaan qoysaskooda. Dadkan waxay carruurta la wareegaan marka ay gaarayaan xuduudaha Libya, Sudan ama meelaha kale ee tahriibka muhiimka u ah. Inta badan, waxay la xiriiraan qoyska tahriibaha una sheegaan in ilmahoodii gacanta ugu jiro, lana sii daynayo kaliya haddii lacag madax furasho ah la bixiyo waliba wakhti cadidan oo aan laga dib dhici karin.
Tusaale 1: Qoys sabool ah oo deganaa magaalada Baydhabo ayaa wiilkoodii 18 jirka ahaa ka tahriibay. Maalmo kadib, waxaa qoyski soo wacay dad ajnabi ah oo sheegay inay gacanta ku hayaan wiilkaas isla markaana dalbaday madax furasho dhan $14,000. Qoyska oo aan haysan lacag intaa la eg ayaa ku khasbanaaday inay iibiyaan gurigii ay deganaayeen, si ay u furtaan wiilkooda. Nasiib wanaag wiilkaas waa la sii daayay, balse qoyskaasi waxay noqdeen kuwa bilaa guri ah, bilaa rajo ah, kuna nool xeryo barakacayaal ah.
Tusaale 2: Aabe ku shaqeysan jiray gaari yar oo raashinka uu ku qaado magaalada Galkacyo ayaa gabadhiisa oo 17 jir ahayd ka tahriibtey, si ay mustaqbal fiican u hesho. Gabadhii waxaa qabtay burcad magafayaal ah oo u gudbisay Liibiya. Waxay dalbadeen madax furasho dhan $16,000. Aabihii ayaa ku khasbanaadey inuu gaarigiisii uu qoyska oo dhan ugu shaqeyn jiray iibiyo, taas oo keentay in qoyskaasi lumiyo ishii dhaqaale ee u ku tiirsana qoyska oo idil. Intaas kaddib, qoyskaasi waxay ku sugnaayeen nolol adag oo saboolnimo ah, iyadoo gabadhii lasoo sheegay inay xanuunsatey ka dib u geeriyootey isla xanuunki xaaladaas adag kadib nasiib darro aabihi waxa uu noqdey bukaan ka xanuusan xaga dhimirka qoyskina waxa lasoo daristey xaalad aad u adag.
Tusaalooyinkani waxay si cad u muujinayaan sida tahriibku u noqon karo masiibo qoyska burburisa, halkii laga filayay in uu noqdo waddo horumar iyo barwaaqo lagu gaadho.
Sababaha Dhabta ah ee Tahriibka Dadka Soomaaliyeed
1. Shaqo La’aan Baahsan
Tirakoobyada la heli karo waxay muujinayaan in shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka badan tahay 70%, taas oo dhalinyarada gelinaysa xaalad niyad jab iyo rajadii mustaqbalka oo baaba’da. Fursado la’aantaas waxay dhalinyarada ku riixdaa inay tahriibaan si ay u raadsadaan nolol dhaanta tii dalkooda.
2. Ammaan Xumo
Amni darro joogto ah oo ay sababaan argagixisada, kooxaha hubeysan, iyo isqabqabsiga siyaasadeed ayaa dadka ka hor istaagay inay si nabad ah ugu noolaadaan deegaanadooda. Meelo badan oo dalka ka mid ah, dadka ayaa si joogto ah ula kulma hanjabaad, afduub iyo dilal qorsheysan.
3. Cadaalad Darro iyo Musuqmaasuq
Musuqmaasuqa baahsan ee ka jira hay’adaha dowladda iyo qeybaha adeegga bulshada sida garsoorka iyo shaqo-qorista ayaa keenay in dad badan ay waayaan fursado ay xaq u lahaayeen. Tani waxay ka dhalisaa niyad jab guud oo bulshada ka dhex abuurta dareen ah in aysan wax fursad ah ku lahayn gudaha dalka.
4. Saboolnimo iyo Dhaqaale xumo
Dhaqaale burburka dalka ka jira wuxuu sababay in dad badani ku noolaadaan xaalad faqriga ka sii daran. Deegaanka, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka ayaa aad u liita, taasoo keenta in dhalinyarada ay dareemaan in aysan jirin rajo ay noloshooda ku dhisi karaan gudaha dalka.
5. Kalsooni darro Siyaasadeed
Marka la eego hanaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa muuqda in hogaamiyeyaasha badankood ay si gaar ah u adeegtaan danaha reerahooda iyo kooxahooda, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen danta guud. Taasi waxay keentay in dadku dareemaan inay yihiin "muwaadiniin heer labaad ah".
Cawaaqibka Ka Dhasha Tahriibka
Dhimasho: Kumannaan Soomaali ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka iyo saxaraha u dhexeeya Afrika iyo Yurub.
Jirdil, Kufsi iyo Xabsi: Qof tahriibaya wuxuu si fudud u gali karaa gacanta kooxo burcad ah ama ciidamada dalalka uu sii maro, kuwaasoo ka geysta xadgudubyo xun.
Naafonimo iyo Murugo Qoys: Qoysas badan ayaa ku burbura tahriibka, carruur badan ayaa waaya waalidkood, halka waalidiin badanna ay waayaan ubadkoodii.
Xalka Lagu Joojin Karo Tahriibka
1. Abuurista Fursado Shaqo iyo Kobcinta Dhaqaalaha
Dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay waa in ay sameeyaan barnaamijyo shaqo abuur ah oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada.
Maalgashiga gudaha iyo dhiirrigelinta ganacsiga yaryar (start-ups) waa in la fududeeyaa.
2. Dhisidda Amni iyo Garsoor la isku halayn karo
Ciidamada amniga waa in la hagaajiyaa, si ay u sugaan nabadgelyada shacabka.
Garsoorka waa in la madax-bannaanayaa, si dadka loo siiyo cadaalad dhab ah.
3. Horumarinta Waxbarashada iyo Xirfadaha
Dhalinyarada waa in lagu baro xirfado gacanta ah (technical and vocational skills) oo ay noloshooda ku maarayn karaan.
Waxbarasho tayo leh ayaa ah furaha horumar waara.
4. La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Kala-Qaybsanaanta Siyaasadeed
Xisaabtanka iyo isla xisaabtanka waa in laga hirgaliyaa heer kasta.
Siyaasadda waa in loo furo qof kasta, si muwaadin kastaa uu u dareemo in uu dalkiisa ka tirsan yahay.
5. Wacyigelinta Bulshada iyo Qoysaska
Waa in laga sameeyaa barnaamijyo wacyigelin ah oo bulshada lagu baraarujiyo halista tahriibka iyo fursadaha kale ee gudaha dalka yaal.
Waalidiinta iyo odayaasha dhaqanka waa in ay door ka qaataan ka hortagga tahriibka.
Gabagabo
Tahriibka sharci darrada ah ee dadka Soomaaliyeed wuxuu ka dhashay xaalado nololeed, dhaqaale iyo amni oo liita. Haddii aan la helin qorshe qaran oo dhab ah oo wax looga qabanayo sababahaas, waxa hubaal ah in kumannaan kale oo dhalinyaro ah ay u le’an doonaan nolol raadis. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda, bulshada rayidka ah, qurbojoogta iyo beesha caalamka ay iska kaashadaan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatadaas.
Dr Mohamed Abdikafi Ahmed (Dhagaweyne)
MD/MPH