Dr Fahad Hussein Yusuf

Dr Fahad Hussein Yusuf General Surgeon
Laparoscopic &endoscopist

20/08/2026

Waa ii farxad inaan arko bukaanada oo xaaladooda sii fiicnaaneyso

18/08/2026

Safar Qalliineed oo Guul Leh

Bukaanad ayaa muddo sannado badan ah la xanuunsanayd xanuun ka hayay dhinaca midig ee dhabarka. Waxay timid isbitaalkayaga kadib markii laga qaaday CT scan. Baaritaanka sawirka ayaa muujiyay biyo-bax daran oo kelyaha midig ah (hydronephrosis), iyadoo kelyaha midig aysan shaqaynayn.

Kadib qiimeyn iyo diyaar-garow taxaddar leh, waxaa lagu sameeyay qalliin lagaga saaray kelyaha midig (right nephrectomy). Qalliinku si guul leh ayuu ku dhammaaday, haddana si wanaagsan ayey u soo kabanaysaa

17/08/2026

Qaalinka laparoscopiga oo ay Soomaalida u taqaano leysarka waa qaliin noocma ah.

Daawo kasta oo aad qaadanayso waxay u baahan tahay in si sax ah loo fahmo nooca daawada, qiyaasteeda iyo sababta loo ist...
12/08/2026

Daawo kasta oo aad qaadanayso waxay u baahan tahay in si sax ah loo fahmo nooca daawada, qiyaasteeda iyo sababta loo isticmaalayo.

Inaad daawo iska qaadato adiga oo aan dhakhtar la tashan waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad ama waxay qarin kartaa calaamado u baahan baaritaan iyo daaweyn sax ah.

Haddii aad xanuun dareemayso, la tasho dhakhtar ka hor intaadan bilaabin daawo.

Dad badan marka ay dareemaan gubasho laabta ah waxay u maleeyaan inuu yahay “gaas”. Laakiin laab-gubashadu badanaa waxay...
11/08/2026

Dad badan marka ay dareemaan gubasho laabta ah waxay u maleeyaan inuu yahay “gaas”. Laakiin laab-gubashadu badanaa waxay la xiriirtaa acid reflux, oo ah marka waxa caloosha ku jira ay dib ugu soo noqdaan hunguriga.

Gaas-ka hab-dhiska dheefshiidka, dhanka kale, wuxuu inta badan la xiriiraa daac, dibiro iyo dabayl. Sidaas darteed, labadan xaaladood isku mid ma aha.

Haddii laab-gubashadu si joogto ah kuu soo noqnoqoto ama ay la socoto calaamado kale sida liqidda oo ku adkaata, matag joogto ah, miisaan lumis aan la sharxi karin ama dhiig-bax, waxaa muhiim ah inaad la tashato dhakhtar.

06/08/2026

Markaan arko bukaanada oo dib usoo kabanaayo kadib xaalada caafimaad oo adag, waxaan dareemaa farxad aan la soo koobi karin. Waa rajada iyo ujeedada ka dambeysa xanuun kasta iyo saacad kasta oo aan u hurno daryeelkooda

02/08/2026

Hadii horay laguugu sheegay dhagaxaanta xameetida isla markaana isku aragtay calaamadahaan, muuqaalkaan ka ogow xalkaada waxa uu yahay.

31/07/2026

Qaliinka dhexdiisa ilbiriqsi kasta waxa uu muhiim u yahay badbaadinta bukaanka.

Baaritaanka ka hor qaliinka iyo tallaalku waa gaashaankaaga ugu fiican ee ka hortagga cagaarshowga, cudurkaan waa dilaa ...
28/07/2026

Baaritaanka ka hor qaliinka iyo tallaalku waa gaashaankaaga ugu fiican ee ka hortagga cagaarshowga, cudurkaan waa dilaa aamusan oo ina badan aan leheen calaamado, badbaadi naftaada iyo tan qoyskaada oo iska baar, iskana talaal cagaarshowga.

24/07/2026

Xameetida waa xubin jirkeena muhiim u ah, waxaana ku dhaco cuduro badan.

Address

Digfer Road
Mogadishu
BN00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Fahad Hussein Yusuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category