Dr.Shaahid

Dr.Shaahid Shirkada qalabka caafimaadka ee AGAB waxaa kahali kartaa qalabka cafimaadka oo kala duwan side Calis iyo cusayb

■ Cabaarta wajiga Tinea faciei – Waa caabuq fangas ah (superficial fungal infection) oo ku dhaca maqaarka wejiga, waxaan...
31/08/2026

■ Cabaarta wajiga Tinea faciei –

Waa caabuq fangas ah (superficial fungal infection) oo ku dhaca maqaarka wejiga, waxaana badanaa keena fangaska loo yaqaan dermatophytes
■ Sababaha

¤ Waxaa lagu kala qaadi karaa :taa bashada
¤ Qof qaba tinea oo lala xiriiro xayawaan qaba fangas, gaar ahaan bisadaha iyo eyda
¤ Isticmaalka dharka barkin ama qalab qof qaba uu isticmaalay
¤ Fangas ka yimid meel kale oo jirka ah oo gacanta lagu taabto wejiga.

■ Calaamadaha
¤ Badanaa waxaa muuqda wareeg ama oval ah oo casaanka u janjeera
¤ Qallayl iyo qolof
¤ Cidhifka nabarku mararka qaar wuu ka casaansan yahay bartamaha
¤ Cuncun
¤ Nabarku si tartiib ah ayuu u ballaaran karaa
Mararka qaarkood waxaa jiri kara finan yaryar ama vesicles ku dhow cidhifka.
¤ Canbaarta wajiga mararka qaar uma eka ringworm-ka caadiga ah, sidaas darteed waxaa lagu khaldi karaa eczema, dermatitis ama lupus

■ Sidee loo xaqiijiyaa?

¤ KOH examination ayaa muhiim ah. Waxaa laga qaadaa scraping-ka maqaarka, kadib KOH ayaa lagu eegaa microscope.
¤ Haddii uu yahay tinea, waxaa la raadinayaa:
Branching, septate hyphae
¤ Mararka qaarkood waxaa la sameeyaa fungal culture haddii diagnosis-ku aanu caddayn.

■ Daaweynta

Laxariir
.

Canbaarta madax (Favus )Waa nooc gaar ah oo ka mid ah Tinea capitis (fangaska ku dhaca madaxa), waxaana badanaa keena fa...
30/08/2026

Canbaarta madax (Favus )

Waa nooc gaar ah oo ka mid ah Tinea capitis (fangaska ku dhaca madaxa), waxaana badanaa keena fangaska Trichophyton schoenleinii.

■ Waa maxay favus?

Favus waa infekshan fangas ah oo ku dhaca maqaarka madaxa iyo timaha, waxaana lagu gartaa samaysanka qolofyo huruud ah oo koob u eg oo loo yaqaan scutula.

■ Calaamadaha

¤ Qolofyo huruud ah oo koob/saabuun u eg.
¤ Timo daciifa, qallala oo si fudud u jaba.
¤ Ur aan fiicnayn ayaa mararka qaarkood ka iman kara madaxa.
Haddii uu muddo dheer socdo → wuxuu isku bali karaa alopecia (timo lumis joogto ah oo nabar leh) ayaa dhici karta.
¤ Maqaarka madaxa wuxuu noqon karaa casaan iyo qolof badan.

■ Sida uu u gudbo

Favus wuxuu ku faafi karaa:
¤ Qof qaba infekshanka → qof kale.
¤ Isticmaalka shanlo, koofiyad, barkin ama sheey uu qof qaba isticmaalay.
¤ Carruurta ayuu si gaar ah ugu badan yahay
¤ Meelaha nadaafadda iyo ciriiriga bulshada ay dhib ka jiraan.

💊 Daaweynta
Favus badanaa wuxuu u baahan yahay antifungal

■ Haddii infekshanku muddo dheer socday oo uu sababay nabar/scarring, timihii meeshaas ka baxay dib uma soo bixi karaan.waayo caabuqaan wuxuu awood uleeyahay in uu kataqluso timaha


0616331011

■ Caabuqa kudhaca cagaha (Keratolysis bacterial infection )Badanaa waxaa loola jeedaa Pitted Keratolysis, oo ah caabuq b...
30/08/2026

■ Caabuqa kudhaca cagaha (Keratolysis bacterial infection )

Badanaa waxaa loola jeedaa Pitted Keratolysis, oo ah caabuq bakteeriyo ku dhaca maqaarka cagaha, gaar ahaan meelaha dhididka badan.

■ Waa maxay? Pitted keratolysis

Waa bacterial infection ku dhacda dusha sare ee cagaha
Bakteeriyada sida Corynebacterium, Kytococcus iyo Dermatophilus ayaa inta badan lala xiriiriyaa.

■ Calaamadaha

Daloollo yaryar oo badan (tiny pits) oo ka muuqda calaacalaha cagaha.
Ur aad u xun oo cagaha ka yimaada.
Dhidid badan (hyperhidrosis).
Maqaarka oo mararka qaar noqda qoyan ama jilicsan.
Daloolladu waxay si gaar ah uga muuqdaan meelaha cadaadisku ku badan yahay.

■《Maxaa keena?

