Dr Sayid Ali Ahmed Shardi

Dr Sayid Ali Ahmed Shardi Anfac Media

  oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad  ahaan loo yaqaannaa " ", inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad ...
25/01/2023

oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa " ",

inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad dhaaf ka noqoto laakiin ma gaaraan heer ay dhiig badan lumiyaan oo la dhihi karo waxay qabaan "Menorrhagia" dhiig-bax caadada ah.

Haddii aad qabtid xaaladdaan, mar kasta oo caadada kugu dhacdo waxaad dareentaa dhiig badan iyo casiraad xagga caloosha hoose ah oo aad xanuunka dareento.

garto waxaa ka mid ah:
- In calalkaaga ay buuxsamaan saacaddiiba mar dhowr saacadood oo isku xigxiga.
- Baahi aad u qabto in aad hurdada ka soo toosto si aad calalka u badalato.
- Caadada oo socoto hal isbuuc ama ka badan.
- Caadada oo soo raacaan xinjirro waaweyn
- Howl maalmedkaga oo si sahlan u qabsan karin.
- Inaad isku aragto tabardarri, daal iyo neefsashada oo ku dhibto kuwaas oo daliil u ah in dhiig yari ku hayso.

Haddii aad isku aragto calaamadahaas kor ku xusan waxaad u baahanthay in takhtar aad la xiriirtay si laguu daaweeyo.

maxa Sababo Menorrhagia ama Cadado badta

1- Hormooniska oo isku dheellitirneyn
2- Ugxan sidaha oo sidii laga rabay u shaqayneynin.
3- Buro ka soo baxdo minka oo loo yaqaanno "Fibroid"
4- Fiix ka soo baxa dahaarka gudaha minka.
5- In qanjirrada minka iyo murqaha is dhex galaan oo keenaan cudur loo yaqaanno "Adenomyosis"
6- Haddii lagugu xiray qalab ka hortaga uurka.
7- Dilan uur ka dib wuxuu u ekaan karaa, caado xad dhaaf ah.
8- Kansar midka ku dhaca ugxan sidaha iyo afka minka.
9- Daawooyinka qaar sida: kuwa ka hortaga caabuqa iyo kuwa ka hortaga xinjiroobista dhiigga.
10- Xaalado caafimaad qaar sida Infekshanka ku dhaca haweenka, cillad xagga qanjirka toroodhka, xanuun ku dhaca dahaarka minka iyo hawlgabka kilyaha

Yaa Halis ugu jiro.Xanuunkan

1- Gabdhaha qaangaaray mar dhow oo sanadkooda ugu horreeya ku jira
2- Haweenka ku sii scodo dhalmo deyska kuwaas da' ahaan u dhaxeeya 40 illaa 50 sano.

Maxaa Kadhasho Xanuunkan

Baaritaannada lagugu samayn karo haddii aad takhtar la xiriirtid waxaa ka mid ah:
1- Baaritaan dhiigga ah
2- Baaritaan afka minkiisa ah
3- Baaritaan cad laga qaadayo minka.
5- Ultrasound ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyutar".
6- Raajo dheeh wadato oo minka iyo tubooyinka la saaro.


Markii takhtarka baaritaan buuxa iyo wareysi kula yeesho waxaa lagu siin doonaa daawooyin isugu jira kuwa dhiigga sare u soo qaado, xanuun baabi'iyayaal iyo daawooyin yareeya caadada badan kuwaasoo ka mid noqon karaan daawooyin ka hortagga uurka.


Haddii daawooyinka wax kuu tari waayaan waxaa jira dhowr qalliin loogu talalagalay xaaladdaan taasoo tii kugu habboon takhtarka kugula talin doono.

gareey oo gaarsiii asxaabtada

Dr Sayid Ali

Ragga iyo Dumarka Labaduba way leeyihin qanjidhada Caanaha ( Mammary Glands ) --- Xilliga Da'da qaan-gaadhka marka ay ku...
31/08/2021

