23/04/2026
🚨 WACYIGELIN: CUDURKA DUUMADA (MALARIA) 🚨
🌧️ Xilliga roobka waxaa kordha cudurka duumada, waxaana jira dad badan oo hadda la ildaran.
🦟 Sidee lagu qaadaa?
Duumadu waxay ku faaftaa qaniinyada kaneecada, gaar ahaan meelaha biyaha fadhiya ay ku bataan.
⚠️ Astaamaha lagu garto:
• Qandho daran
• Qabow iyo gariir
• Madax xanuun
• Daal iyo matag
• Jir xanuun
🛑 Sidee looga hortagi karaa?
✅ Seexo maro kaneeco (Net)
✅ Ka fogow biyo fadhiya agagaarka guriga
✅ Xiro dhar jirka daboola habeenkii
✅ Isticmaal buufin kaneeco diliya
✅ Nadaafad joogto ah samee
🏥 Goorma la tagaa isbitaalka?
👉 Haddii aad leedahay qandho ama calaamadaha kore, si degdeg ah ula xiriir xarun caafimaad
💙 Sahal Integrated Hospital – Luuq
📞 0684444463
👉 Ka hortaggu waa ka wanaagsan yahay daaweynta!
👉 Ilaali naftaada iyo qoyskaaga