Dr Mohamed

Dr Mohamed walalayaal Ku soo dhawaaada page keyga cusub waxaad ka heli doontaan wax walbo oo quseeya caafimaadk

01/07/2022

  (Xididada xiniinyaha oo weynaada)farikoosil waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaa...
01/07/2022

(Xididada xiniinyaha oo weynaada)

farikoosil waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaan ama balaartaan xididada dhiiga ka qaada xiniinyaha oo geeya sambabada si dhiiga loogu soo daro ogsijiin, Xididadaan oo dhumucdooda kabalaarta ayaa loo yaqaana .

Waa xaalad lagu arko in badan oo ragga ka mid ah. Waxaa la qiyaasaa in 100kii ninba 15 kamid ah lagu arko xaaladdaan.

farikoosil waxaa uu hoos udhigaa soo saarida shahwada, taasoo keeni karta in ninku uu noqdo ma dhalays.

98% iyo in kabadan waxaa lagu arkaa farikoosil xiniinta bidix. farikoosil waxuu sababi karaa in xaniinyahu aysan samayn wax koriimo ah, taas oo sidoo kale keeni karta in tayada shahwada noqoto mid hooseeysa oo aan bacrimin kara ugxanta dumarka.



Inta badan ma cada waxa sababa farikoosil, balse waxaa la aaminsan yahay in weelalka u dhaxeeya veinska ku dhexjira tubada soo qaada minida ay isusoo dhawaadaan taaso sababaysa in dhiiga maraya xididadaasi uu la kulmo cadaadis, kadibna uu waynaanayo ama balaaranayo dhumacda xididka. Tani waxay dhaawici kartaa xaniinyaha waxayna bilow u noqon kartaa dhalma laโ€™aan. Xalaadaan waqtiga ugu badan ee la arko ayaa ah xiliga qaangaarnimada.



farikoosil malahan wax astaan ah inta badan, waxaana laga yaabaa inay marmarka qaar la dareemo xanuun kaasoo kasii dara marka la istaago, xanuunka ayaa iska taga marka loo jiifsado dhanka dhabarka. Calaamad kaliya ee la arki karo ayaa ah xididada veinska ee haraga xaniinyuhu ku jiraan oo ishu qaban karto, kana balaaran ama dhumuc weyn marka ay caadiga yihiin.



Khataraha ka dhalan kara farikoosil ayaa ah kuwo ku kooban taranka ninka. Inta badan waxaa lagu arkaa xaniinta bidix waxaana yaraada ama isku soo urura xaniinta taasoo saamayn ku yeelanaysa heerka shahwad samaynta. Yaraanshaha shahwada iyo tayadeeda ayaa ugu danbeyn keenaya in taranka ninku uu noqdo mid aan mira dhalayn.



Farikoosil inta badan uma baahna wax dawo ah waana mid iska xalismata, haday keenayso xanuun ama calaamado muuqda oo la arki karo ama dhalma laโ€™aan waxaa lagama maarmaan in la daweeyo. Qaabka ugu badan ee loo daweeyo ayaa ah qalliin taasoo lagu furayo xididka ay isu soo dhawaadeen weelalkiisu, si dib loo soo celiyo isusocodka dhiiga ee xaniinyaha. Qalliinka kadib waxaa dhici kara in ay dib usoo noqoto farikoosil ama in dheecaan uu galo haraga xaniinta hydrocele.

:

Hadii aysan jirin wax xanuun ah ama dhalma laโ€™aan ah oo uu sababayo farikoosil waxaa wanaagsan inaadan xiran dharka kugu dhagan ama aadan isku dhajin suunka tani waxay yarayn kartaa cadaadiska dhiiga ee xididada xaniinyaha. Marwalba la tasho dhaktar waayo xaaladaan waa mid ugu danbeyn keeni karta dhalmo laโ€™aan.

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ธ๐—ฎ  ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ : (๐—–๐—ผ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ ๐—ด๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐˜€ & ๐—ฆ๐—ฝ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐—ต).Koostadu waxa kujiro  dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qan...
09/05/2021

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ธ๐—ฎ ๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ : (๐—–๐—ผ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฟ๐—ฑ ๐—ด๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐˜€ & ๐—ฆ๐—ฝ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐—ต).

Koostadu waxa kujiro dhammaan qaybaha Nafaqada waxay qani ku tahay fiitamiinada : vitamins K vitamin A vitamins C Folate (B9)
Macdanta : manganese calcium, iron, sidoo kale Koostadu waxay leedaahay vitamins K iyo vitamin A aad u badan .