Ragga iyo Dumarka Labaduba way leeyihin qanjidhada Caanaha ( Mammary Glands ) --- Xilliga Da'da qaan-gaadhka marka ay ku jirto gabadhu jidhkeeda waxa lagu soo daaya dheecanka Dumarnimada ee ( Estrogen ) kaaso Isbeddelo weyn sababa isbeddeladaas waxa ka mida in mugga naasuhu ay koraan balse Qanjidhada caanuhu weli waa hawlgab oo ma shaqaynayaan --- Ragga iyagu sidoo kale jidhkoodu waa uu soo daaya dheecaanka dumarnimada ee Estrogen balse xaddi aad u yar aya lasoo daaya waxa dhacda mararka qaar in raggu ay soo daayaan xaddi aad u farabadan oo dheecaanka Estrogen ah kaaso sababa in Naasaha raggu ay koraan sida kuwa dumarka xaaladan waxa lagu magacaba ( Gynecomastia ) Rag badan oo ay xaaladani ku dhacday aya jira ---- Marka ay gabadhu Uur qaado isla markaana ay dhasho jidhkeeda waxa lagu soo daaya dheecaamo cariya qanjidhada caanaha kuna amra inay caano sameeyan dheecaamadan waxa lagu magacaba ( Oxytocin iyo prolactin ) --- Raggu sido kale waxa dhacda mararka qaar in jidhkoodu soo daayo xaddi aad u farabadan oo dheecaamadan ah kuwaaso carinaya qanjidhada caanaha soona daynaya caano ( Haa! raggu naasahooda caano way kaso saari karaan ) --- Dhacdooyin farabadan aya la sugay oo ay raggu naasohoda caano kasoo daayeen balse dhacdadan ayaynu tusaale uso qaadadayna ( xaajigan sawirka ka muuqda waxa lagu magacaba Colombo Da'diisu waa 38 jir waxa uu u dhashay wadanka Sri-Lanka gabadh uu dhalay ayu caanaha naaskiisa nuujinaya kadib marki ay xaaskiisa dhimatay ) --- waxa laga yaaba sawirka inad ku aragtay in ninka naasihisu aanay kuwa dumarka oo kale ahayn ama aanu muggoodu weynayn ( samaynta caanuhu kuma xidhna mugga naasaha - caanaha waxa lagu sameeya unugyo lagu magacabo - Cuboidal Cells - oo ku yaal ibta h**e ee naasaha Baruurtu iyadu waa taageero taageraysa unugyadaas ee caano ma samayso )
Dr Sayid Ali Ahmed Shardi

  LAGA QAADO CILAANKA?Waa maxay cilaanka dabiiciga ah?Cilaanka dabiiciga ah waxaa asalkiisa laga sameeyaa geed dhir ah o...
28/06/2021

LAGA QAADO CILAANKA?

Waa maxay cilaanka dabiiciga ah?

Cilaanka dabiiciga ah waxaa asalkiisa laga sameeyaa geed dhir ah oo lagu magacaabo ( Lawsonia inermis ) ama ( henna tree ) kaas oo jirka Marka la mariyo siiyo midab casaan ama bunni ah.

Isticmaalka cilaanka waxa uu soo jiray kumanaan sano, waxaana intabadan loo adeegsadaa in la isku qurxiyo xili yada farxada sida aroosyada iyo ciidaha ayadoo la marsanaayo maqaarka, timaha iyo cidiyaha.

Cilaanka dabiiciga ah marnaba jirka bini aadamka ma waxyeeleyo mana ku keeno halis cfmd.

Waa kee cilaanka xasaasiyada laga qaado?

Cilaanka madow ee ay kujirto dawo madoobisada waa kan halista ku ah jirka bini aadamka waxaana kujira maadoyin kiimiko ah sida paraphenylenediamine (PPD), azo dyes, parabens, para-aminobenzoic acid iyo para compounds.

Maxaa lagu gartaa xasaasiyada cilaanka?

Dadka xasaasiyada ku qaada cilaanka waxaa lagu arkaa in meesha cilaanka la mariyay bacoolo biyaa ku sameesman, cuncun, xanfaf, gubasho iyo in meesha gaduudato.

Maxaan sameeyaa hadaan cilaan xasaasiyad ku qaado?

