28/06/2026
Health Week 2026 – Maalintii Koowaad 🩺✨
Waxaa si guul leh u qabsoomay maalintii koowaad ee Health Week 2026, iyadoo lagu soo bandhigay hawlo wax-ku-ool ah oo gacanta lagu qabtay, kuwaas oo muujinayay aqoonta, xirfadda iyo hal-abuurka ardayda caafimaadka.
Sidoo kale, hoolka waxaa lagu qabtay bandhigyo iyo presentations muhiim ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda aqoonta caafimaadka, isdhaafsiga waayo-aragnimada, iyo dhiirrigelinta jiilka cusub ee xirfadlayaasha caafimaadka.
Barnaamijka waxaa Xaadir aha Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muxudiin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada Jaamacadda SIMAD, Dr. Axmed Xasan, iyo Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda SIMAD -XAJSi. Omar Abdullahi Abdi , kuwaas oo muujiyay taageerada iyo dhiirrigelinta ay u hayaan horumarinta aqoonta, hal-abuurka iyo kobcinta xirfadaha ardayda.
Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo martida ka qeyb qaadatay guusha maalintan koowaad, waxaana rajeyneynaa in maalmaha soo socda ay noqdaan kuwo sii xambaarsan aqoon, hal-abuur iyo iskaashi.
SIMAD University Health Student's Association-SUHSA
Faculty of Medicine and Health Sciences-SIMAD University
🩺🌿