1.Waxay xoojisaa Aragtida isha : vitamin A kujiro koostada wuxu ka hortagaa xanuuno ku dhaco isha sida aragtida habaynkii oo yaraato iyo indho qalayl-ka .

2. Waxay xoojisaa Lafaha : waxa kujiro vitamin K aad ubadan oo ka qayb qaato samaysanka lafaha iyo aktiif (active ) gayaynta borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sidoo kale waxa kujiro macdanta calcium .

3. Waxay kor uqaadaa caafimaadka Unugyada jirka : vitamin A kujiro wuxuu joogteeyaa badqabka unugyada loo yaqaan (epithelial cells) ee ku dahaaran xubnaha jirka

4. Waxay u fiicantahay dheefshiidka : waxa ku jiro maadada fiber-ka oo saacido dheefshiidka caloosha .

5. Waxay u fiicantahay Difaaca jirka : waxa kujiro vitamin A iyo vitamin C oo dowr muhiim ah ka qaato shaqada difaaca jirka .

6. Wuxu u fiicanyahay xinjiraynta dhiigga : vitamin K kujiro wuxu ka qayb qataa xinjiraynta dhiiga isagoo aktiif (active) ka dhigo cunsurada(factors) qaabilsan xinjirowga dhiiga.

๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐ž-๐๐ก๐ž๐ก si ay uga faaideystaan guud ahaan bulshada.

Caafimaadka iyo Nafaqada
Dr Mohamed

๐— ๐—จ๐—ฅ๐—ค๐—” ๐—ซ๐—”๐—ก๐—จ๐—จ๐—ก๐—ž๐—”  (๐˜…๐—ผ๐—ด ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต) Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) d...
05/05/2021

๐— ๐—จ๐—ฅ๐—ค๐—” ๐—ซ๐—”๐—ก๐—จ๐—จ๐—ก๐—ž๐—” (๐˜…๐—ผ๐—ด ๐—บ๐˜‚๐—ต๐—ถ๐—บ ๐—ฎ๐—ต)

Murqa xanuunka waxa badana lagu arka bulshada inteeda badan tusala ahaan ( 60 ila 85 %) dadka qan garay waxay isku arkan murqa xanuunka

Murqo-xanuunku badanaa waxaa keena kacsanaanta qofka, ,murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato.

Murqa xanunku sidaa si lamida wuxu ku inaan karaa xanuuna kale oo ah cudura guud oo jirka bani aadam ka ku dhaca sida SLE da oo kale

Murqa xanunka hadii aan la iskala tacaalin wuxuu sababi karaa in u ku gaarsiyo heer aad wax qabsan waydo ama aad socod kaba gabto

๐Œ๐€๐—๐€๐€ ๐Š๐„๐„๐๐€ ๐Œ๐”๐‘๐๐€ ๐—๐€๐๐”๐”๐๐Š๐€:

โ€ขShaqa culus oo aad qabato
โ€ขExcercise ama aalamito kugu cusub
โ€ขJug ka soo gaarta muruqa
โ€ขDilaac gaara xili aad kubad cayaarayso

โ€ขCudurada guud sida SLE iyo rhomatoid arthritis oo ayagana wata murqa xanuun
โ€ขInfection nada dhiiga raaca
โ€ขDaaawo aad qadanaysay oo side effect ahaan u wax yeleysa murqaha
โ€ขCudurka dhiig karka ( cloudication )


๐‚๐€๐‹๐€๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐‹๐€๐†๐” ๐†๐€๐‘๐“๐Ž:

โ€ขDanqasho
โ€ขBarar murqaha ah
โ€ขMurqaha oo gaduuta
โ€ขQandha kaa fuusha muruqa

๐†๐Ž๐Ž๐‘๐Œ๐„๐„ ๐” ๐๐€๐€๐‡๐€๐ ๐“๐€๐‡๐€๐˜ ๐ˆ๐๐€๐€๐ƒ ๐ƒ๐‡๐€๐๐“๐€๐‘ ๐‹๐€ ๐—๐€๐‘๐ˆ๐ˆ๐‘๐“๐Ž :

*Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
*Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
*Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
* Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc.

Dr Mohamed

๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐„๐ž ๐๐š๐ฌ ๐๐š๐š๐ฌ๐ค๐š. Bas-baaska wuxu  qani kuyahay  oo aad ugu badan vitamin C  taas oo kadhigan 100 gr...
23/04/2021

๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐„๐ž ๐๐š๐ฌ ๐๐š๐š๐ฌ๐ค๐š.