Hadaa cilaanka aad marsatay xasaasiyad ku qaadid fadlan booqo sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtarka maqaar ee kuugu dhaw si aad u heshid daryeelka caafimaad ee kugu haboon.

Ka fagow isticmaalka cilaanka Madow ee ay kujirto daawo madoobisada ee jirka halista ku ah.

Haku qasan cilaanka dabiiciga ah basiinka iyo walxaha kiimikada ah ee jirka halista ku ah
Dr Sayid Ali

Taloyinka Caga HurkaTalooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.1- Cun cunno isku dheelliti...
27/06/2021

Taloyinka Caga Hurka
Talooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.
2- Miisaankaaga yareey haddii aad cayilan tahay
3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan isda Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska daawey.
4- Iska ilaali in aad xirato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaarsiin.
5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, iskaalshada iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkane uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.
6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.
7- Talada ugu dambeyso waa mid u gaar ah haweenka marsado cillaanka daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadaan waxay dhaawac u geysataa neerfaha mana u roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.

  keena Caga hurka?Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho aad ugu bad...
27/06/2021

keena Caga hurka?

Caga hurka waa in la dareemo in lugaha ay ku ololayaan ama ku balbalayaan waana sheegasho aad ugu badan soomaalida khaas ahaan dumarka.
Haween badan ayaa lugaha ku qaboojisto in ay baaf lugaha la galaan, darbiyada ama mutuleelka cagaha saarsaaro ama cillaan ku qaboojiyo.
Sidaa awgeed waa su'aal weydiin mudanee, talow maxaa keenay cagaha hurka noocaas ah?

Caga hurka wuxuu calaamad u noqdaa cudurro aad u badan, laakiin asbaabta soomaalida ugu badan ee u keeno way kaga duwan yihiin umadaha kale.

Caalamka kale waxa ugu badan oo keena waa cillad ka timaada xagga neerfaha dareenka siiya cagaha iyo lugaha, haddii cillad dhabarka qofka ka gaarto oo dhaawacda neerfaha ama qofka jug ka gaarto ama cadaadis neerfaha lugaha saarmo sida in qofka uu xirto kabo ku dhaggan waxay keenaan kuleel iyo balbal markii qofka socod dheer galo ama markuu kabaha iska siibo.

Midda xigta waa haddii cillad ay ka jirto xididada dhiigga siiya lugaha haddii qulqulkooda uu hooseeyo ama ciriiri ay noqdaan taasoo ka timaada dhibaato xannibaysa isku socodka dhiigga sida dufan ama xinjir fadhiisato ama xididka oo jirrado laftirkiisaba.

Midda sadaxaad waa haddii cagaha ay ku bararaan taasoo keenaysa in ay ku huraan, waxayna u badan tahay cilladaan dadka qaba dhiig-karka, howlgabka wadnaha ama kilyaha, midaan daawadeeda waa in bararka lugaha laga dajiyo si kuleelka kuu daayo.

Midda afaraad waa haddii qofka uu qabo cudur dhaawici kara neerfaha lugaha sida sonkorowga oo kale, tanna daawadiisa waa in sonkortaada ay kontroolan tahay oo daawada aad qaadatid ay kugu filan tahay, takhtarka wuxuu kuugu dari doonaa daawo neerfaha sonkorwga dhaawac gaarsiiyay loogu talagalay, caga hurka sonkorowga waxaa la socdo calaamado dheeraad ah sida kabaabyo lugaha, xadxato, in lugaha wax kaaga socdaan oo kale.