Waxyaabaha kordhiya waxaa ka mid ah:
Dhidid badan oo cagaha ah
Kabo xiran muddo dheer
Kabo aan hawo fiican lahayn
Nadaafad aan ku filnayn
Cimilo kulul oo qoyaan badan
Cagaha oo mar walba qoyan

■ Sidee loo daaweeyaa?

Daaweynta laxariir
Dr Shaahid 0616331011

Nevus depigmentosus,Waa meel maqaarka ka mid ah oo midabkeedu ka khafiifsan yahay maqaarka intiisa kale.■  Diagnosis: Ne...
29/08/2026

Nevus depigmentosus,

Waa meel maqaarka ka mid ah oo midabkeedu ka khafiifsan yahay maqaarka intiisa kale.

■ Diagnosis: Nevus depigmentosus

Waa xaalad maqaarka ah oo badanaa qofku ku dhasho ama soo baxda carruurnimada h**e. Meesha ay saameyso waxay noqotaa midab khafiif ah), laakiin badanaa ma aha caddaan buuxa sida xanuunka baraska (vitiligo.)

■ Sababta diagnosis-ka

¤ Waxay jirtaa muddo dheer, badanaa laga bilaabo dhalashada ama carruurnimada h**e.

¤ Localized hypopigmentation:
Waxay ku koobnaan kartaa meel gaar ah oo jirka ah.

¤ Serrated/irregular borders:
Xuduudaha meesha midabku ka yaraaday waxay noqon karaan kuwo qalloocan ama ilko-ilko ah.
Maqaarka ma laha qolof, barar ama caabuq.
Midab-yaraantu badanaa ma sii fido, taasoo ka caawisa in laga sooco ama aan lagu qaldin vitiligo.

■ Meelaha ay ka muuqan karto
Waxay ka soo bixi kartaa Jirka
Gacmaha ama lugaha
Meelo kale oo maqaarka ah

■ Daaweynta
Badanaa daawo gaar ah looma baahna, sababtoo ah xaaladdu waa benign oo aan khatar ahayn.
Waxaa la sameyn karaa: bukaanka in loo xaqiijiyo in xaaladdu aysan badanaa khatar ahayn
¤ Cosmetic camouflage –
isticmaalka waxyaabo midabka maqaarka la jaanqaada si loo qariyo.
Laser therapy – xaaladaha qaarkood ayaa loo isticmaali karaa arrimo quruxeed, iyadoo natiijadu qofba qof ku kala duwanaan karto.

Farqiga muhiimka ah: Nevus depigmentosus badanaa waa mid joogto ah oo aan sii fidayn, halka vitiligo uu noqon karo mid sii fida oo keena depigmentation aad u cad.

naqaarka Dr shaahid
0616331011

29/08/2026

Hadii aad kacabaneeyso daada shada timahaaga ama aay jiraan meelo baba naan ee timaha hadaba waxaan kuu haaynaa dawada ugu fiican ee xalkaaga

Hadii aad joogto gobal ama tuulo waxaan kuu haaynaa fursad aad ku hasho dawada iyo talada dhaqtarka

Xarunta wxeey kutalaa Mogadisho gaar ahaan xaafada oodweyne kalawareega shirkada hormuud ama kasoo horjeedka tukaanka sokeeye 0616331011

SOORIYAASIS (Psoriasis )Waa cudur maqaarka ku dhaca oo ah chronic inflammatory skin disease, kana dhasha hab-dhiska difa...
29/08/2026

SOORIYAASIS (Psoriasis )

Waa cudur maqaarka ku dhaca oo ah chronic inflammatory skin disease, kana dhasha hab-dhiska difaaca jirka oo si xad-dhaaf ah u kiciya, taasoo keenta in unugyada maqaarku si degdeg ah u soo cusboonaadaan.

■ Calaamadaha ugu waaweyn:

□ Meelo casaan ah oo maqaarka ah
□ Qolof/qalayl cad ama silver ah
□ Cuncun ama xanuun
□ Maqaarka oo dillaaca ama dhiig baxa
□ Isbeddel ku yimaada cidiyaha
□ Badanaa waxay ku dhacdaa suxullada, jilbaha, madaxa iyo dhabarka hoose

■ Waxyaabaha kicin kara (triggers):

□ Dhaawac ama xoqid joogto ah oo maqaarka ah
□ Qabow iyo qallayl
□ Stress
□ Infekshanno qaarkood
□ Sigaar/cabitaanka khamriga
□ Daawooyin gaar ah
□ Miisaan badan

Daaweyntu waxay ku xiran tahay darnaanta iyo nooca psoriasis-ka.

# Dhaqtar maqaar Dr Shaahid.

Maxamed Ciise Daahir Yuusuf ayaa tusaale u ah ardayga dadaalka iyo kartidiisa waxbarasho ku gaara guulo isdaba-joog ah.📚...
22/08/2026

Maxamed Ciise Daahir Yuusuf ayaa tusaale u ah ardayga dadaalka iyo kartidiisa waxbarasho ku gaara guulo isdaba-joog ah.

📚 2021–2022: Fasalka 8aad — Kaalinta 3aad, isagoo helay 95.3%.

🎓 2025–2026: Fasalka 12aad — Kaalinta 1aad, isagoo helay 94.14%.

Dadaalaa wuu gaaraa !!!

Address

Mogadishu

Telephone

+252614943301

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Shaahid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category