16/01/2026
π BOOQASHO TAARIIKHI AH β ISBITAALKA GUUD EE DAYNIILE
π
Jimco | 16 January 2026
Maanta waxaan booqanay Isbitaalka Guud ee DAYNIILE, oo ah isbitaal fac weyn ku leh taariikhda iyo adeegga bulshada, kana mid ah ilaha ugu muhiimsan ee daryeel caafimaad ee ay ku tiirsan tahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka soo maray.
Intii aan booqashada ku jirnay, waxaan si dhab ah u aragnay horumar muuqda oo ka socda isbitaalka, ha ahaato dhinaca adeegga caafimaad, hab-maamuuska shaqada, ama dhismaha iyo ballaarinta ka socota. Adeegga loo hayo bulshada waa mid aad u tayo sarreeya, isla markaana si bilaash ah loogu adeego bukaanka β arrin mudan in la bogaadiyo lana taageero.
Qof aan isbitaalkan booqan, si dhab ah ugama sheekeyn karo heerka adeega, nidaamka shaqo, iyo horumarka dhabta ah ee maanta ka muuqda Isbitaalka DAYNIILE.
Isbitaalkani wuxuu hoy u ahaa oo ka soo shaqeeyay khubaro caafimaad iyo teamyo xirfad leh oo la shaqeeyay hayβado caalami ah sida:
MSF, PAC, UNFPA, UNICEF, CONCERN, MUSLIM AID, BAXNAANO, PSI, KING SALMAN, MERCY, ACF, iyo hayβado kale oo badan β kuwaas oo dhammaantood door weyn ka qaatay badbaadinta nolosha hooyooyinka, carruurta, iyo bulshada guud ahaan ee kasoo wada shaqeeyay isbitaalka daynile kuwo weli ka shaqeeya iyo kuwo h**e uga soo shaqeeyay.
Aniga ahaan, waan ku faanayaa Isbitaalkayga DAYNIILE iyo dhammaan aniga iyo asxaabtayda kale ee wax ku soo bartay, ku soo shaqeeyay, kana qayb qaatay adeeggiisa. Ma aha wax la ilaawi karo dadaalka iyo waxqabadka baaxadda leh ee isbitaalkani u qabtay bulshada Soomaaliyeed, inkastoo mararka qaar uu ka qarsoon yahay indhaha bulshada.
π DAYNIILE waa astaan adeeg, samafal, adkeysi, iyo horumar joogto ah.
π Waa isbitaal mudan in la garab istaago, la dhiirrigeliyo, lana amaano.
π Mahadnaq gaar ah dhammaan shaqaalaha, maamulka, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay horumarka iyo adeegga Isbitaalka Guud ee DAYNIILE.