Las’anod General Hospital - Cusbitalka Guud ee Laascaanood

Las’anod General Hospital - Cusbitalka Guud ee Laascaanood Equipped with modern technology and a team of skilled healthcare professionals.

We are the leading healthcare provider in the Sool region, dedicated to delivering high-quality, compassionate, and accessible medical services to our community.

Alxamdulillaah, Cusbitaalka Guud ee Laascaanood waxaa si guul leh loogu soo gabagabeeyey qalliin lafaha ah oo loo sameey...
28/08/2026

Alxamdulillaah, Cusbitaalka Guud ee Laascaanood waxaa si guul leh loogu soo gabagabeeyey qalliin lafaha ah oo loo sameeyey hooyo 76 jir ah, taas oo qabtay jabniin ka dhacay qaybta sare ee lafta bowdada, gaar ahaan Subtrochanteric Femur Fracture.

Qalliinkan oo ahaa mid u baahnaa khibrad iyo xirfad gaar ah, waxaa si wadajir ah u fuliyey Dr. Leake Tirfe, oo ah Dhakhtar Takhasus u leh Qalliinka Lafaha iyo Jabniinka, iyo Dr. Mahdi.

Faahfaahinta Qalliinka:

- Diagnosis: Left Subtrochanteric Femur Fracture
- Procedure: SIGN Nail & Plate Fixation
- Waqtiga Qalliinka: 3 Saacadood
- Dhakhaatiirta Qalliinka: Dr. Leake & Dr.Mahdi

Qalliinka ayaa si wanaagsan oo guul leh ku soo dhammaaday, iyadoo kooxda caafimaadku ay si dhow ula socdeen xaaladda bukaanka kahor, intii lagu jiray, iyo kadib qalliinka.

Waxaan si weyn u bogaadinaynaa Dr. Leake Tirfe iyo Dr. Mahdi, iyo dhammaan kooxda caafimadka ee ka qayb qaadatay daryeelka, daaweynta iyo qalliinka bukaanka.

Alxamdulillaah guusha qalliinka. Waxaan Alle uga baryeynaa bukaanka caafimaad degdeg ah iyo soo kabasho wanaagsan.

22/08/2026

Munaasabadda xadhig-jarka dib-u-habaynta iyo casriyeynta Qaybta Bukaan-Socodka (OPD) iyo hirgelinta Pharmacy-ga cusub ee Cusbitaalka Guud ee Laascaanood ayaa si rasmi ah loo daah-furay.

Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud ee Laascaanood, Dr. Cabdullaahi Axmed Cali, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Aadan Jaamac, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda dib-u-habaynta iyo casriyeynta adeegyada caafimaad iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada loo fidiyo bulshada.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Laascaanood, Dr. Cabdullaahi Axmed Cali, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Aadan J...
22/08/2026

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Laascaanood, Dr. Cabdullaahi Axmed Cali, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Aadan Jaamac, ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray dib-u-habayn iyo casriyayn lagu sameeyay Qaybta Bukaan-socodka (Outpatient Department – OPD) ee Cusbitaalka Guud ee magaalada Laascaanood.

Munaasabadda xadhig-jarka waxaa goob joog ahaa oo ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Caddaaladda, Maaliyadda, iyo Duulista iyo Hawada.

Dib-u-habaynta iyo casriyeynta qaybta Bukaan-Socodka iyo hirgelinta Pharmacy-ga cusub ayaa muhiim u ah kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad, fududaynta adeeg-helidda bukaannada iyo hagaajinta jawiga ay bulshadu ku helayso adeegyada caafimaad ee Isbitaalka Weyn ee Laascaanood.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka, casriyeynta xarumaha caafimaadka iyo in bulshada Laascaanood loo fidiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh, hufan, isla markaana waafaqsan baahiyahooda.

Cusbitaalka Guud ee Laascaanood — Caafimaad tayo leh, adeeg hufan, bulsho caafimaad qabta.

Ku-simaha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, ayaa shalay booqasho taarikhiya ku tagay Cu...
17/08/2026

Ku-simaha Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, ayaa shalay booqasho taarikhiya ku tagay Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Laascaanood, isagoo qayb ka ahaa socdaalkiisa Dowladda Waqooyi-Bari Soomaaliya.

George Conway iyo wafdigiisu waxay kormeereen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka, iyagoo diiradda saaray xaaladda adeegyada caafimaadka, baahiyaha xarunta iyo caqabadaha horyaalla bixinta adeegyada caafimaad.

Booqashadani waxay muujinaysaa muhiimadda Cusbitaalka Guud ee Laascaanood uu u leeyahay bulshada iyo baahida loo qabo in la xoojiyo taageerada caafimaadka, qalabka, adeegyada iyo awoodda shaqaalaha caafimaadka.

Iskaashiga Qaramada Midoobay iyo Dowladda Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadan kara horumarinta adeegyo caafimaad oo tayo leh oo bulshada gaara.

16/08/2026

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Laascaanood, Dr. Cabdullaahi Axmed Cali, iyo wasiirka Cafimadka ayaa si diirran u soo dhaweeyey Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway

Intii ay booqashadu socotay, Agaasimaha Cusbitaalka, Dr. Cabdullaahi Axmed Cali, ayaa wafdiga ka siiyey warbixin ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaad, baahiyaha jira iyo dadaallada Cusbitaalku ugu adeegayo bulshada.

