08/07/2025
25 Cashar Oo Aan Jeclaan Lahaa In Aan Ogaado 10 Sano Ka Hor
……………………………………………………….
1. HALGANKU WAA WAX FIICAN: Halkii aad ka baqi laheyd dhibaatooyinka nolosha, waajah oo kartidaada ku xalli.
2. HA CABAN: Cabashadu waa wakhti dhumis weyn oo dadka noloshooda saameeya. Gacan u qaad oo wax ka qabo arrimaha ku heysta, haddii ay yihiin wax aadan xallin karinna ka soco.
3. KA AG DHAWOOW DADKA AAD JECESHAHAY: Wakhti badan la qaado faamilkaaga iyo saaxiibbadaada khaaska ah. Haddii aadan faamil kuu dhaw iyo saaxiibbo khaas ah laheynna sameyso, labadaasiba waa raasamaal noloshaada oo dhan kula joogaya, halka dadka caadiga ah ee aad taqaannaa ay yihiin kuwo aad maalmo kooban wada joogaysaan.
4. NOLOSHAADA HA KU CASUUMIN QOF AADAN JECLEYN: In aad xiriir la sameysid qof aadan wax dareen ah u qabin waxa ay kugu tahay nacasnimo, oo waxa aad maalgashanaysaa wax aan muhiim kuu aheyn.
5. JIMICSI JOOGTO AH SAMEE: Jirka caafimaadka qabaa waa saaxiib ku caawinaya inta aad nooshahay oo dhan. Marka si aad farxad iyo caafimaad ugu noolaatid tamartaada iyo wakhtigaagaba u hur jirkaaga.
6. WAX WALBA OO MUHIIM KUU AH QOR: In aad wax walba qortaa k**a dhigna in aad qoraa noqonaysid, ee waxa ay ka dhigan tahay in aad la soconaysid noloshaada iyo meesha wax kuu marayaan, sidoo kalena aad xasuusnaanaysid qorshayaashaada.
7. MAHADNAQ SAMEE: Wax walba iyo cid walba oo aad la kulantid u mahadnaq, haddii ay kuu wanaagsanaayeen wey mutaysteen, haddii ay kuu xumaayeenna cashar mudan ayey ku bareen.
8. WAXBA KAAMA GELIN AFKAARAHA DADKA: Dadku waxa ay nool yihiin noloshooda gaar ka ah, adna taada ayaad nooshahay, marka dhag jalaq ha u siin waxa ay ku fekerayaan iyagu, marka aad dhimatid wax walba oo aad sameysay waxa ay noqonayaan wax masuuliyadaada ku yimid oo laguu tiiriyo, ee cidna ma tixgelin doonto afkaarihii dadka ee aad ku dhaqmi jirtay.
9. BAREER: Noloshu uma sameysna in ay wax walba fadhigaaga kuugu keento sidii wiil uu boqor dhalay, ee qaado go’aanno waxtar leh.
10. WAX AAD LEEDAHAY MAALGASHO: Nolosha waxa qura ee qofku isku halleyn dhaba ku qabi karaa waa lahaanshihiisa, ee ma ahan lahaanshaha cid kale.
11. HOGGAAMINTA LA WAREEG: Mar walba oo aad dareentid in kooxda aad ku dhex jirtaa ay is eeg-eegayso, oo midiba kan kale dhawrayo, adigu la wareeg hoggaanka, ma jiraan wax la dhaho madaxnimo, ee waxaa jira wax la dhaho go’aan qaadasho.
12. HANTIDA AHMIYAD WEYN HA SIIN: Bini aadamku wuu jecel yahay lahaanshaha iyo qaninnimada, laakiin iska ilaali in aad hantida u aragtid wax weyn oo mudnaan gaara leh, si aysan ashyaadu kuu yeelan adiga, ee aad adigu u yeelatid iyaga.
13. QOF WANAAGSAN NOQO: Dadka ha caayin, ee caawi. Wax walba oo xun oo ay geystaanna uga cududaar. Mar walbana naxariis badnoow, laakiin danahaagana xasuusnow.