Bas-baaska wuxu qani kuyahay oo aad ugu badan vitamin C taas oo kadhigan
100 gram oo bas-baas ah waxa kujiro VitaminC = 144 milligrams oo u dhiganto 173% xaddiga vitamin C jirku ubaahanyahay maalintii : Reference Daily Intake (RDI)
Sidoo kale waxa kujiro fiitamiin B6 = 0.51 mg u dhiganto 40% (RDI)
Iyo macdanta = Iro , Magnesium , Potassium

Kasakow inay jirto fikrado ah in bas-baasku uu ka qayn qaato gaas-calooleedka iyo laab-jeexa/ laab-hurka maado kujirto bas-baaska oo layiraah capsaicin waxay keentaa dareen ah hur/gubasho sidoo kale maadada capsaicin waxay keentaa in calooshu soo dayso aash*to (acid) badan taas oo keeni karto gaas-calooleed
taas kacsigeeda fiitamiinada muhiimkaa ee kujiro bas-baaska waxay kaq ayb qaadan karaan in difaaca jirku la dagaalamo wax yaalaha ilmo aragtada ah sida bakteriyada keento gaas-calooleedka ee layiraah H. pylori

1. Wuxu xoojiyaa dhifaaca jirka = xaddiga aadka ubadan ee vitamin C kujiro wuxu sare uqaadaa difaaca jirka (immunity system) arintaas oo aad ugu muhiimsan wakhtiya uu dilaaco virus-ku .

2. wuxu la dagaalamaa caabuqa iyo infekshanka ,khaasatan kuwa ku dhaco Neef-mareenka /sanbabada : xaddiga aadka ubadan ee kujiro fiitamiin C sidoo kali fiitamiin A (beta-Carotene) waa antionxydant tasoo macnaheedu yahay wuxu ladagaalamaa oo jirka kasaara waxyaalaha sunta ah ee kadhasho falgalada khaldan ee ka dhexdhaco jirka .

3. Wuxu u fiicanyahay dheef shiidka : maadada fiitamiin B6 ee ku jirto waxay ka qayb qaadataa burburinta iyo dheef shiidida cuntada.

4. yareynta miisaanka jirka : maadada capsaicin cilmi-baaris caafimaad ayaa sheegayso inay hoos u dhigto miisaanka.

5.wuxu u fiicanyahay maqaarka : vitamin C wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysan iyo bad qabka maqaarka.

6. wuxu horu mariyaa caafimaadka maskaxda iyo shaqada neerfaha : wax kujiro Vitamin B6 oo ka qayb qaato samaaynta fariin sidayaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid.

7. Waxa lagu taliyaa inaysan isticmaalin bas-baadka dadka qabo gaas-calooleedka iyo laab-jeexa/hurka.

๐….๐†

Hadii aad xad dhaaf u cunto basbaaska waxaa ka dhaxli kartaa dhibaatoyin badan.

๐ฌ๐ก๐š๐ซ๐ž-๐๐ก๐ž๐ก ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ข ๐š๐ฌ๐ฑ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐š๐๐š ๐ฌ๐ข ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐š๐ง.

Dr Mohamed

๐—–๐—จ๐—ก๐—ง๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—œ๐—ก๐—ž๐—” ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ก๐—”๐—”๐—š๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—›. ๐ŸŒฝ๐Ÿ ๐Ÿฅ‘๐ŸฅฌInaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.Markaad u...
19/04/2021

๐—–๐—จ๐—ก๐—ง๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—œ๐—ก๐—ž๐—” ๐—จ ๐—ช๐—”๐—ก๐—”๐—”๐—š๐—ฆ๐—”๐—ก ๐—›๐—ข๐—ข๐—ฌ๐—”๐——๐—” ๐—จ๐—จ๐—ฅ๐—ž๐—” ๐—Ÿ๐—˜๐—›. ๐ŸŒฝ๐Ÿ ๐Ÿฅ‘๐Ÿฅฌ

Inaad ilaalisaa waxad cunayso markaad uurka leedahay waa muhiim.
Markaad uur leedahay jirkaaga wuxuu u baahan yahay nafaqooyin badan, fitimiino iyo macdan.

Lix da bilood ee ugu danbaysa waxaad u baahan tahay in aad cunto in kabadan intaad cuni jirtay, maxa yeelay ilmaha ayaa kula qaybsanaya wixii nafaqa ah.

