25/07/2026
Hadii uu jirkaada ku yaryahay Vitamin B12 waxaad isku arki kartaa calaamadahaan soo socda.
1-Murqo xanuun.
2-kabaabyo iyo Mud mud Cagaha iyo gacmaha ah.
3-Xusuus yari.
4-Daal badan.
5-Wadno garaac badan.
6-lalabo
7-Socodka ood kari weydo.
Yaraanshaha Vitamin B12 waxey ka imaan kartaa.
👉Adigoon isticmaalin
1-Hilibka.
2-Ukunta.
3-caanaha.
Iyo
4-Adigoo Qaata Daawooyinka yareeya Aash*tada caloosha.
5-Hadii aad qabto dhiig yarida nuuc la dhaho prenicious anemia (waa xaalad Difaaca jirku diidaayo in Vitamin B12 laga nuugo mindhicirada oo laga faaiideysto).
6-caabuqyada Gooryaanadu sababaan Sida( Taoe worm 🪱).
7-Da'da weyn maadaama dadka Da'da ah Aash*tada calooshu ku yartahay.
Hadaba hadii aad calaamadaha kore leedahay qaado cuntada laga helo vitamin B12 aida hilibka,ukunta iyo caanaha sidoo kle waxaad qaadan kartaa kaniinayada ama sharoobooyinka multivaminska ah Ee ka kooban B complex.
LA WADAAGADA ASXAABTA INSHALLAH.