02/08/2026
๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐
Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa cilmi-baarayaasha kala ah:
๐๐๐ค๐๐ซ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ฌ๐๐ค ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐, ๐๐๐๐ข๐ง๐๐ฌ๐ข๐ซ ๐๐๐๐ฆ ๐๐ก๐ข๐๐๐ง๐, ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ข๐๐ฌ๐ข๐ฌ, ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ฌ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐๐ข๐ง, ๐๐ฒ๐๐๐ง๐ฅ๐ ๐๐ฌ๐ฆ๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ก๐ข๐ฆ, ๐๐ง๐๐ฌ ๐๐ฅ๐ข ๐๐๐๐ข, ๐๐จ๐ฐ๐ญ๐ก๐๐ซ ๐๐ฌ๐ฆ๐๐ข๐ฅ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข, ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฅ๐ข ๐๐ข๐ฆ๐๐ฅ๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐, kuwaas oo ku guuleystay daabacaadda maqaal cilmiyeed qiimo weyn leh oo cinwaankiisu yahay doorka Tirzepatide iyo ๐๐๐๐๐ inhibitors (๐๐๐๐๐๐ข) ee daaweynta bukaannada qaba ๐๐๐๐ซ๐ญ ๐
๐๐ข๐ฅ๐ฎ๐ซ๐ with Preserved ๐๐ฃ๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐
๐ซ๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง (๐๐
๐ฉ๐๐
) iyo buurnaanta (๐๐๐๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ).
Maqaalkan cilmiyeed waxaa lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee ๐๐ง๐๐จ๐๐ซ๐ข๐ง๐จ๐ฅ๐จ๐ ๐ฒ, ๐๐ข๐๐๐๐ญ๐๐ฌ & ๐๐๐ญ๐๐๐จ๐ฅ๐ข๐ฌ๐ฆ (๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ) taariikhdu markay ahayd ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐, taas oo ka tarjumaysa dadaalka, kartida, iyo heerka sare ee ay cilmi-baarayaashani ka gaareen horumarinta aqoonta caafimaadka iyo kobcinta cilmi-baarista Soomaaliyeed.
Guushan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee cilmi-baaristu ku leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka, xoojinta aqoonta ku dhisan caddeymaha (evidence-based medicine), iyo kor u qaadidda sumcadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.
Kulliyadda Daawada iyo Qalliinka waxay u rajaynaysaa dhammaan cilmi-baarayaashan guulo iyo horumar joogto ah, iyadoo ku boorrinaysa bahda caafimaadka, ardayda, iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan ka qaybqaadashada cilmi-baarista, hal-abuurka, iyo daabacaadaha cilmiyeed, si loo dardargeliyo horumarka caafimaadka iyo kobcinta aqoonta dalka.