Dr.Majid Ali Hassan Ishaq

Call Website Contact the practice

Dr.Majid Ali Hassan Ishaq Urologist

Cudurrada Kelyaha, Kaadi-mareenka iyo Madhalaysnimada Ragga  Dr.Majid Ali Hassan Ishaq Cudurrada KelyahaDhagaxaanta kely...
28/07/2026

Cudurrada Kelyaha, Kaadi-mareenka iyo Madhalaysnimada Ragga
Dr.Majid Ali Hassan Ishaq

Cudurrada Kelyaha

Dhagaxaanta kelyaha
Caabuqa kelyaha
Fashilka kelyaha ee degdegga ah
Fashilka kelyaha ee joogtada ah
Burooyinka kelyaha
Kelyaha biyo ku urura (Hydronephrosis)
Kelyaha fiixdu ku samaysanto (Polycystic Kidney Disease)
Dhaawacyada kelyaha
Dhiig-baxa kelyaha
Cudurka kelyaha ee sonkorowga
Cudurka kelyaha ee dhiig-karka

2. Cudurrada Kaadi-mareenka

Caabuqa kaadi-mareenka (UTI)
Dhagaxaanta kaadi-mareenka
Kaadi ceshan la'aan
Kaadi istaag
Kaadi xanuun
Kaadi dhiig leh
Kaadi badan habeenkii
Kaadi soo noqnoqda
Cidhiidhiga kaadi-mareenka
Kansarka kaadi-haysta
Dhagaxaanta kaadi-haysta
Kaadi-haysta neerfaha (Neurogenic Bladder)
Kaadi-haysta firfircoon (Overactive Bladder)
3. Cudurrada Qanjirka Prostate-ka
Bararka Prostate-ka
Weynaanshaha Prostate-ka (BPH)
Kansarka Prostate-ka
Xanuunka daba-dheeraada ee Prostate-ka

4. Cudurrada Xiniinyaha iyo Guska

Varicocele (Xididdada xiniinyaha oo barara)
Hydrocele (Biyo ku urura xiniinyaha)
Epididymitis
Orchitis
Xiniin qalloocata (Testicular Torsion)
Kansarka xiniinyaha
Xiniin aan soo degin
Daciifnimada kacsi (Erectile Dysfunction)
Biyo-bax degdeg ah
Cudurka Peyronie's
Kansarka guska

5. Madhalaysnimada Ragga

Tirada shahwada oo yar
Shahwo la'aan
Dhaqdhaqaaqa shahwada oo daciif ah
Qaabka shahwada oo aan caadi ahayn
Xannibaadda dhuumaha shahwada
Cilladaha hormoonnada
Testosterone oo hooseeya
Caabuqyada taranka
Varicocele
Dhibaatooyinka hidde-sideyaasha
Sonkorowga
Cayilka
Sigaar cabista

29/06/2026

Dr.Majid Ali Hassan Ishaq .majidalihassan

Gastroenteritis
24/06/2025

Gastroenteritis

Karama Fartiltey center Bosaso as comping
27/05/2025

Karama Fartiltey center Bosaso as comping

20/03/2025
20/03/2025

Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keensanaysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.

Varicocele wuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 85% wuxuu ku dhacaa xininta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.

Xanuunkaan Varicocele waxaa lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 15% sababaha ragga madhalaysnimada u keena, waxayna ka timaadaa unugyada dhalmada qaabilsan oo howlgaba, sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.

Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.

Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.

Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.

Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
Baaritaan xididada arooriyaasha.

Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuune aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi alga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin haddii loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.

Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, taasoo hadii aad u baahatid kaala hadli doono dhakhtarkaaga.

Xanuunkana ma soo laaban karaa?
Rajada ka soo kabsashada xanuunka waa mid fiican inkastoo boqolkiiba 5% ay soo laabato ama dhici karto ina xaniintu ay biyo galaan taasoo isku badasho xaalad kale oo loo yaqaanno "Hydrocele" tanne qalliin kale oo sahlan ayaa lagu saxaa iyadane.

Haddii aad u baahan tahay faahfahain dheeraad ah ama xiisaynayso inaad dhakhtarka toos ugala tashatid cilladaan, waxaad ka faa'idaysan kartaa barnaamijka la sheekeysiga dhakhtarka, adigoo massage noogu soo dira boggeena Facebook:

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Majid Ali Hassan Ishaq posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr.Majid Ali Hassan Ishaq:

Shortcuts

Share

Category