12/03/2026
Markii laga hadlaayo daaweynta hergabka sida caadiga ah malahan daawo la hubo asaga u fiican laakiin waxaa jiro xeelado kale oo loola tacaalo si aad iskaga yareeso dhibaatadiisa.
Haddii aan u kala qaadno dadka waa weyn iyo dadka yar
Dadka waa weyn:
Daawada ugu fiican dadka waaweyn waxeey tahay inaad u qaadato hergabka ayaa ah daawooyin xanuun baabiyaha ah iyo kuwa yareeyo qandhada.
Daawooyin kaan ma ahn inay xanuunka hergabka kaa wadi doonaan laakiin waxeey kaa yareen doonan calaamadahiisa oo kaliya.
Ilmaha yaryar:
Caruurta ka yar lixda sano sida dadka waa weyn lagula talin maayo in lasiiyo daawooyin ka xanuun baabi'iyaasha sababtoo ah waxeey ku keeni kartaa halis ka daran tan lagala tacaalaayo.
Laakiin caruurta waa lasiin kartaa baristamool iyo ibuprofen qandho ahaan,balse waxaan kugula talinaa inaad la xirirto dhaqtarkaada.
Intaas markii laga imaado waxaan kula wadagaa hab hadaad isticmaasho aad wax wanaagsan dareemi doonto.
1- Nasiino badan qaado
2- Biyo badan cab
3- isticmaal malab si aad iskaga yareeso qufaca caruurta ka weyn Halka sanno iyo dadka waaweyn.
☢️ Digniin:
Caruurta Halka sanno ka Yar Kuma jiraan.
Dr Abaaz Tuuryare