Midda ugu dambayso waa cabidda khamriga oo ka mid ah, asbaabaha ugu badan.
Caga Hurka
Talooyinkaan hoose waad ka faa'idi doontaa insha'llah haddii aad raacdid.
1- Cun cunno isku dheellitiran oo leh fitamiinnada aan kor ku soo xusay.
2- Miisaankaaga yareey haddii aad cayilan tahay
3- Haddii aad leedahay xanuunada kor ku xusan oo keeni karo cilladaaan isda Gaaska, Sonkorowga, Kolestaroolka, Dhiig-karka, howlgabka thyroid-ka iyo kuwa kalaba, iska daawey.
4- Iska ilaali in aad xirato kabo kugu dhaggan ama taako leh si ay seedaha lugaha dhaawac kaaga gaarsiin.
5- Markaa socod dheer gashid ama aad soo daashid, iskaalshada iyo kabaha iska siib si ay cagahaaga u helaan nasiinno iyo hawo, dhididkane uga qallalo, tan waxay ka hortagaysaa bararka cagaha, kuna dadaal nadaafadda lugahaaga.
6- Ha galin lugahaaga biyo baraf leh ama baraf ku jiraan, way kaaga sii darayaan caga hurka.
7- Talada ugu dambeyso waa mid u gaar ah haweenka marsado cillaanka daawada lagu daro ee loo yaqaanno dalwandi, daawadaan waxay dhaawac u geysataa neerfaha mana u roona caafimaadka ee istcmaalkeeda jooji.

๐Ÿ˜ฏ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

Wll nagu soo biir inoo.saar soo dheh Pege siina garee mahadsanidiin

๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ dib uga ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐—™๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ  ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ,- si joogto ah gacmahaaga ...
01/03/2021

๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—›๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ท๐—ผ๐—ผ๐—ด๐˜๐—ผ ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜‚๐˜‚ dib uga ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐˜† ๐—™๐—ฎ๐˜†๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—น๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—›๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฒ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ,

- si joogto ah gacmahaaga u dhaq adiga oo ku dhaqaya saabuun ama alkahool.

- ka ilaali farhaaga in aad ku taabato wajigaada siiba afka, sanka, indhaha.

- ka fogoow ama hatagin meelaha ay dadka badani ay iskugu yimaadaan.

- qof walba oo aad la macaamileyso u jirso masaafo ka badan hal mitir.

- qofna haku salaamin gacmahaaga, sidoo kale ka ilaalso gacmahaaga in aad ku taabtaabato darbiyada iyo gidaarada suuqa iyo basaska dhexdooda ah.

- gurugaada haka bixin intii macquul ah ilaa aad u baahato wax duruuri ah sida cunto ama daawo.

- dadka ka weyn 40ka sano si gaar ah ha u taxadaraaan maadaama dadka inta badan la dhibtooda ay ka weyn yihiin 40ka sano.

- hadii aad qabto xanuuno kale sida sonkorta, cagaarshoow, burukiitada, neefta ama Asmada, HIV iyo dhamaan xanuunada daba dheeraada si gaar isku ilaali oo socodka badan ee dibada iska yaree.

Illaahay ayaa caafimaadka iyo Xanuunka labadaba haya ugu danbeyn illaahay Tallo saaro oo waxa uu kaa xanibey ka dheeroow waxa uu ku fareyna yeel.

Ka hortagu waxa uu ka fiicanyahay daaweynta.

Fariintaan Fadlan wll Gaarsii qof walba oo Soomaaliyeed u SHARE garee waxaa macquul ah fariintaan oo aad gaarsiisey asxaabtaada in ay ka hortag uga noqoto xanuunkan llaahay idinkiis.

Dr Sayid Ali

๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™๐™€ ๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™๐™€ ๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™๐™€ ๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™๐™€ ๐™Ž๐™ƒ๐˜ผ๐™๐™€

Baadhitaano La sameeyey ayaa lagu xaqiijiyay in dumarka caba biyaha Qabow ama Barafka leh xiliga ay helayan xaydka ama d...
01/03/2021

Baadhitaano La sameeyey ayaa lagu xaqiijiyay in dumarka caba biyaha Qabow ama Barafka leh xiliga ay helayan xaydka ama dhiiga caada uu ku sababo in dhiigu uu dib ugu noqdo gidaarada Makaanka ama ilmo galeenka,

5-10 sano kadibna uu sababo Fiixo iyo cancerka ku dhaca ilmo galeenka

Waxaa ka mamnuuc ah Xiliga dumarku ay dhiiga caadada helaan in ay Cabaan Biyaha Qabow, biyaha Geedka Qumbaha iyo biyaha soodhahaha leh(Soda water ama Seltzer Water ama Carbonated water) waa biyo cusbadu ku badan tahy waxaana kujira (Sodium chloride iyo Sodium Bicarbonate),

โ—Joojiyan cabida sigaarka iyo Alcoholka iyo Cabitaanka Coffeega

Waxaad Isticmalaysa oo wanagsan inaad cabto โ—Canbe โ—babay, โ—tufaax, โ—Avacadaha iyoโ— Cabitaanka liinta maalinkasta adoon baraf kudarsn.

asxabtada halkaana uga yeer sxbdada kuu dhaw dhaw si ay wax uga kororsadan.

