Qardho General Hospital

Qardho General Hospital Cusbitaalka Guud ee Qardho

Wargalin.Cisbitaalka Guud ee Qardho.Xarumaha uu ka socdo Imtixaanka Shahaadiga ee Qardho. Fadlan soo wac Numbaradda hoos...
31/05/2026

Wargalin.

Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Xarumaha uu ka socdo Imtixaanka Shahaadiga ee Qardho. Fadlan soo wac Numbaradda hoos ku qoran hadi Ardayda ama hawlwadeenada Imtixaanku ay u baahdaan Gurmad Caafimaad.

Tell: 0907251828
Tell: 0907736847

Mahadsanidiin.

30 May 2026 maalin Sabti ah, Maamulka, Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Cisbitaalka Guud ee Qardho waxay Sanadkii laba...
30/05/2026

30 May 2026 maalin Sabti ah, Maamulka, Dhakhaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Cisbitaalka Guud ee Qardho waxay Sanadkii labaad ka qayb Qaadanayaan bedqabka caafimaad ee ardada u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Puntland.

Bahda Cisbitaalka Guud ee Qardho oo isku duuban waxay dhamaan ardada u rajaynyaan guul iyo in uu imtixaanku ugu soo dhamaado si nabad ah.

Alla Mahadle

26/05/2026
19/5/2026 Maalin Talaado ah waxa Kormeer shaqo ku yimi Cisbitaalka Guud ee Qardho Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdullahi...
19/05/2026

19/5/2026 Maalin Talaado ah waxa Kormeer shaqo ku yimi Cisbitaalka Guud ee Qardho Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdullahi Ismacil Cisman oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Qaal iyo isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Karkaar Cabdullahi Cartan. Waxa Cisbitaalka kusodhoweyey Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr. Xuseen Muuse Nuux.

Masuuliyiinta ayaa soo kormeeray qaybaha Kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku iyo qaybta Radiology ga oo CT SCAN Casri dhowaaan ay Dowlada Puntland ka higralisay Cisbitaalka.
Waaxdan ayaa si habsami leh uwada shaqadeeda una adeegaysa Bukaanada u bahan in la saaro CT Scan.

Masuuliyiinta ayaa Maamulka Cisbitaalka ku boogaadiyey shaqada baaxada leh ee ka socota Cisbitaalka iyo sida uu ugu adeegaayo Bulshada Gobolka Karkaar.

Cisbitaalka Guud ee Qardho waa adeeg bixiyaha Caafimaad ee ugu wayn Gobolka Karkaar isaga oo looga yimaado meelo ka baxsan Karkaar.
Alla Mahadle

14/5/2026 Maalin Khamiis  ah waxa tababar loo qabtay Shaqaalaha Waaxda Bukaan jiifka ( Male and Female Ward) Cisbitaalka...
14/05/2026

14/5/2026 Maalin Khamiis ah waxa tababar loo qabtay Shaqaalaha Waaxda Bukaan jiifka ( Male and Female Ward) Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Tababarkan waxa furay Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr Hussein Muse Nouh, tababarka oo cinwaankiisu ahaa ( Ethics for Nurses and Midwives Professional Ethics Orientation Training) waxaa bixiyey Dr. Jamaal Mohamed oo ah khabiir mudo dheer ka shaqaynayay Arimaha Caafimaadka kana so shaqeyey Hay’ado Caalami ahna bare jaamacaddeed.

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho ayaa Si joogto ah tababaro ugu qabta Shaqalaha waaxyaha kala duwan ee Cisbitaalka iyada looga gol lee yahay kor u qaadida tayada aqoonta Shaqaalaha sido kale hagaajinta Adeega Caafimaadka ee uu bixiyo Cisbitaalka Guud ee Qardho.

Alla Mahadleh.

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, Hawlwadeenada Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU, iyo howlwadeenada waaxda daryeelka...
09/05/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho, Hawlwadeenada Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU, iyo howlwadeenada waaxda daryeelka Hooyada oo isku duuban ayaa soo qaban qaabiyey munaasabad Mahadcelin iyo dhiirigalin u ah Dhakhtarka Caruurta iyo dhallaanka Cisbitaalka Guud ee Qardho Dr Fayes Al Abdullahi, oo mudo Sanad ah ka shaqaynayay Cisbitaalka.

Munaasabadda waxa kaso qayb galay Maamulka Cisbitaalka Dhakhatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka iyo Shaqaalaha Waaxda Daryeelka Caruurta ee NICU.

Dr Fayes Al Abdullahi oo ka hadlay Munaasabada ayaa u mahadceliyey Maamulka Cisbitaalka iyo Shaqaalaha Waaxda Hooyadda iyo dhalaanka dhamaantood hawlwdeenada Cisbitaalka.

Munaasabada ayaa kuso dhamaatay jawi farxdeed.

06/05/2026

Maamulka Cisbitaalka Guud ee Qardho wuxu ugu bishaaraynayaa Bulshada Reer Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar in CT-Scan ka Cisbitaalka Guud ee Qardho uu si toos ah shaqadiisii u wato una adeegaayo Bukaanada u bahan Scan ka wuxuna shaqeeyaa 24/7.

Kusoodhowaada Cisbitaalka Guud ee Qardho.

24/04/2026

CT-Scan ka Cisbitaalka Guud ee Qardho

16/04/2026

Kalmadaha Qaar kamid ah Dhakhaatiirta Cisbitaalka iyo madaxqaybeedyada ee sagootinta Dr. Ahmed Weli.

16/04/2026

Kalmada Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Qardho Munaasabada Sagootinta Dr Ahmed Weli Mukhtaar oo kamid ahaa Dhakhaatiirta ka hawlgasha Cisbitaalka Guud ee Qardho oo u baxay safar Waxbarasho.

Address

Xaafadda Xorgoble
Qardho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qardho General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share