Dr Ibrahim Garas

Dr Ibrahim Garas Empowering the community through Emergency Medicine awareness, Medical Education and Health advocacy.

Eid Al Adha MubarakMunaasabadda Ciida carafada wagered waxaan muslimiinta guud ahaan gaar ahaan soomaalida ugu hambalyey...
26/05/2026

Eid Al Adha Mubarak

Munaasabadda Ciida carafada wagered waxaan muslimiinta guud ahaan gaar ahaan soomaalida ugu hambalyeynayaa maalmaha barakeysan ee carafo.

Ciid wanaagsan, Farxad ku ciida.

🏥 Ilbiriqsi kasta waa qaali marka ay timaado badbaadinta nafta!Xaaladaha degdegga ah iyo daryeelka xanuunada halista ah ...
22/05/2026

🏥 Ilbiriqsi kasta waa qaali marka ay timaado badbaadinta nafta!

Xaaladaha degdegga ah iyo daryeelka xanuunada halista ah ma sugaan saacad iyo maalin toona, daqiiqad kasta oo ku dhhaftana waxay isbeddel weyn ku sameyn kartaa nolosha bukaanka.

18/05/2026

🚨 Ahmiyadda uu Leeyahay Qeybta Emergency-ga (Qeybta daaweynta xanuunada degdega ah)🚨
Noloshu waa hanti qaali ah, laakiin daqiiqado yar ayaa wax kasta beddeli kara. Marka ay timaaddo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah—sida shilalka, wadne-istaagga, ama dhiig-baxa—halkaa ilbiriqsi kasta wuxuu la miisaan yahay badbaadada naf bini-aadam.
Haddaba, waa maxay sababta ay qeybta Emergency-ga ee Hodan Hospital u tahay halbowlaha badbaadada?

• Badbaadin Degdeg ah: Waa halka kaliya ee loogu talagalay in lagula tacaalo qofka qarka u saaran dhimasho ama dhibaato weyn, iyadoo la isticmaalayo qalab iyo xirfad caafimaad gaar ah.

• Go'aan Qaadasho Dhakhso ah: Dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka Emergency-ga waxay u tababaran yihiin inay ilbiriqsiyo gudaheed ku ogaadaan dhibaatada jiri karta iyo sidii loo xallin lahaa.

• Diyaar-garow 24/7 ah: Ma jiro fasax ama saacad ay xirantahay; waa albaabka mar kasta u furan u adeegidda bulshada, habayn iyo dharaar.

Soo wac Numberka Ambulances 🚑 Isbitaal Hodan 1234.




.

Jimco Wanaagsan & Badbaadada Dhaawaca 🚑Dhaawacu waa lama huraan, laakiin dhimashada dhiigbaxa waa laga hortagi karaa!Mar...
07/05/2026

Jimco Wanaagsan & Badbaadada Dhaawaca 🚑

Dhaawacu waa lama huraan, laakiin dhimashada dhiigbaxa waa laga hortagi karaa!
Marka uu dhaawac dhaco, xusuusnow in 3 illaa 5 daqiiqo ay ku filan tahay in qofku ku dhiig-baxo. Adiga oo aan ahayn dhakhtar, waxaad badbaadin kartaa nolol haddii aad raacdo tallaabooyinkan:

1. Cadaadis Saar: Gacmahaaga si xoog leh ugu cadaadi meesha dhiiggu ka baxayo adigoo isticmaalaya maro nadiif ah.

2. Xir (Tourniquet): Haddii dhiiggu ka istaagi waayo gacanta ama lugta, ku xir meel ka sarreysa nabarka maro adag ama suun si aad u joojiso qulqulka dhiigga. (Life over Limb)

3. Ha Sugan Ambalaaska: Doorkaaga koowaad waa inaad dhiigga joojiso inta aan la gaarin isbitaalka.

Ogow: Gargaarka degdega ah ee aad bixiso waa farqiga u dhexeeya nolosha iyo dhimashada.

Jimco Mubarak! 🌙✨

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Ibrahim Garas posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share