11/09/2026
6 nooc oo waalidku muhiim u yahay inuu Ka ogaado Xuddunta Ilmaha oo Caabuqda (Omphalitis)
Omphalitis waa caabuq ku dhaca xuddunta iyo maqaarka ku hareeraysan xuddunta ilmaha, gaar ahaan maalmaha ugu horreeya dhalashada. Mararka qaarkood wuxuu noqon karaa caabuq fudud, laakiin haddii uu si degdeg ah u faafo wuxuu halis gelin karaa nolosha ilmaha.
1. Caabuq fudud (Mild Omphalitis)
Calaamadaha:
Xuddunta agteeda oo yara casaata
Barar yar
Kulayl yar oo meesha ah
Dheecaan yar ayaa iman kara
Ilmuhu guud ahaan wuu fiican yahay, naaskana si caadi ah ayuu u nuugayaa.
2. Caabuq dhexdhexaad ah (Moderate Omphalitis)
Calaamadaha:
Casaanka oo sii badanaya
Bararka oo kordhaya
Xuddunta oo xanuunta marka la taabto
Dheecaan ama malax
Ur xuddunta ka imanaya.
3. Caabuq daran (Severe Omphalitis)
Calaamadaha:
Casaanka oo xuddunta ka sii fidaya
Barar iyo xanuun badan
Malax badan ama dheecaan ur xun leh
Ilmaha oo qandho yeesha ama heerkulkiisu is beddelo
Naaska oo uu diido Ilmuhu inuu nuugo
Ilmaha oo aad u hurda ama tabar-darnaada.
4. Caabuq aad u daran oo unugyada dhaawaca (Necrotizing Omphalitis)
Calaamadaha:
Xuddunta iyo maqaarka ku wareegsan oo aad u barara
Maqaarka oo guduud aad u daran noqda ama madoobaada
Nabarka oo yeesha muuqaal dhaawac/unug dhintay
Dheecaan ama malax badan
Ur aad u xun
Ilmaha oo aad u tabar-darnaada ama xaaladdiisu si degdeg ah u xumaato.
🚨 Tani waa xaalad degdeg ah. Ilmaha isla markiiba isbitaal gee.
5. Caabuqa fangaska (Fungal Omphalitis)
Calaamadaha:
Xuddunta oo casaata
Finan ama dhibco yaryar oo ku wareegsan
Meesha oo qoyaan ama dheecaan yeelata
Wax cad ama jajab u eg oo ka muuqda xuddunta
Caabuqa oo aan si fudud u baabi'in.
6. Caabuq daba-dheeraada ama soo noqnoqda (Chronic/Recurrent Omphalitis)
Calaamadaha:
Xuddunta oo marar badan caabuqanta
Dheecaan soo noqnoqda
Xuddunta oo had iyo jeer qoyan
Hilib yar oo guduudan oo xuddunta ka soo baxa
Ur ama malax soo noqnoqda
Xuddunta oo aan si fiican u bogsan.
Talo: Fadlan Xuddunta dhallaanka dhawaan dhashay haddii ay casaato, bararto, malax yeelato, ur xun yeelato ama ilmuhu nuugista Naaska diido , ha sugin EE dhakhtar u gee. Caabuqa xudduntu mararka qaarkood si dhakhso ah ayuu ugu fidi karaa dhiigga.
Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD