Tayo Biomed Solutions

Website Contact the practice

Tayo Biomed Solutions Tayo Biomed Solutions is a leading local distributor specializing in biomedical equipment supply, installation, and maintenance.

28/09/2026

Kalimadda agaasimaha Isbitaalka Yardimeli mudane Ibraahim Maxamed Xasan uu ka jeediyay munaasabadda daahfurka mashiinka FUJIFILM CT SCAN oo ay Shirkadda Tayo Biomed Solutions dhigtay Isbitaalka Yardimeli.

Shirkadda Tayo Biomed Solutions oo ah wakiilka FUJIFILM Healthcare Somalia ayaa Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdis...
26/09/2026

Shirkadda Tayo Biomed Solutions oo ah wakiilka FUJIFILM Healthcare Somalia ayaa Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ka daahfuray FUJIFILM CT Scan Machine, oo ah qalab casri ah oo laga keenay dalka Japan, looguna talagalay baaritaanka iyo sawir-qaadista gudaha jirka kaasoo ay keentay Shirkadda qalabka caafimaadka ee Tayo Biomed Solutions.

Daahfurka qalabkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Shirkadda Tayo Biomed Solutions ku xoojinayso adeegyada caafimaadka iyo helitaanka baaritaanno sax ah.

Shirkadda Tayo Biomed Solutions Waxay si weyn ugu mahadcelineynaa Fujifilm healthcare kalsoonida, taageerada iyo wada-sh...
25/09/2026

Shirkadda Tayo Biomed Solutions Waxay si weyn ugu mahadcelineynaa Fujifilm healthcare kalsoonida, taageerada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay Tayo Biomed Solutions.

Daahfurka Fujifilm CT ee la dhigay Yardimeli Specialist Hospital, Muqdisho, waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta adeegyada diagnostic imaging-ka iyo daryeelka caafimaadka Soomaaliya.

Tayo Biomed Solutions waxay ku faraxsan tahay inay tahay wakiilka rasmiga ah ee Fujifilm Healthcare ee Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan sii xoojino iskaashigan, isla markaana aan dalka keeno tiknoolajiyad caafimaad oo casri ah oo wax ka tari karta tayada adeegyada caafimaadka.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Fujifilm sida ay noogu garab istaageen hirgelinta mashruucan taariikhiga ah.

25/09/2026
25/09/2026
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Mariam Mohamed Hussein ayaa Isbitaalka Yardimeli e...
24/09/2026

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Mariam Mohamed Hussein ayaa Isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ka daahfuray FUJIFILM CT Scan Machine, oo ah qalab casri ah oo laga keenay dalka Japan, looguna talagalay baaritaanka iyo sawir-qaadista gudaha jirka kaasoo ay keentay Shirkadda qalabka caafimaadka ee Tayo Biomed Solutions.

FUJIFILM CT Scan Machine-ka waxaa Isbitaalka Yardimeli u rakibtay Shirkadda Tayo Biomed Solutions, oo ah shirkad ku takhasustay keenista, rakibidda iyo dayactirka qalabka caafimaadka.

Qalabkan CT Scan-ka ayaa muhiim u ah baaritaanka gudaha jirka, maskaxda, sambabada, lafaha iyo xubnaha kale ee jirka, iyadoo uu dhakhaatiirta ka caawinayo in ay helaan sawirro faahfaahsan oo lagu ogaado xaaladda caafimaad bukaanka.

Munaasabada xarigjarka waxaa ka soo qeyb galay agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradda, maamulka isbitaalka, agaasimayaasha isbitaalada dowlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo masuuliyiin kale

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Yardimeli, Mr. Ibraahim Maxamed Xasan, ayaa uga mahadceliyay shirkadda Tayo Biomed Solutions kaalinta ay ka qaadatay keenista iyo rakibidda mashiinkan casriga ah ee isbitaalka.

Qaar ka mid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, agaasimayaasha isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda daahfurka mashiinkan.

Ugu dambeyn, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Drs. Maryan Maxamed Xuseen, ayaa sheegtay in helitaanka mashiinkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka, iyadoo xustay in qalabkan casriga ah uu fursad u yahay dalka.

Daahfurka qalabkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Shirkadda Tayo Biomed Solutions ku xoojinayso adeegyada caafimaadka iyo helitaanka baaritaanno sax ah.

23/09/2026

Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa u Rakibtay Isbitaalka Yardimeli Specialist Hospital mashiinka Fujifilm CT SCAN oo laga leeyahay dalka Japan.

Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa bilaawday rakibidda Fujifilm CT Scan isbitaalka Yardimeli Specialist Hospital.Fujif...
21/09/2026

Shirkadda Tayo Biomed Solutions ayaa bilaawday rakibidda Fujifilm CT Scan isbitaalka Yardimeli Specialist Hospital.

Fujifilm CT Scan ayaa ah tiknoolajiyad caafimaad oo casri ah oo gacan ka geysanaysa baaritaanno tayo leh iyo daryeel caafimaad oo wanaagsan.




Shirkadda Tayo Biomed Solutions oo ah wakiilka rasmiga ah ee Fujifilm company (Japan)ee Somalia ayaa wadanka keentay CT ...
09/09/2026

Shirkadda Tayo Biomed Solutions oo ah wakiilka rasmiga ah ee Fujifilm company (Japan)ee Somalia ayaa wadanka keentay CT SCAN-kii ugu horeeyey ee Fujifilm.

La soco wixii cusub ....

Address

Mogadishu
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tayo Biomed Solutions posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Tayo Biomed Solutions:

Shortcuts

Share