Mercy Medical Center

Mercy Medical Center Adeeg hufan, soo dhawayn iyo khibrad caafimaad oo heer saraysa ah ugu kaalay MERCY Medical Center, Hargeisa, Somaliland

06/06/2026

Qanjo xanuunka carruurta (Tonsillitis) waa caabuq ku dhaca qumanka, waxaana badanaa sababa fayrasyo ama bakteeriyo. Inkastoo dad badan u arkaan xanuun sahlan oo ku eg cunaha, haddana mararka qaarkood wuxuu keeni karaa dhibaatooyin halis ah haddii aan si habboon loo daaweyn.

Gaar ahaan marka uu caabuqa keeno bakteeriyada Streptococcus, jidhku wuxuu samayn karaa falcelin difaac oo khaldan taas oo dhaawac gaadhsiin karta wadnaha. Xaaladdan waxaa loo yaqaan Qandhada Rheumatic (Rheumatic Fever), waxayna sababi kartaa dhaawac joogto ah oo ku yimaadda waallada wadnaha (Heart Valves).

Carruurta qaba qandho, cunaha oo aad u xanuuna, liqidda oo ku adkaata, quman bararsan ama qanjidhada qoorta oo barara waa in si degdeg ah loogu geeyo xarun caafimaad si loo qiimeeyo loona siiyo daaweynta ku habboon.

Daaweynta waqtigeeda la helo waxay ka hortagi kartaa dhibaatooyin waaweyn oo mustaqbalka saameyn kara caafimaadka wadnaha ilmaha.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

05/06/2026

Fiitamiin B12 waa nafaqo muhiim u ah koritaanka carruurta, samaynta dhiigga cas, iyo shaqada maskaxda iyo neerfayaasha. Marka uu yaraado, ilmaha waxa ku iman kara dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan.

Calaamadaha ugu badan ee carruurta lagu arko:

1. Daal iyo tabar-darro joogto ah.

2. Maqaarka oo noqda caddaan ama cirro leh.

3. Rabitaanka cuntada oo yaraada.

4. Korriinka iyo miisaanka oo gaabiya.

5. Xasuusta iyo feejignaanta oo daciifa, waxbarashadana saamayn ku yeesha.

6. Kabuubyo ama dareen gubasho ah oo gacmaha ama lugaha ah.

7. Carrab casaan iyo barar leh ama nabarro afka ah.

8. Madax-xanuun joogta ah iyo dawakhaad

9. Dabeecadda oo is beddesha, xanaaq ama niyad-jab.

Carruurta halista ugu badan ugu jira:

* Carruurta aan si fiican u cunin hilibka, kalluunka, ukunta iyo caanaha.

* Carruurta qaba xanuunnada saameeya nuugista cuntada ee xiidmaha (Malabsorption).

* Dhallaanka ay hooyooyinkoodu ku yar tahay Fiitamiin B12 xiligii uurka

Cuntooyinka laga helo Fiitamiin B12:
Hilibka, kalluunka, digaagga, ukunta, caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo.

Haddii ilmuhu leeyahay daal badan, korriin gaabis ah, feejignaan yari ama calaamadaha kor ku xusan, waxaa habboon in dhakhtar lala xidhiidho si loo sameeyo baadhitaan iyo daaweyn ku habboon.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD
Mercy Medical Center

01/06/2026

Beryahan dambe waxa soo badanaya carruurta uu ku dhacayo Dengue Fever. Inkastoo carruur badan ay ka bogsadaan cudurkan, haddana qaar ayaa geli kara xaalado halis ah oo u baahan in si degdeg ah loo daweeyo. Calaamadahan digniinta ah waa muhiim

1. Calool Xanuun Daran

Calool xanuunka daran wuxuu ka dhalan karaa dheecaanka dhiigga oo ka baxaya xididdada dhiigga ama beerka oo uu saameeyo fayrasku. Waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee Dengue-ga daran.

2. Matag Joogto Ah

Matagga badan wuxuu keenaa fuuqbax iyo luminta cusbada jirka. Ilmaha oo aan awoodin inuu cabbo ama cuntada haysto waxay kordhinaysaa khatarta xaaladdiisu uga sii darto.

3. Dhiig-bax

Dengue-gu wuxuu yareeyaa xinjirowga dhiigga. Sidaas darteed waxaa dhici kara dhiig ka yimaadda sanka, cirridka ama meelo kale oo jirka ah.

4. Daal iyo Tabar-darro Badan

Marka wareegga dhiiggu yaraado ama fuuqbax dhaco, unugyada jirku ma helaan ogsijiin iyo nafaqo ku filan. Taasi waxay keentaa daal badan iyo tamar la'aan.

5. Diidmada Cuntada iyo Cabitaanka

Carruurta Dengue-ga daran qabta badanaa waxay lumiyaan rabitaanka cuntada. Tani waxay sii xumayn kartaa fuuqbaxa iyo tabar-darrada.

6. Gacmaha iyo Lugaha oo Qabow

Tani waa calaamad muujin karta in cadaadiska dhiiggu hoos u dhacay. Jidhku wuxuu isku dayaa inuu dhiigga u diro xubnaha muhiimka ah sida maskaxda iyo wadnaha, taasoo sababta gacmaha iyo lugaha inay qabowdaan.

7. Neefsashada oo Ku Adkaata

Neef-qabatinku wuxuu ka dhalan karaa dheecaan ku urura sambabada ama hareerahooda. Waa calaamad khatar ah oo u baahan qiimeyn caafimaad oo degdeg ah.

Dr. Mustafa M. Ahmed, MD
Consultant Pediatrician

29/05/2026

Xaaladdan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan Pica. Pica waa marka qofku, gaar ahaan carruurtu, si joogto ah u cunaan ama u damcaan waxyaabo aan loogu talagelin in la cuno. Waxa ugu badan ee lagu arkaa carruurta yaryar, haweenka uurka leh iyo dadka qaba nafaqo-darada.

Mid ka mid ah sababaha ugu badan ee keena Pica waa yaraanta birta (Iron Deficiency Anemia). Cilmi-baadhisyo badan ayaa muujiyey in carruurta qaar marka ay birtu ku yaraato ay bilaabaan hamiga cunista carro, dhoobo ama baraf. Waxa kale oo keena macdanta Zinc iyo nafaqo-darada.
Cunista carro ama dhoobo wasakhaysan waxay sababi kartaa caabuqyo iyo gooryaano, halka cunista walxo adag ama aan dheefshiidka ku habboonayn ay dhaawici karaan caloosha iyo mindhicirrada.

Sidaa darteed, haddii ilmuhu si joogto ah u cuno waxyaabo aan cunto ahayn, waa muhiim in aan arrinta la iska indho-tirin. Waxaa habboon in ilmaha loo geeyo xarun caafimaad si loo sameeyo qiimayn iyo baadhitaanno lagu ogaanayo sababta keentay xaaladdan, gaar ahaan in la hubiyo heerka Ayroonta dhiigga (Iron).

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

23/05/2026

Autism-ku ma aha cudur ay cunto gaar ahi sababto ama daweyso, hase yeeshee daraasado badan ayaa muujiyey in carruurta qaar ay si gaar ah ugu nugul yihiin cuntooyin ama maaddooyin saameyn ku yeelan kara dhaqanka, hurdada, dheef-shiidka, iyo feejignaanta. Saameyntani badanaa waxay ku xidhan tahay xasaasiyad iyo habka dheef-shiidka ilmaha.

Carruurta qaba autism-ka qaarkood waxaa lagu arkaa dhibaatooyin caloosha ah sida caloosha oo taagan, shuban, gaas, ama dibiro, kuwaas oo iyaguna si toos ah u saameyn kara dhaqanka iyo deggenaanshaha ilmaha. Sidaa darteed, fahamka cuntooyinka ilmaha dhibaya wuxuu qayb muhiim ah ka noqon karaa daryeelka guud ee ilmaha.

1. Sonkorta Badan iyo Junk Food

Cuntooyinka sonkorta badan leh sida nacnaca, cakes-ka, shukulaatada, iyo junk food-ka waxay si degdeg ah kor ugu qaadaan sonkorta dhiigga, dabadeedna si dhaqso ah ayay hoos ugu dhacaan. Isbeddelkaas degdegga ahi wuxuu carruurta qaar ku keeni karaa:

Hyperactivity (firfircooni xad-dhaaf ah)
Xanaaq iyo deggenaansho la’aan
Hurdo xumo.

Cuntooyinkani sidoo kale waxay leeyihiin nafaqo yar marka loo eego tamarta badan ee ay bixiyaan.

2. Cabitaannada Macaan iyo Energy Drinks

Cabitaannada sonkorta badan leh iyo energy drinks-ku waxay ka kooban yihiin caffeine iyo stimulants kale oo saameeya habdhiska neerfaha.

Waxay keeni karaan:

Hurdo la’aan, Wadno garaac degdeg ah, iyo walwal,

Carruurta autism-ka qaba ee leh sensory sensitivity-ga badan ayaa si gaar ah ugu nugul caffeine-ka.

3. Cuntooyinka Heavily Processed-ka Ah

Sida noodles-ka warshadaysan, sausages, chips, iyo snacks badan oo la farsameeyey.

Cuntooyinkani badanaa waxay leeyihiin:

Preservatives badan, Sodium iyo dufan sare iyo Nafaqo hoose. Waxay sababi karaan:

Dhibaatooyin dheef-shiid, Caloosha oo taagan ama aan saxaro ilmaha Ka iman muddo, Tamarta oo si aan degganayn isu beddesha, Daal, iyo xanaaq

4. Artificial Food Colors iyo Preservatives

Midabada artificial-ka ah iyo preservatives-ka lagu daro cuntooyinka qaarkood ayaa daraasado qaarkood la ogaaday inay keenaan :

Hyperactivity (Ilmaha oo aad u boodbooda oo aan la xakamayn karayn), feejignaan la’aan, Xasaasiyad iyo Hurdo la,aan.

Carruurta leh neurodevelopmental sensitivities ayaa mararka qaar si weyn uga falceliya maaddooyinkan.

5. Gluten (Qamadiga Ku Jira)

Gluten-ku waa protein laga helo qamadiga iyo waxyaabaha laga sameeyo sida rootiga, baastada, iyo biscuits-ka.

Carruurta qaar waxaa lagu arkaa:

Dibiro ama Calool fur, Gaas badan, Shuban,
Daal,

Inkasta oo dhammaan carruurta autism-ka qaba aanay gluten sensitivity lahayn, qaar ayaa si muuqata inay fiicnaadaan marka laga joojiyo.
6. Casein (Caanaha Ku Jira)

Casein-ku waa protein ku jira caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyo sida cheese-ka iyo yogurt-ka.

Carruurta qaar wuxuu ku keeni karaa:

Calool xanuun

Gaas iyo dibiro

Xab badan

Xasaasiyad

Qaar ka mid ah carruurta autism-ka qaba ayaa laga dareemaa hagaag dhinaca dheef-shiidka iyo dhaqanka ah marka casein-ka laga joojiyo.

7. Cuntooyinka Ilmuhu Xasaasiyadda Ku Qabo

Sida ukun, lawska, soy, kalluunka, ama cunto kasta oo ilmuhu gaar ahaan uga falceliyo.

Xasaasiyaddu waxay keeni kartaa:

Cuncun iyo finan

Calool xanuun

Matag

Neefsashada oo dhibta

Hurdo xumo

Xanaaq iyo dhaqanka oo is beddela

8. Fast Food Badan

Fast food-ku waxa ku badan:

Dufan saturated ah, Milix badan, Sonkor badan

Isticmaalka badan wuxuu kordhin karaa:

Cayilka, Dhibaatooyinka dheef-shiidka, Daal

Dhibaatooyin caafimaad oo muddo dheer ah

Carruurta autism-ka qaba qaarkood waxay aad ula qabsadaan fast food-ka sababta oo ah dhadhankiisa joogtada ah iyo texture-kiisa oo isku mid ah.

Dr. Mustafa M. Ahmed , MD
Consultant Pediatrician

17/05/2026

Herpetic gingivostomatitis waa caabuq fayras ah oo uu keeno HSV-1, kuna dhaca afka iyo cirridka carruurta. Cudurku wuxuu sababi karaa qandho, xanuun afka ah, boogo gudaha afka ka samaysma, bushimo barara, iyo ilmaha oo diida cunista ama cabitaanka.

Boogaha iyo finanku waxay inta badan ka soo baxaan bushimaha, cirridka, carrabka, iyo gudaha afka, waxayna keenaan xanuun iyo candhuuf badan. Mararka qaar waxaa ku darsama qolof ama caabuq bakteeriyo.

Daaweynta ugu muhiimsan waa cabitaan badan, yareynta xanuunka, iyo nadaafadda afka. Haddii xaaladdu aad u daran tahay ama h**e loo ogaado, dhakhtarku wuxuu siin karaa acyclovir.

Waa in si degdeg ah loo geeyo xarun caafimaad haddii ilmuhu aanu cabin karin, yeesho fuuqbax, ama qandho daran.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

14/05/2026
13/05/2026

Koritaanka maskaxdu wuxuu si gaar ah u xoog badan yahay sannadaha ugu horreeya nolosha ilmaha, gaar ahaan laga bilaabo uurka ilaa shanta sano ee ugu horreysa. Inta lagu jiro muddadan, maskaxdu waxay samaysataa malaayiin neerfayaal ah kuwaas oo saameeya sida ilmuhu u fikiro, wax u barto, una fahmo deegaanka ku xeeran. Si maskaxdu si caafimaad leh ugu korto, waxay u baahan tahay nafaqooyin muhiim ah oo taageera dhismaha iyo shaqada neerfayaasha.

1. Borotiinka

Waa mid ka mid ah nafaqooyinka ugu muhiimsan ee maskaxdu u baahan tahay. Wuxuu dhisaa unugyada maskaxda iyo jidhka, wuxuuna ka qayb qaataa samaynta xidhiidhada neerfayaasha. Carruurta hela borotiin ku filan waxay yeeshaan korriin wanaagsan iyo awood waxbarasho oo fiican. Borotiinka waxaa laga helaa ukunta, hilibka, kalluunka, caanaha, digirta, iyo lawska. Ukunta gaar ahaan waxay hodan ku tahay maaddooyin muhiim u ah xusuusta iyo fahamka.

2. Birta (Iron)

Waxay door weyn ku leedahay caafimaadka maskaxda sababtoo ah waxay oxygen-ka gaadhsiisaa unugyada maskaxda. Haddii maskaxdu hesho oxygen ku filan, si wacan ayay u shaqayn kartaa. Carruurta Ayroonta (Iron)yari ku dhacdo waxay badanaa yeeshaan daal, feejignaan yari, iyo waxbarasho liidata. Mararka qaar ayroon yaridu waxay keentaa dib u dhac xagga hadalka iyo garaadka ah. Ayroonta (Iron)waxaa laga helaa beerka, hilibka cas, digirta, iyo khudaarta cagaaran.

3. Omega-3
Waa dufan caafimaad leh oo muhiim u ah koritaanka neerfayaasha maskaxda. Nafaqadan waxay taageertaa xusuusta, fahamka, iyo awoodda waxbarasho. Carruurta hela Omega-3 ku filan waxay badanaa yeeshaan feejignaan wanaagsan iyo awood waxbarasho oo sareysa. Waxaa laga helaa kalluunka iyo saliidda kalluunka.

4. Ayoodhinka (Iodine)

Wuxuu muhiim u yahay hormoonnada xakameeya koritaanka maskaxda. Haddii ilmuhu waayo ayoodhin ku filan, waxaa iman kara dib u dhac garaadka iyo korriinka oo gaabis ah. Sidaas darteed, isticmaalka cusbada iodized-ka ah waa muhiim si loo ilaaliyo caafimaadka maskaxda ilmaha.

5. Zinc iyo fiitamiinnada
Waxay muhiim u yihiin shaqada maskaxda iyo difaaca jidhka. Zinc wuxuu taageeraa xusuusta iyo feejignaanta, halka fiitamiinnadu ay ka qayb qaataan shaqada neerfayaasha iyo tamarta maskaxda. Midhaha iyo khudaarta kala duwan ayaa hodan ku ah fiitamiinnada muhiimka ah ee ilmaha u baahan yahay.

Dhanka kale, cuntooyinka sonkorta badan leh iyo kuwa warshadaysan waxay si xun u saameyn karaan caafimaadka maskaxda ilmaha. Cabitaannada macaan, junk food-ka, iyo chips-ka waxay sababi karaan feejignaan yari, cayil, iyo dhibaatooyin waxbarasho. Sidaas darteed waalidka waxaa muhiim ah inay carruurta ku dhiirrigeliyaan cunista cuntooyinka dabiiciga ah sida miraha, khudaarta, ukunta, kalluunka, iyo caanaha.

Waalidka iyo bulshada oo dhan waxaa saaran masuuliyadda ilaalinta nafaqada carruurta. Marka ilmuhu helo cunto isku dheellitiran, hurdo ku filan, jacayl, iyo daryeel wanaagsan, wuxuu leeyahay fursad weyn oo uu ku yeesho garaad wanaagsan, xusuus fiican, iyo caafimaad maskaxeed oo xooggan.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

10/05/2026

Xasaasiyadda cuntadu waa xaalad uu difaaca jidhka ilmuhu si khaldan uga falceliyo cunto gaar ah. Marka ilmuhu cuno cuntooyinka qaarkood, jidhku wuxuu u arkaa wax khatar ah, dabadeedna wuxuu bilaabaa falcelin keenta calaamado kala duwan. Qaar ka mid ah calaamaduhu way fudud yihiin, halka kuwo kalena ay noqon karaan kuwo halis ah oo u baahan gargaar caafimaad oo degdeg ah.

Xasaasiyadda cuntadu waxay ku badan tahay carruurta yaryar, gaar ahaan bilaha iyo sannadaha h**e ee nolosha. Carruurta qaarkood waxay ka falceliyaan xitaa qadar yar oo cuntada ah. Cuntooyinka ugu badan ee xasaasiyadda keena waxaa ka mid ah caanaha lo’da, ukunta, lawska, looska geedaha, qamadiga, kalluunka, iyo cuntada badda laga helo.

Calaamadaha ugu badan ee xasaasiyadda cuntada waxaa ka mid ah:

Cuncun iyo finan maqaarka kasoo baxa, Barar bushimaha, wejiga, ama indhaha, Matag iyo shuban iyo Qufac iyo neef qabatow.

Mararka qaarkood xasaasiyaddu waxay isu beddeli kartaa xaalad halis ah oo loo yaqaan “Anaphylaxis”. Xaaladdan waxaa lagu arki karaa:
Neefsashada oo aad u dhibaysa, Barar cunaha ah iyo Suuxdin ama miyir beel.
Xaaladahani waa kuwo degdeg ah oo u baahan in ilmaha si dhaqso ah loo geeyo xarun caafimaad.

Waalidiintu waa inay fiiro gaar ah u yeeshaan cuntooyinka ilmuhu ka falceliyo. Haddii calaamado soo noqnoqda la arko kadib cunista cunto gaar ah, waxaa muhiim ah in lala tashado dhakhtar.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Dhakhtarka Takhasuska Daaweynta Xanuunada Caruurta
MBBS, MD

09/05/2026

Mararka qaar ilmuhu wuxuu bilaabaa qandho/xumad, qufac iyo indhaha oo casaada, waalidkuna wuxuu moodaa hargab caadi ah. Balse maalmo kadib finan cas kasoo baxaan wajiga oo jidhka ku fidaan, waxa kale oo lagu arkaa dhibco Cadcad oo afka gudihiisa ah. waxaa suuragal ah inuu ilmuhu qabo jadeeco.

Jadeecadu waa cudur si fudud ugu kala gudba carruurta, gaar ahaan kuwa aan tallaalka qaadan. Fayrasku wuxuu hawada ku faafaa marka qof qaba xanuunkan qufaco ama hindhiso. Sidaas darteed hal ilmo ayaa si fudud ugu gudbin kara carruur kale oo badan.

Badanaa cudurku wuxuu ku bilaabmaa qandho/Xumad sare. Ilmuhu wuxuu dareemaa daal, wuxuuna yeeshaa qufac iyo Sanka oo biya/duuf dareeraan. Indhuhu way casaadaan, iftiinkana wuu dhibsadaa.

Maalmo kadib ayaa finan cas/gaduud ah kasoo baxaan wajiga, kadibna waxay ugu fidaan jidhka intiisa kale.

Carruurta qaarkood si fiican ayay uga bogsadaan, laakiin qaar kale jadeecadu way ku adkaan kartaa, gaar ahaan carruurta yaryar ama kuwa nafaqo-xumadu hayso. Waxaa dhici karta: Neef-qabatin, fuuqbax, qandho aad u daran, daal badan, Oof ama nfekshan sambabada ku dhaca

Haddii ilmuhu neefta dhibsado, cuntada ana cabbida diido, ama noqdo mid hurdo badan oo aan firfircoonayn, waa in si degdeg ah loo geeyo xarun caafimaad.

Waxa ugu muhiimsan ee jadeecada looga hortagi karo waa tallaalka. Tallaalku wuxuu badbaadiyaa carruur badan, wuxuuna yareeyaa faafitaanka cudurka bulshada dhexdeeda.

Waalidku waa inuu ogaadaa in jadeecadu aanay ahayn finan keliya. Waa cudur halis noqon kara haddii aan si degdeg ah loo daryeelin.

Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD

Address

Isgoyska Xero-Awr, Dhanka 150ka, Atlanta Area
Hargeisa

Telephone

+252637140467

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mercy Medical Center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Mercy Medical Center:

Share

Category