Sayid Ali

CUNIDA KALLUUNKA\MALAYGA WAXA EY XOOJISAA CAAFIMAADKA:๏ถ MALAYGA AMA KALLUNKU WAXA UU LEEYAHAY FAAIIDOOYIN\WAXTAR CAAFIMA...
15/01/2021

CUNIDA KALLUUNKA\MALAYGA WAXA EY XOOJISAA CAAFIMAADKA:

๏ถ MALAYGA AMA KALLUNKU WAXA UU LEEYAHAY FAAIIDOOYIN\WAXTAR CAAFIMAAD OO FARABADAN , IYADOO EY KU TALIYAAN AQOONYAHANNADA BARTAY CILIMIGA CUNTADA CUNIDIISA SI JOOGTA AH.

๏ถ CILMI-BAARIS LAGU FIDIYAY MAJALADA CILMIGA EE (JOURNAL OF INTERNAL MEDICINE)AYAA DAAHA KA ROGTAY IN CUNIDA MALAYGA\KALLUUNKA UU XOOJIYO CAAFIMAADKA AADANAHA UUNA DHEEREEYO CIMRIGIISA.

๏ถ MALAYGU WAXA UU HODAN KU YAHAY FITIMIINYO IYO MACAADIN LAGAMA MAARMAAN U AH CAAFIMAADKA IYO JIRKA AADANAHA GAAR AHAAN OMEGA 3.

๏ถ SI LA MID AH CILMI-BAARISYA KALA DUWAN AYAA CADDEEYAY IN CUNIDA MALAYGA UU KA QEEB QAATTO YAREYNTA CUDURKA KANSARKA, WAXA UUNA WANAAJIYAA CAAFIMAADKA WADNAHA IYO YAREYNTA INFAGSHANADA, HALKA CILMI-BAARISYA KALE EY LA XIRIIRIYEEN OMEGA 3 IYO CAAFIMAADKA WADNAHA IYO ARAGA.

๏ถ UGU DANBEYN CILMI-BAARAYAASHA AYAA SOO SAARAY NATIIJADAAN IYAGOO KU SAMEEYAY CILMI-BAARISTAAN 54,729 RAG AH IYO 180,580 DUMAR AH MUDDO DHAN 16 SANO:

๏‚ง HOOS U DHAC 10% DHIMASHADA KA DHALATA CUDURADA WADNAHA

๏‚ง HOOS U DHAC KHATARTA\HALISTA U DHIMASHADA KANSARKA 6%

๏‚ง HOOS U DHAC KHATARTA DHIMASHADA DAG DAGGA AH

๏‚ง HOOS U DHAC KHATARTA KA DHALATA INFAGSHANADA KU DHACA SAMBABADA 20%

๏‚ง HOOS U DHAC KHATARTA U DHIMASHADA CUDURADA KU DHACA BEERKA 37%

๏‚ง HOOS U DHAC KHATARTA U DHIMASHADA CUDURADA ALZHEIMER KA.

Dr Sayid Ali

  Sharoobada IBUGESIC ee la sheegay inay ku jirto quraaracad ama dhalooyin yaryar waa BEEN โ€œWaxaa jiro waxyaabo yaryar o...
03/10/2020

Sharoobada IBUGESIC ee la sheegay inay ku jirto quraaracad ama dhalooyin yaryar waa BEEN

โ€œWaxaa jiro waxyaabo yaryar oo u eg sida sokorta oo aad ku arkeysid markaad sharoobada adigoo aanan Ruxin aad ka daadiso Dhalada ay ku jirtoโ€