Hadii ay kugu yartahay nafaqada aad cunayso, waxay wax u dhimaysaa ilmahaaga dhalan doona.
10 kaan cuntooyin waa cuntooyin la rabo in ay hooyada uur ka leh cunto si ilmaheeda iyo ayada ay u helaan nafaqo buuxda.

1-Waxyaabaha caanaha laga sameeyo :

Caanaha iyo wixii laga sameeyo waxay siinayan hooyada iyo ilmaheeda caloosha ku jiro protein iyo calcium ( barootiin iyo kalsiyoom). Labadaasba waxay muhiim u yihiin hooyada iyo ilmaha caloosha ku koraya.
Caanaha iyo wixii laga sameeyaba waxaa ka mid ah, cheese ka ( JIIS) iyo Yogurt ( Caanaha la fadhiisiyay). Waxaa laga helaa 2 nooc oo protein ah โ€œcaseinโ€ iyo โ€œwheyโ€ ku wa loo yaqaan, kuwas oo aad ugu muhiimsan ilmaha iyo koritaan kiisa.
2- Digirta Iyo Misirta ( Legumes) :๐ŸŒฝ๐ŸŒฝ

Cuntooyinkaan waxaa ka buuxo โ€“ fiber, protein, iron, folate (B9) and calcium โ€” kuligood waxay muhiim u yihiin hooyda iyo ilmaha caloosha ku koraya.

Folate (B9) wuxuu ka mid yahay fatamiinada (B) ga, aad ayuuna muhiim u yahay siiba 3 bilood ee ugu horeeya uurka.
Balse, hooyooyika badankood wuu ku yaryahay Folate(B9). Waxaa lagu sheegay hooyaduu ku yaryahay in tuubada cuntada siisa ilmaha aysan si fiican u abuurmin iyo ilmaha ku dhashay hooyaday ku yartahayna uu infakshan ka ku dhaco, ilmahaas uu u badnaado markuu korayo ilma jiro badan.

Cunitaanka digir ta kala duwan waxay ku siinaysaa oo kale- fiber, iron badan , magnesium iyo potassium. In taasoo muhiim u ah adiga iyo ilmaha caloosha ku jira.
3- Bataatiga Macaan: ๐Ÿ ๐Ÿ 

Baradhada macaan waxaa aad uga buuxa waxa loo yaqaan -beta-carotene- taasoo vitamin A isku badasho kadib markii aad cunto.

Vitamin A wuxuu muhiim u yahay koritaanka unuga ( Cell) iyo waxa unuga ku wareegsan. Ilmaha caloosha ku jiraa wuxuu u baahanyaha in unugyadiisu ay koraan si uu u koro.
Balse, Vitamin A ga ka imaada xayawaanka in hooyada uurka leh aysan isku badin ayaa lagu waaniyaa kaasoo sun isku badala hadii aad la iskugu badiyo.

4- Kaluunka loo yaqaan Salmon: ๐Ÿฆˆ๐Ÿฆˆ

Salmon ka waxaa aad ugu badan waxyaabaha daruuriga ah ee loo yaqaan- ( amiga 3 fatii asids) -omega-3 fatty acids.
Omega-3 fatty acids waxay muhiim u tahay koritaan ka indhaha iyo maskaxda ilmaha ku jira caloosha.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay 2-3 jeer isbuucii cunto kaluun, hadii ay hesho salmon na kaba fiican. Balse, maadama laga helay cadanta qalinka Jilicsan, bir, ( Mercury) jirka kaluunka hadii hooyada ay isku badisaa markii ay uurka leedahay waxuu dhibaato u geeystaa ilmaha koraya. Saas darteed 2-3 jeer isbuucii inaysan cunin ayaa lagu waaniyaa.
Waxaa kaloo Salmon ka siiyaa hooyada Vitamin D, kasoo muhiim u ah ayada iyo ilmaha koraya.
-4 Ukunta sida wacan loo bisleeyay: ๐Ÿฅš๐Ÿฅš

Ukunta waa midii ugu fiicaneed nafaqo la cuno maxaa yeelay waxa ku jiro waxyaala badan oo cuntooyin badan laga helo.
Ukunta waxay qeebwayn ka qadataa koritaan ka dhan ee jirka hooyada iyo ilmaheeda waana cuntada ugu sahlan in la kariyo lana helo.

