Gabiley General Hospital

Gabiley General Hospital Waxaan u heellanahay badbaadinta nolosha, daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Cusbitaalka Guud ee Gabiley waa xarun caafimaad oo heer gobol ah oo bixisa adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, casri ah, isla markaana la jaanqaadaya baahida bulshada.

18/05/2026

HAMBALYO 18 MAY

Maamulka, Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan Bahda Cusbitaalka Guud ee Gabiley waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda qiimaha badan ee 18 May.

18 May waa maalin astaan u ah midnimo, adkaysi, dib-u-dhis iyo himilo qaran oo shacabka Somaliland ku gaadheen nabad, horumar iyo jiritaan.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu Somaliland ku asturo nabadgelyo, horumar iyo barwaaqo waarta.

Hambalyo 18 May
Cusbitaalka Guud ee Gabiley
Caafimaadkiinnu waa noo muhiim

18/05/2026

Dr Benjamine oo ka mid Dhakhaatiirta ka hawlgasha Cusbitaalka Guud ee Gabiley oo si wayn u Dabaaldegay Isaga Iyo Qoyskiiaa.

HAMBALYO 18 MAYMaamulka, Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan Bahda Cusbitaalka Guud ee Gabiley waxay hambalyo i...
18/05/2026

HAMBALYO 18 MAY

Maamulka, Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha iyo dhammaan Bahda Cusbitaalka Guud ee Gabiley waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda qiimaha badan ee 18 May.

18 May waa maalin astaan u ah midnimo, adkaysi, dib-u-dhis iyo himilo qaran oo shacabka Somaliland ku gaadheen nabad, horumar iyo jiritaan.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu Somaliland ku asturo nabadgelyo, horumar iyo barwaaqo waarta.

Hambalyo 18 May
Cusbitaalka Guud ee Gabiley
Caafimaadkiinnu waa noo muhiim

Saaka Cusbitaalka Guud gaar ahaan Waaxda Gargaarka Degdega ah ayaa  kaga Qaybgalaya Munaasibadda Xuska 18 May Sidii ay u...
18/05/2026

Saaka Cusbitaalka Guud gaar ahaan Waaxda Gargaarka Degdega ah ayaa kaga Qaybgalaya Munaasibadda Xuska 18 May Sidii ay uga jawaabi lahaayeen Xaalad kasta oo timaada.

Sannad Guuro Wanaagsan.

14/05/2026

Weedhaha Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh ee Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jsl.

Hirgelinta Iyo Dabagalka Nidaamka Xogta Bukaanka ee Cusbitaalka Guud ee Gabiley.Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Dr. Isaxa...
14/05/2026

Hirgelinta Iyo Dabagalka Nidaamka Xogta Bukaanka ee Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh oo ay weheliyaan maamulka xogta bukaanka ee cusbitaalka ayaa maanta kulan la qaatay khubaro ka socotay dalka aynu saaxiibka nahay ee Taiwan. Khubaradan ayaa ka koobnayd wakiillo ka socday Haayadda Taiwan International Cooperation and Development Fund (ICDF) iyo Kaohsiung Medical University Hospital.

Labadan Haayadood ayaa door weyn ka qaata taageerada hirgelinta nidaamka casriga ah ee ururinta iyo kaydinta xogta bukaanka ee cusbitaallada Jamhuuriyadda Somaliland. Booqashadooda ayaa daaranayd u kuurgelidda heerka uu marayo isticmaalka nidaamka xog ururinta casriga ah ee laga hirgeliyay Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

Kulanka ayaa ugu horrayn waxa hadallo soo dhawayn Iyo mahadnaq ah ka jeediyay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh Maxamed. Agaasimuhu waxa uu si faahfaahsan uga warbixiyay geeddi-socodka hirgelinta nidaamka xogta bukaanka, heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray, caqabadihii ka horyimid iyo xalalkii loo helay, halka uu maanta marayo, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo nidaamka.

Sidoo kalemaamulka xogta bukaanka ee cusbitaalka ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii iyo xog-ururintii ay qabeen khubarada ka socotay Taiwan. Kulanka waxa kale oo lagaga arrinsaday sidii nidaamka xogta bukaanka loogu fidin lahaa dhammaan qaybaha hadhay ee cusbitaalka.

Ugu dambayn, Agaasimaha Cusbitaalka ayaa waftiga ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee cusbitaalka ee laga isticmaalo nidaamka casriga ah ee xog ururinta iyo kaydinta bukaanka ee Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

12/05/2026

Hadalka Wasiir Bashiir Xuseen Xirsi ee kormeerka Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

12/05/2026

Wafti sare oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Hussein Bashir Hirsi, Iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Maxamed Aw Dahir ayaa maanta kormeer ku yimid Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

Kormeerkan ayaa la xidhiidhay dhismaha cusub ee ka socda cusbitaalka, Bilowga Dhisme Cusub oo Taariikhi ah, dhisme cusub oo noqonaya kii ugu casrisanaa uguna ballaadhnaa abid ee gobolka laga hirgeliyo.

Dhismahan waxaa iska kaashanaya Al Khadaab Foundation, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Iyo Dawladda Hoose Gabiley, Waxaana Fulinaya ZAD for Development Iyo Hawa Foundation.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn kor ugu qaado tayada adeegyada caafimaadka, isla markaana daboolo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada reer Gabiley.

Cusbitaalka Guud ee Gabiley waxa uu mar walba ku tallaabsanayaa horumar iyo casriyeyn adeeg caafimaad.

Wafti sare oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Hussein Bashir Hirsi, Iyo Wasiir Ku-xi...
12/05/2026

Wafti sare oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Hussein Bashir Hirsi, Iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Maxamed Aw Dahir ayaa maanta kormeer ku yimid Cusbitaalka Guud ee Gabiley.

Kormeerkan ayaa la xidhiidhay dhismaha cusub ee ka socda cusbitaalka, Bilowga Dhisme Cusub oo Taariikhi ah, dhisme cusub oo noqonaya kii ugu casrisanaa uguna ballaadhnaa abid ee gobolka laga hirgeliyo.

Dhismahan waxaa iska kaashanaya Al Khadaab Foundation, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Iyo Dawladda Hoose Gabiley, Waxaana Fulinaya ZAD for Development Iyo Hawa Foundation.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn kor ugu qaado tayada adeegyada caafimaadka, isla markaana daboolo baahiyaha sii kordhaya ee bulshada reer Gabiley.

Cusbitaalka Guud ee Gabiley waxa uu mar walba ku tallaabsanayaa horumar iyo casriyeyn adeeg caafimaad.

Address

Gabiley 2nd Road
Gebiley
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gabiley General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category