14. MAALIN WALBA ARDAY AHOW: Noqo qof maskax furan oo la socda wacyiga nolosha, sidoo kalena wax ka barta khaladaadyadiisa, dadkana la sheekeysta oo waayoaragnimadooda wax ka kororsada.
15. NASO INTA AADAN DAALIN: Si walba oo aad jaceyl iyo xiiso ugu heysid waxa aad qabanaysid, haddana ogoow in aadan aheyn moobeel iska shidan ee aad aadane tahay, marka naftaada u tur, oo naso.
16. CIDNA HA XUKMIN: Dadku mar walba oo ay go’aan qaadanayaan wax ay tixgeliyaan caqabadaha heysta, waayoaragnimadooda, aqoontooda, fursadaha jira iyo mararka qaar abaal h**e. Marka ha iska dhigin sidii in aad adiga iyo dadku isku nolol tihiin, ee u ogoloow in ay si xorriyad leh u gaaraan go’aammadooda.
17. DADKA DOONISTOODA TIXGELI: Aad bey nacasnimo u tahay in aad ku dedaashid helidda wax walba oo aad rabtid, haddana aadan marna u beerjileecin dadka kale iyo rabitaankooda. Sida aad jeceshahay in laguu dareemo, dadka u dareen.
18. ABAAL LA’AAN WAX BIXI: Haddii marka aad wanaag sameynaysid aad rajeynaysid in aad wanaag kale heshid, waxa aad sameynaysaa ganacsi, ee ma sameynaysid naxariis. Haddii wixii aad bixisay aad abaalcelin ka heshid waa wax fiican, haddii aadan ka helinna waa wax kale oo fiican.
19. HA IS RAACIN NOLOSHA: Dunida waxaynu nimid iyada oo sidan ah, waxeynuna ka tegaynaa iyada oo sidan ah, casharrada ay ku taagan tahayna wey inaka waaweyn yihiin, marka waxba wakhti ha iskaga lumin ahaanshaha nolosha iyo aadanaha. Noolow nolow qurux badan, oo ku raaxeyso dunida in aad neefsanaysid.
20. KU RAAXEYSO WAXYAALAHA YARYAR: Maskaxda aadanuhu farxadda iyo qanaacada ay ka hesho helidda wax weyn, waxaa ka badan kan ay ka hesho waxyaalaha yaryar ka ah ee nolosha ka buuxa sida dhoollacaddeynta, naxariista, salaanta, kaftanka, cuntada iyo wax walba oo wakhti kooban jawigeenna saxa, laakiin caafimaadkeenna guud iyo macaanka nolosheenna qurxiya.
21. NOLOSHU WAA MADADAALO: Wax walba iyo cid walba ha u waajihin si dhab ah (serious), noqo qof si caadi ah iskaga nool, oo aan naftiisa ku ciqaabin wax awoodeeda ka baxsan.
22. HA EEDEYN DADKA: Eeddu waxa ay la mid tahay adiga oo jeedal la dhacaya qof kula jooga ama kaa fog, arrintaasna waad ogtahay in ay tahay naxariis darro, marka ogoow in dadku leeyihiin maskax, qalbi iyo nolol ay ku jaangooyaan waxa ay sameynayaan.
23. HAL’ABUUR KEEN: Waa marax in aad noloshaada oo dhan iska soo gowso weynaatid adiga oo aan hal buug ah qorin, maqaallo waxtar leh curin, hal ganacsi ah bilaabin, guur sameyn, dadka aqoon usoo gudbin, oo aan wax faa’iido ah tarin cid naftaada ka baxsan.
24. GADAAL WAXBA MA JIRAAN: Noloshaada intii tagtay wey tagtay, waxa qura ee aad gadaal ka eegi kartaana waa in aad marmar cashar ka qaadatid wixii ku soo maray, laakiin ma jiraan wax waajib ka dhigaya in aad ka fekertid tagto, tagtay.
25. FICIL SAMEE: Aqoonta, khibradda, kartida, iyo caqliga aan ficil laheyni, waxba ma dhaamaan in aadan heysan, marka dunida u bandhig cidda aad tahay adiga oo ficil adeegsanaya.
~Turjumid: ladane C xasan