Fayo Care Hospital

Fayo Care Hospital Fayo Care Hospital is one of leading health centers in Galgadud Somalia.

30/07/2026

🩺 Adeegga Caafimaadka Degdegga ah ee Fayo Care Hospital intii lagu jiray Doorashada πŸ—³οΈ

Intii ay socotay doorashadu, kooxda caafimaadka ee Fayo Care Hospital waxay si hagar la’aan ah ugu adeegtay shacabka goobaha codbixinta, si loo xaqiijiyo in qof kasta uu helo gargaar caafimaad oo degdeg ah marka loo baahdo.

Waxaan si dhaqso leh uga jawaabnay xaalado caafimaad oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

βœ… Dadka uu dhiigkarku (Hypertension) sare u kacay.
βœ… Dadka uu cadaadiska dhiiggu (Low Blood Pressure) hoos u dhacay.
βœ… Bukaannada sonkorowga (Diabetes) ee u baahday gargaar degdeg ah.
βœ… Dadka miyir-beelay ama daal iyo fuuqbax soo wajahay.
βœ… Xaalado kale oo caafimaad oo u baahday daryeel degdeg ah.

Kooxdayadu waxay adeeg caafimaad ku gaarsiisay shacabka isla goobihii ay joogeen, iyadoo mudnaanta koowaad siisay badbaadinta nolosha iyo daryeelka bukaanka.

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee naftooda iyo waqtigooda u huray u adeegidda bulshada, iyo sidoo kale shacabka nala shaqeeyay.

Fayo Care Hospital
β€œCaafimaadkaaga waa mudnaantayada koowaad.”
πŸ“ž Call Center: 2524 – Naga soo wac markasta oo aad u baahato adeeg caafimaad degdeg ah.

29/07/2026

πŸ“’ OGEYSIIS MUHIIM AH – FAYO CARE HOSPITAL

Maamulka Fayo Care Hospital wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed la socodsiinayaa in berri ay dalka ka dhici doonto Doorashada Qaranka (National Elections), iyadoo la filayo in waddooyin badan la xiro sababo la xiriira sugidda amniga.

Si loo hubiyo in adeegyada caafimaad aysan hakad gelin, Fayo Care Hospital wuxuu idiin diyaariyey adeeg caafimaad oo buuxa 24hr/7.

πŸš‘ Adeegyada aan diyaar u nahay waxaa ka mid ah:

Ambalaas heegan ku jira 24/7.
Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal (Nurses) xirfad sare leh oo diyaar u ah badbaadinta bukaannada.
Kooxo caafimaad oo loo diri doono goobaha doorashooyinka si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.
Bukaannada ku xanuunsada xaafadaha ama guryahooda ee u baahan gurmad degdeg ah waxaa loogu diri doonaa ambalaaska isbitaalka si loogu soo qaado looguna keeno isbitaalka.

❀️ Adeegga qaadista bukaanka ee Ambalaaska wuxuu ahaan doonaa BILAASH (FREE OF CHARGE), wax lacag ah lagama qaadayo shacabka inta lagu jiro maalinta doorashada.

Badbaadada iyo caafimaadka bulshada ayaa ah mudnaantayada koowaad.

Fayo Care Hospital
"Daryeel tayo leh, adeeg degdeg ah, iyo badbaado mar walba."

πŸ“ž Kala xiriir Qaybta Gurmadka Degdegga ah (Emergency) 24/7: 2524

πŸ“’ OGEYSIIS MUHIIM AHMacaamiisheena sharafta leh ee ku nool Galmudug iyo deegaannada ku hareeraysan, waxaan idiin ku warg...
28/07/2026

πŸ“’ OGEYSIIS MUHIIM AH
Macaamiisheena sharafta leh ee ku nool Galmudug iyo deegaannada ku hareeraysan, waxaan idiin ku wargelinaynaa in maanta si rasmi ah noogu furmay adeegga tallaalka Hepatitis B ee bilaashka ah.
Ka faa'iidaysta fursaddan si aad isaga difaacdaan cudurka cagaarshowga (Hepatitis B) una ilaalisaan caafimaadkiinna iyo kan qoyskiinna.
πŸ“ Nagu soo booqda xarumaheenna: Gurceel iyo Dhuusamareeb
Fayo Care Hospital – Caafimaadkaaga waa mudnaanteenna. πŸ’›πŸ–€

πŸŒπŸ’š Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka – 28 Luulyo πŸ’šπŸŒFayo Care Hospital waxay si sharaf leh ugu casuumaysaa d...
27/07/2026

πŸŒπŸ’š Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka – 28 Luulyo πŸ’šπŸŒ
Fayo Care Hospital waxay si sharaf leh ugu casuumaysaa dhammaan bulshada ku dhaqan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo deegaannada ku dhow inay nagala qayb qaataan ololaha wacyigelinta iyo ka hortagga cudurka cagaarshowga.
πŸ“’ Ogeysiis Muhiim ah
Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Cagaarshowga Adduunka, Fayo Care Hospital waxay bulshada u bixinaysaa Tallaalka Cagaarshowga B (Hepatitis B Vaccine) si BILAASH ah, si kor loogu qaado ka hortagga cudurkan halista ah.
βœ… Tallaalku waa difaac muhiim u ah caafimaadkaaga.
βœ… Ogaanshaha h**e wuxuu badbaadiyaa nolosha.
βœ… Ka faa'iidayso adeeggan bilaashka ah adiga iyo qoyskaagaba.
πŸ“… Taariikhda: 28 Luulyo
πŸ“ Goobta: Fayo Care Hospital – Gurceel, Galmudug
☎️ Call Center: 2524
"Caafimaadkaagu waa masuuliyaddeenna. Kaalay maanta, is tallaal, oo naftaada iyo bulshadaada ka ilaali cagaarshowga."

