Dr Fathi Soobe

Dr Fathi Soobe waxan ahay dhakhtar takhasuskiisu yahay daawaynta xanuunada maqaarka, timaha, ciddiyaha iyo qurxinta maqaarka

03/06/2026

🌹✨Ingrown nail

waa xaalad ay ciddidu ku gasho maqaarka ku hareeraysan.
Waxyaabaha keena
1. In ciddida loo jaro si khalad ah, sida in aad loo gaabiyo oo la dhaafiyo maqaarka farta, ama in si wareeg ah ama goobo ah loo jaro.
2. In qofku xidho kabbo cidhiidhi ah
3. Dhaawac gaadha ciddida sida in qofku kubada ku laago ciddida ama walax culus ay ku dhacdo ciddida oo meesheedi ka dhaqaajiso.
4. In qofku u socdo qaab ay faruhu hoos eegayan ama dhinaca ah
5. Xaalado lagu dhasho oo ciddida u nuglaynaya inay maqaarka gasho.

🌹Calaamadaha uu qofku dareemayo: xanuun iyo barar inta badan lagu arko hareeraha ciddida
🌹Maxay tahay in qofku sameeyo inta uuna Iman goobaha caafimadka;
1. In lugta wax qabta qofku galiyo biyo far-diiris ah muddo 15-20min 3-4jeer maalintii
2. In la dhigo cotton lasoo dhex galiyay olive oil inta u u dhaxeeya ciddida iyo maqaarka hoose si ciddida looga soo saaro meesha ay ku jirto.

🌹Daawada rasmiga ah hadii ay barar xoog ah leedahay ama ay soo noqnoqatay: ciddida oo badh la jaro iyo in la raaciyo xiddidka(root) ay ka soo noqnoqonayso, taas oo uu samaynayo Dhakhtar maqaar.

03/05/2026

Waxa Hadda idinku diyaar ah Hospital qaybta maqaarka mishiinkii lagu jarayay burooyinka ka soo baxa maqaarka.

08/04/2026

Asc Dhamaan asxaabta aan halkan ka wada socono, waxan bilaabi doona maqaalo aynu kaga hadli doono xanuunada maqaarka, timaha, ciddiyaha iyo skin care qofka ku haboon maqaarkiisa, hadii ay jiraan maqaal aad si gaar ah u doorbidayso waad ila soo wadaagi doonta.

30/03/2026

Waxa aan bulshada ku wargalinaya in dhamaan procedureskii qurxinta maqaarka, laserkii lagu goynayay burooyinka noocyadooda kala duwan ay hadda idinkula diyaar ahay Mahdi multispeciality Hospital oo ku yaal Hargeisa, agagaarka immigration.

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 04:00 - 22:30
Tuesday 04:00 - 22:30
Wednesday 04:00 - 22:30
Thursday 04:00 - 22:30
Saturday 04:00 - 22:30
Sunday 04:00 - 22:30

Telephone

+252634466068

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Fathi Soobe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Fathi Soobe:

Share

Category