โ€œBalse markii aad si fiican u ruxdid dhalada ay sharoobada ku jirto aadan ku arkeynin waxyaabihii sokorta u ekaa ee markii h**e ku jiray, waana sababta Sharoobooyinka loogu soo dul qoro (Shake well before use) oo micnaheedu yahay (si fiican u rux ka hor inta aadan isticmaalin) โ€œ

โ€œHaddii aadan ruxin wax dhib ah kaagama imaaneyso. balse in aad ruxdid ayaa fiican, sidaas darteed waxaan idin cadeynayaa in aysan haba yaraate waxba ka jirin arinta lagu sheegay in Sharoobada Ibugesic ay ku jiraan dhallooyin yar yar oo qatar ku ah nolosha caruurta loogu talo galay in qandhada looga jabiyoโ€

โ€œSharoobada Ibugesic waxey isugu jirtaa ama ka kooban tahay labo xanuun baabiโ€™iye oo kala ah ibuprofen iyo paracetamol oo labaduba muhiim u ah in la siiyo qofka ama Canuga ay heyso qandhada. Waana dawo tayadeedu ama waxtarkeedu ay aad u heer sarreyso, canugii la siiyana ay si deg deg ah xumada (qandhada) ay uga jabtoโ€

Fiiro Gaar Ah: Waxaa laga yaabaa arintaan faafinteeda ama buun buuninteeda in ay la xiriirto arimo ganacsi ama siyaasad balse isticmaalka Dawadaas oo si maalinle ah loo isticmaalo wax cabasho ah horay ugama imaanin, dhaqaatiirtana si joogto ah ayey u qoraan.

Wabillahi towfiiq.
Xigasho Dr Xuseen Xaaji

  ๐Ÿ’ง...  Soo saarida Xadi-ga yar Ee   waxaa la oronkaraa, kolkey xilliga   timaado shahwo ka yar inta caadiga ah Ama ay k...
12/09/2020

๐Ÿ’ง...

Soo saarida Xadi-ga yar Ee waxaa la oronkaraa, kolkey xilliga timaado shahwo ka yar inta caadiga ah Ama ay ka yaraato 15 milion, halki millleter oo shahwo ah.

Ma jiro Calaamado gaar ah oo ay isku arki karaan Ama ay ku dareemi karaan in cildaan ay heysato marka laga reebo xasaskooda oo uur qadi waayay guurka ka dib.

mar marka qaar waxaa dhici karto in ay jirto dhibaatooyin dhanka -yada ah taas oo ah mid ay dhaxleen ku helay qofka.

sido kale iyo shahwada waxaa yareyn karo cudurada ku dhaca xididada xaniinyaha sida: xanuunka soomalida qaar ay u yaqanaan .

xadiga shahwada yaraato calaamadaha la socon karo waxaa ka mid ah:

1-awood dari dhanka ragganimada ah.

2- xanuun iyo barar lagu arko xaniin yaha.

3- in ay yaraato tinta jirka ka so baxdo sida garka iyo shaarbaha iyo qeebaha kale Ee jirka taas oo cadeen u noqon karto in dhibka ka jiro -yada.

hadii aad isku aragatid qaar ka mid ah calaamadahaan la xariir dhakhtarka qaabilsan xanunda Taranka.

1- Awood dari dhanka ragganimada ah.

2- Xannuun barar ama buro aad ku aragto xaniiyaha.

waxyaabaha in ay yaraato xadiga shahwada.

1- Cudurka gallaha waa barar ku yimaado xididada xaniinyaha sababana in tirada iyo tayada shahwada yaraato waana cudurka ugu badan Ee sababo dhalmo la'aanta ragga.

2- Caabuqyada ku dhaco xaniinyaha waxay yareeyaan in shahwada la soo saaro.

3- Dhibaatoyin ka jiro dhanka kacsiga sida: waxaa loo yaqaan (retrograde ej*******on) kaas oo ah in shahwado aado dhanka kaadi hesta halka ay aheed in ay ka soo baxdo xubinta taranka ragga iyo guud ahaan cudurada kale Ee sababa in kacsiga yaraado sida: sokorta iyo dhiig karka.

4- waxyaabaha yareeeyo shahwada waxa ka mid ah: marka jirka shahwada weerar ku qaado una fahmo wax banaanka ka yimaaday.

