20/06/2026
Isbitaalka Hodan wuxuu ku faraxsan yahay inuu kusoo biiray Dr. Mohamoud Mohamed, oo ah Dhakhtar ku takhasusay Cudurrada Kelyaha iyo Kaadi-mareenka (Urology), lehna khibrad caafimaad oo ku dhow 10 sano.
Dr. Mohamoud wuxuu shahaadada takhasuska sare Kiliyaha iyo kaadi mareenka (Urology) ka qaatay πππ‘π«ππ§ ππ§π’π―ππ«π¬π’ππ² π¨π ππππ’πππ₯ πππ’ππ§πππ¬ (ππππ), Iran. Haatan wuxuu sii wadaa Fellowship-ka Uro-Oncology & Renal Transplant, isaga oo kor u sii qaadaya aqoontiisa iyo xirfaddiisa caafimaad.
Dr. Mohamoud wuxuu khibrad qoto dheer u leeyahay daaweynta iyo qalliinnada cudurrada kaadi-mareenka, kansarrada qanjirka Prostate-ka, kaadi-haysta iyo kelyaha, caafimaadka ragga (Andrology), qalliinnada Endourology-ga, iyo adeegyada la xiriira beerista kelyaha (Renal Transplant). Sidoo kale wuxuu muddo dheer ku soo shaqeeyay baridda, tababarka iyo hagidda ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta soo koraysa.
Ku soo biiritaankiisa Isbitaalka Hodan waxay sii xoojinaysaa himilada isbitaalka ee ah bixinta adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, iyadoo bulshada Soomaaliyeed loo keenayo khubaro caafimaad oo aqoon iyo waayo-aragnimo leh.
Ku soo dhawoow Hoyga Kulmiya Haldoorka Caafimaadka Soomaaliyeed