CareWave Initiative - CWI

CareWave Initiative - CWI CareWave Initiative is dedicated to improving community health through education, prevention, advocacy, and access to quality healthcare services.

Together, we create healthier futures.

✨ Ololaha Mind Matters ee bisha May– Mind Matters Campaign in May✨CareWave Initiative waxay si guul leh u fulisay wacyig...
02/06/2026

✨ Ololaha Mind Matters ee bisha May– Mind Matters Campaign in May✨

CareWave Initiative waxay si guul leh u fulisay wacyigelinno isku xigta oo ka kala dhacay Ahmed Dhagah Primary School iyo Al Irshaad Primary School, kuwaas oo qayb ka ah ololaha Mind Matters oo lagu xusayay Bisha Wacyigelinta Caafimaadka Maanka oo ay hirgalinaysay ururka CareWave.

Wacyigelintan, waxaan diiradda ku saarnay kor u qaadidda fahamka ardayda ee caafimaadka maanka iyo maskaxda.

Sidoo kale, waxaan kala hadalnay ardayda caadooyinka maalinlaha ah ee saameeya caafimaadka maanka, sida isticmaalka xad-dhaafka ah ee taleefannada, hurdo la’aanta, iyo la’aanta jadwal nololeed oo caafimaad leh. Waxaan ardayda ku wacyigalinay tallaabooyin fudud oo lagu daryeeli karo korna loogu qaadi karo caafimaadka maanka iyo maskaxda sida hagaajinta hurdada, xakameynta waqtiga shaashadaha (TVs, Phones, Tablets), jimicsiga, iyo dhisidda caadooyin wanaagsan oo joogto ah.

Waxaan sidoo kale ku wacyigalinay muhiimadda akhriska iyo sida uu u xoojin karo awoodda maskaxda. Akhriska joogtada ah wuxuu kor u qaadaa diiradda, xusuusta, iyo fahamka. Ardayda waxaa lagu dhiirrigeliyay inay maalin kasta wax akhriyaan oo ay si firfircoon ula falgalaan waxa ay akhrinayaan.

Compassion in every wave of care.

Nagu soo biir. Ka qeyb qaado wacyigalinta. Qayb ka noqo isbeddelka ay wado CareWave.

📩 [email protected]

Nala soco:
LinkedIn: https://lnkd.in/d9Wp3zeS
Instagram: https://lnkd.in/dq3wmeQ2
TikTok: https://lnkd.in/d3rS9qDv
X: https://lnkd.in/d7VanUD7





Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CareWave Initiative - CWI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share