13/05/2026
Koritaanka maskaxdu wuxuu si gaar ah u xoog badan yahay sannadaha ugu horreeya nolosha ilmaha, gaar ahaan laga bilaabo uurka ilaa shanta sano ee ugu horreysa. Inta lagu jiro muddadan, maskaxdu waxay samaysataa malaayiin neerfayaal ah kuwaas oo saameeya sida ilmuhu u fikiro, wax u barto, una fahmo deegaanka ku xeeran. Si maskaxdu si caafimaad leh ugu korto, waxay u baahan tahay nafaqooyin muhiim ah oo taageera dhismaha iyo shaqada neerfayaasha.
1. Borotiinka
Waa mid ka mid ah nafaqooyinka ugu muhiimsan ee maskaxdu u baahan tahay. Wuxuu dhisaa unugyada maskaxda iyo jidhka, wuxuuna ka qayb qaataa samaynta xidhiidhada neerfayaasha. Carruurta hela borotiin ku filan waxay yeeshaan korriin wanaagsan iyo awood waxbarasho oo fiican. Borotiinka waxaa laga helaa ukunta, hilibka, kalluunka, caanaha, digirta, iyo lawska. Ukunta gaar ahaan waxay hodan ku tahay maaddooyin muhiim u ah xusuusta iyo fahamka.
2. Birta (Iron)
Waxay door weyn ku leedahay caafimaadka maskaxda sababtoo ah waxay oxygen-ka gaadhsiisaa unugyada maskaxda. Haddii maskaxdu hesho oxygen ku filan, si wacan ayay u shaqayn kartaa. Carruurta Ayroonta (Iron)yari ku dhacdo waxay badanaa yeeshaan daal, feejignaan yari, iyo waxbarasho liidata. Mararka qaar ayroon yaridu waxay keentaa dib u dhac xagga hadalka iyo garaadka ah. Ayroonta (Iron)waxaa laga helaa beerka, hilibka cas, digirta, iyo khudaarta cagaaran.
3. Omega-3
Waa dufan caafimaad leh oo muhiim u ah koritaanka neerfayaasha maskaxda. Nafaqadan waxay taageertaa xusuusta, fahamka, iyo awoodda waxbarasho. Carruurta hela Omega-3 ku filan waxay badanaa yeeshaan feejignaan wanaagsan iyo awood waxbarasho oo sareysa. Waxaa laga helaa kalluunka iyo saliidda kalluunka.
4. Ayoodhinka (Iodine)
Wuxuu muhiim u yahay hormoonnada xakameeya koritaanka maskaxda. Haddii ilmuhu waayo ayoodhin ku filan, waxaa iman kara dib u dhac garaadka iyo korriinka oo gaabis ah. Sidaas darteed, isticmaalka cusbada iodized-ka ah waa muhiim si loo ilaaliyo caafimaadka maskaxda ilmaha.
5. Zinc iyo fiitamiinnada
Waxay muhiim u yihiin shaqada maskaxda iyo difaaca jidhka. Zinc wuxuu taageeraa xusuusta iyo feejignaanta, halka fiitamiinnadu ay ka qayb qaataan shaqada neerfayaasha iyo tamarta maskaxda. Midhaha iyo khudaarta kala duwan ayaa hodan ku ah fiitamiinnada muhiimka ah ee ilmaha u baahan yahay.
Dhanka kale, cuntooyinka sonkorta badan leh iyo kuwa warshadaysan waxay si xun u saameyn karaan caafimaadka maskaxda ilmaha. Cabitaannada macaan, junk food-ka, iyo chips-ka waxay sababi karaan feejignaan yari, cayil, iyo dhibaatooyin waxbarasho. Sidaas darteed waalidka waxaa muhiim ah inay carruurta ku dhiirrigeliyaan cunista cuntooyinka dabiiciga ah sida miraha, khudaarta, ukunta, kalluunka, iyo caanaha.
Waalidka iyo bulshada oo dhan waxaa saaran masuuliyadda ilaalinta nafaqada carruurta. Marka ilmuhu helo cunto isku dheellitiran, hurdo ku filan, jacayl, iyo daryeel wanaagsan, wuxuu leeyahay fursad weyn oo uu ku yeesho garaad wanaagsan, xusuus fiican, iyo caafimaad maskaxeed oo xooggan.
Dr. Mustafa M. Ahmed
Consultant Pediatrician, MD