Fayo Care Hospital wuxuu bulshada ugu bishaareynayaa in adeegyada Dhegaha, Sanka iyo Cunaha (ENT) ay diyaar idiin yihiin...
25/07/2026

Fayo Care Hospital wuxuu bulshada ugu bishaareynayaa in adeegyada Dhegaha, Sanka iyo Cunaha (ENT) ay diyaar idiin yihiin.
Waxaan idiin haynaa adeeg uu bixiyo:
🩺 Dr. Cabdiweli Hussein Ali (Daacad)
ENT Specialist
ku takhasusay: βœ… Xanuunnada dhegaha iyo maqalka
βœ… Xanuunnada sanka iyo xasaasiyadda
βœ… Qumanka iyo cunaha
βœ… Sanboorka iyo neefsashada oo dhibta
βœ… Baaritaan iyo daaweyn casri ah
πŸ₯ Fayo Care Hospital – Gurceel, Galmudug
πŸ“ž Call Center: 2524
"Caafimaadka Dhegaha, Sanka iyo Cunaha wuxuu saameeyaa tayada noloshaada. Ha sugin inta dhibaatadu sii weynaatoβ€”booqo Fayo Care Hospital.














*πŸŒ™βœ¨ JIMCO WANAAGSAN βœ¨πŸŒ™* Jimco Wanaagsan dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh ...
23/07/2026

*πŸŒ™βœ¨ JIMCO WANAAGSAN βœ¨πŸŒ™*
Jimco Wanaagsan dhammaan Muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh meel kasta oo ay dunida ka joogaan, si gaar aha shacabka reer Galmudug.
Alle ha inagu gaarsiiyo Jimcooyin badan annagoo caafimaad iyo nabad ku wada jira🀲🀲

21/07/2026

πŸ“’ OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan shacabka ku nool Gurceel, Dhuusamareeb, iyo deegaannada ku xeeran, in dhakhaatiir takhasus iyo khibrad sare uleh xanuunada kudhaca taranka ragga iyo dumarka oo ka socda Global Fertility Center ay adeegyo caafimaad oo heer sare ah ka bixin doonaan xarumaha Fayo Care Hospital ee Gurceel iyo Dhuusamareeb.
*Taariikhdu markey tahay 10/08/2026*
Waxaan bulshada ku dhiirrigelinaynaa inay ka faa'iideystaan fursaddan qiimaha leh. Isdiiwaangelintu waxay si rasmi ah uga socotaa xafiisyada isbitaalka.
πŸ“ Laanta Gurceel πŸ“ž 613570007 πŸ“ž 613570006 πŸ“ž 2524
πŸ“ Laanta Dhuusamareeb πŸ“ž 0619222440 πŸ“ž 0619222441
Fayo Care Hospital – Daryeel tayo leh, adeeg lagu kalsoon yahay.
Mahadsanidiin.

16/07/2026

🌸 Guul Kale oo Caafimaad – NICU ilaa Guriga! πŸ’™

Alle mahaddiis, maanta waxaan farxad la wadaageynaa in mid ka mid ah dhallaankii maalmo ku jiray qaybta NICU uu caafimaadkiisu soo hagaagay, islamarkaana loo fasaxay inuu gurigiisa kula laabto qoyskiisa.

Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, iyo shaqaalaha dadaalka badan ee ka qayb qaatay daryeelka ilmahan.

Waxaan u rajeynaynaa ilmaha caafimaad waara iyo mustaqbal ifaya. πŸ€²πŸ’™

βœ”οΈ Daryeelka dhallaanka xanuunsan iyo xaaladaha degdegga ah
βœ”οΈ Qalab casri ah iyo shaqaale caafimaad oo khibrad leh
βœ”οΈ Adeeg 24 saac ah
πŸ“ Location: Gurceel, Galgaduud, Somalia
πŸ“ž Call Center: 2524

Fayo Care Hospital_Qaybta_hooyada_iyo_dhalaanka(NICU)

09/07/2026

Alle ha idinka aqbalo salaadda, ducada iyo camalka suuban. Ha idiin waasiciyo rizqiga, caafimaadka, nabadda iyo barwaaqada. Aamiin.
**Jumca Mubaarak*
πŸ“ž Call Center: 2524
πŸ“ Gurceel – Galgaduud – Somalia

Fayo Care Hospital is one of leading health centers in Galgadud Somalia.

Address

Guri Ceel

Telephone

+252613570007

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fayo Care Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Fayo Care Hospital:

Shortcuts

Share

Category