5- Khudaarta cagaaran:๐Ÿฅฌ๐Ÿฅ’

Khudaarta cagaaran sida isbinaajka ( Spinach) iyo broccoli da waxaa ka buuxa nafaqooyinka hooyada iyo ilmaheeda ay u baahan yihiin.
Kuwaasooy ka mid yihiin โ€“ fiber, vitamin C, vitamin K, vitamin A, calcium, iron, folate and potassium. Cunitaanka khudaartan waxay ka caa wisaa hooyada in ay si sahlan u saxarooto.

6- Hilib baruurta ku yartahay: ๐Ÿฅฉ๐Ÿฅฉ

Hilib ka waxa laga helaa protein badan, B vitamins iyo macdan badan uu jirka hooyada iyo ilmaha u baahan yihiin
Waxa kaloo aad ugu buuxa hilibka Iron, kasoo muhiim u ah unugyada jirka in ay helaan oxygen . Hooyada uurka leh aad ayay ugu baahan tahay Iron maxaa yeelay dhiigeeda jirka wuu bataa markay uurka leedahay.
Si uu Iron ka jirka si ficiin u qaato, waxaa lala qaataa cuntooyin ka Vitamin C ga uu ku badan yahay sida liin bambeelmada ( Oranges). Vitamin C ga wuxuu caawiyaa Iron ka inuu jirka si sahalan u isticmaalo Iron ka.

7-Miraha : ๐Ÿ‰๐ŸŒ๐ŸŽ
Miraha sida Tufaaxa, Qaraha, Canabka iyo wixii la mid ah, waa muhiim inay hooyada cunto maxa yeelay waxaa laga helaa > biyo, fiber, vitamins iyo antioxidants.
Waxaa aad ugu badan Vitamin C ga kasoo aad muhiim ugu ah caafimaadka maqaarka iyo difaaca jirka.

8- Hadhuudhka oo dhan:๐Ÿฒ๐Ÿฒ

Hadhuudhku waa muhiim in lacunaa, siiba hooyada uurka leh. Waxaa laga helaa > B vitamins, fiber iyo magnesium. Waxaa kaluu Hadhuudhka u sahlaa hooyada dhinaca saxarada in ay u sahlanaato.

9- Avocados:๐Ÿฅ‘๐Ÿฅ‘

Avocados waa miro aad u muhiimsan cunidooda siiba hooyada uurka leh.
Waxaa laga helaa dufanka loo yaqaan Monounsaturated fats, ku waasoo aad u caafimaad ah dadka siiba hooyada uurka leh. Waxaa kaloo leh Dufankaas Olive oil, iyo nuts sida looska.
Sidoo kale waxaa ka buuxa Avocados ka โ€“ fiber, B vitamins (siiba folate), vitamin K, potassium, copper, vitamin E iyo vitamin C.

10- Biyo:๐Ÿ’ฆ๐Ÿ’ง

Hooyada markay uurka leedahay waa muhiim inay biyo cabitaankeeda la socotaa, maxaa yeelay dhiigeed wuxuu kordhaa 1.5 liters am 50 ounces markay uurka leedahay.
Ilmaha caloosha ku jiro wuxuu u baahan yahay oo dhan hooyaduu ka qaataa, marka waxa dareemaya daal iyo oon waa hooyada.
Ado biyaha kugu yar yihiin waxaad ku garan adoo dareema daal badan, madax xanuun iyo adoo xanaaq badan dareema.
Waxaa lagu waaniyaa hooyada in ay cabto 2 liter oo biya ah maalintii, balse dadku way kala duwan yihiin. cab biyaha markii oon ku qabto ilaa aad si fiican u dareento biyaha calooshhada galay.

Ugu Danbeeyntii
Waxaad cunto markaad uurka leedahay waxay saamaynaysaa adiga iyo ilmahaaga caloosha ku jiro. Hadii aad cunto dheeli tiran cunto waxaad dareemaysaa quwad iyo caafimaad.

Ma aha inaad ka walwashaa in aad buurato markaad uurka leedahay. Waa caadi waana loo baahan yahay inuu culays yar ku koraa si ilmahaga iyo adigaba aad u dareentaan in aad hesheen nafaqo indinku filan.
Tani ha kuu ahaato meeshaad ka bilaabi lahayd safar kaagii uurka ee caafimaadka badnaa. Ilahayna hakuu fududeeyo.
W/Q: somali super moms
Dr Mohamed

Address

Moha
Mogadishu
0612177250

Telephone

+252613431877

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Mohamed:

Shortcuts

Share

Category