5- kansarada ku dhaco xubnaha taranka ragga waxay sababan in shahwada yaraato .

6- isku dheeli tirnaan la'aan ku timaado hormonada waxay sababtaa in shahwada yaraato.

7- Dhibaato ku imaada chromosom-yada waxay sababaan in shahwada yaraato.

8- Daawoyinka qaar waxay yareeyaan shahwada.

waxyaabaha la xariiro Ee sababo in shahwada yaraato waxaa ka mid ah.

1-warshada kiimikada dadka ka shaqeeyo waxaa la arkay in tirada shahwada yaraatay.

2-shucaacyada kala duwan ee ka yimaado meelo kala duwan ee deegaanka ah sida :qalabyda isgaarsiibta isbitaalada.

3- kuleelka gaar ahaan kuleel xad dhaafka ah ee gaaro xaniinyaha sababta xaniinyaha dibada logu soo saaray wa in ay helaan qabob.

waxyaabaha kale ee sababo in shahwada yaraato waxaa ka mid ah.

1-sigaarka
2-qamriga
3-wal walka
4-niyad jabka

Ragga qatarta ku jiro in shahwada yaraato waxaa ka mid ah.

1- Ragga sigaarka cabo

2- Ragga qamriga cabo

3- Ragga cayilka xad dhaafka ah qabo

4- Ragga qabo kansarada qaarkood

looga hortagaa shahwada yaraato

1-jooji sigaarka

2-jooji qamriga

3-ka fogaaw dawooyinka yareeyo shahwada.

4- ka fogaaw waxyaabaha sunta ku daro hawada sida kiimikaadka cayaayaanka lagu dilo

F.G

waxey ku xidhantahy waxa sababay, fadlan hadii aad isku aragatid qaar ka mid ah la xariir dhakhtarka qaabilsan xanuunda taranka.

-dheh oo gaarsii si ay uga faaideystaan.

Dr Sayid Ali

  = Waa   (Anti-inflammatory) iyo   (Immunosuppressant)Asxaab badan ayaa maalmihii la soo dhaafay ii soo diraysay su'aal...
17/06/2020

= Waa (Anti-inflammatory) iyo (Immunosuppressant)

Asxaab badan ayaa maalmihii la soo dhaafay ii soo diraysay su'aalo ku saabsan daawadaa lagu magacaabo "Dexamethasone" iyo inay sax tahay wararka sheegayo in cudurka Corona-ha ay daawo u tahay.

Sidaa awgeed waa muhiim in aad oogaataa qodobadaan :
1- Daawadaan ma ahan tallaal, loo mana qaadan karo ka hortagga cudurka Covid-19, sababtoo ah difaaca jirka ayay yaraysaa, waana daawooyinka loo yaqaano "Steroids".
2- Daawadaan horay ayay u jirtay, waxaana loo qaataa cudurrada qaar sida xasaasiyadda, cudurrada maqaarka iyo kuwa indhaha qaarkood, cilladaha is-difaacista jirka, kansarrada qaarkood iyo bararka ka dhasha caabuqyada qaar, sida dadka qaba Covid-19 kuwaasoo sambabadu bararaan kadibne qaadasahda oksajiinta dhib ku noqoto.
3- Sidaa awgeed "Dexamethasone" waxay waxtar u leedahay kaliya dadka isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 oo sambabadu bararsan yihiin oo neefsan la', laakiin qof caafimaad qaba ama qof bukaan socod ah ma qaadan karo oo dhibaato hor leh ayuu ka dhaxli karaa sida in Covid-19 u dhuglaatid.

Fadlan fariintaan, waa muhiim in bulshadu ogaato, sababtoo ah waxaa jira dad badan oo ku talinayo isticmaalka daawadaan. Wixii su'aalo dheeraad ah, fadlan ku soo gudbi qeybta comments-ka. Mahadsanidiin.

SomaliDoc.

Address

Sayidcali7890@gmail. Com
Mogadishu
252

Telephone

+252 61 5498244

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Sayid Ali Ahmed Shardi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Dr Sayid Ali Ahmed Shardi:

Shortcuts

Share