Booqashadani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caafimaadka ee Waqooyi Bari, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo gargaarka bani’aadannimo.

15/08/2026

Alxamdulillaah! Waxaa Cusbitaalka Guud ee Laascaanood si guul leh loogu sameeyay qalliin Colostomy Reversal ah, kaas oo qaatay 3 saacadood.

Qalliinka waxaa wada fuliyay Dr. Yismaw Melese, khabiir ku takhasusay Qalliinka Guud, iyo Dr. Mahdi iyadoo ay ka qayb qaateen

Scrub Ahmed
Circulator Fathi
Anesthetist Mukthar.

Bukaanka ayaa h**e loogu sameeyay Diversion Colostomy kadib markii uu ku dhacay Perianal Necrotizing Fasciitis. Kadib bogsashadii dhaawaca iyo hagaagiddii xaaladdiisa, waxaa loo sameeyay Colostomy Reversal si dib loogu soo celiyo marinkii dabiiciga ahaa ee saxarada.

Alxamdulillaah, qalliinku si wanaagsan ayuu ku soo dhammaaday.

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan kooxda caafimaadka ee ka qayb qaadatay qalliinkan guuleystay.

14/08/2026

Warbixin Kooban

Cusbitaalka Guud ee Laascaanood ayaa ku guuleystay qalliin lagu sameeyay bukaan muddo la dhibanaa xanuunka xameytida. Qalliinkan waxaa fuliyay Dhakhtarka Qalliinnada Guud ee cusbitaalka, Dr Yismaw, iyo kooxdiisa qalliinnada.

Bukaanka ayaa muddo la kulmayay xanuun iyo dhibaato ka timid xameytida, waxaana ugu dambeyn lagu sameeyay qalliin lagu saaray xameytida iyo dhagaxaan tiro badan. Qalliinka ayaa si guul leh ku
dhammaaday, iyadoo xaaladda bukaankuna ay tahay mid wanaagsan.

Maamulka cusbitaalka Guud ee Laascaanood wuxuu bogaadinayaa Dr. Yismaw iyo dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee ka qeyb qaatay hawshan muhiimka
ah. Cusbitaalku wuxuu bulshada u xaqiijinayaa inuu sii wadi doono bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, ammaan ah, lana heli karo.

Dr. Awel Michael, oo ah khabiir caafimaad oo ku takhasusay qalliimada dumarka iyo daaweynta cudurrada ku dhaca haweenka,...
12/08/2026

Dr. Awel Michael, oo ah khabiir caafimaad oo ku takhasusay qalliimada dumarka iyo daaweynta cudurrada ku dhaca haweenka, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay isaga iyo kooxdiisa qalliinka ee Cusbitaalka Guud ee Laascaanood si guul leh u fuliyay qalliimo waaweyn oo kala duwan.

Dhammaan qalliimadii la sameeyay waxay ku soo dhammaadeen guul, iyadoo bukaannaduna heleen daryeel caafimaad oo tayo leh iyo la-socod wanaagsan.

Hambalyo Dr. Awel Michael iyo kooxdiisa qalliinka!

Alxamdulillaah Cusbitaalka Guud ee Laascaanood waxaa si guul leh loogu sameeyey qalliin  hooyo 85 jir ah oo qabtay kansa...
10/08/2026

Alxamdulillaah Cusbitaalka Guud ee Laascaanood waxaa si guul leh loogu sameeyey qalliin hooyo 85 jir ah oo qabtay kansarka ilmo-galeenka, "Uterine Cancer "kaas oo qaatay ku dhawaad 2 saacadood.

Qalliinka waxaa fuliyey Dr. Awel iyo kooxdiisa qalliinka. Mahad Alle, bukaanku xaaladdeedu waa wanaagsan tahay.

Hambalyo iyo mahadnaq dhammaan kooxda qalliinka.

Inalilahi waa inaa ilayhi raajicuun Hadaanu nahey maamulka isbitaalka Guud ee Laascaanood waxaanu ka tacsiyeyneynaa geer...
21/07/2026

Inalilahi waa inaa ilayhi raajicuun

Hadaanu nahey maamulka isbitaalka Guud ee Laascaanood waxaanu ka tacsiyeyneynaa geerida ku timi sadex qof oo kamid ah Shaqalaha isbitaalkeena tacsi naxdinta leh ee ku timi qoyeysaskooda, sadexda qof oo kala ah:

Madaxa shaqada iyo shalaqaha walalkey aabihiis Adeero Yusuf ismail shire oo geeriyoodey saaka.
Eedo khadiija qoobjalaw oo ka tirsan shaqalaha suga amniga isbitaalka oo walalkeed uu xaley ku geeriyoodey addisababa adeero Ahmed Qoobjalaw.

Walashey farduus abdi awil oo tirsan shaqalaha qeybta emergency oo inaderkeed oo geeriyaadey Salaad Abshir Awil.

Ilaahey ha unaxariisto dhamantood samir iyo iimaana haka siiyo yaga iyo qoysaskoodaba qabriyada ha u waasiciyo janatul firdawsana ha ka waraabiyo iyagana samir iyo iiman saadiqa ha inaga siiyo.

Address

Las’anod
Laascaanood
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Las’anod General Hospital - Cusbitalka Guud ee Laascaanood posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category