Ismail ejěý čăđé

Ismail ejěý čăđé welcome to my official page

Permanently closed.
Ma ogtahay in maalin kasta, dhiiggaagu safro 19,000 km (12,000 mayl)?.Dhiiggu wuxuu daqiiqaddii kastaba ku wareegaa jidh...
01/10/2024

Ma ogtahay in maalin kasta, dhiiggaagu safro 19,000 km (12,000 mayl)?.

Dhiiggu wuxuu daqiiqaddii kastaba ku wareegaa jidhka saddex jeer, isagoo daboolaya masaafo cajiiba. Inta lagu jiro maalintii oo dhan, dhiiggu wuxuu safra ama socdaalaa masaafo dhan 19,000 kiiloomitir (12,000 mayl).

Tani waxay ku dhowdahay laba jeer masaafada dhexroorka dhulka oo ah 12,756km. Sidoo kale waa qiyaasta afar jeer masaafada Maraykanka lagu kala maro xeeb ilaa xeeb.

Wareeggan joogtada ah ee dhiiggu wuxuu muhiim u yahay gaadhsiinta ogsijiinka iyo nafaqooyinka unugyada, iyo ka saarida qashinka jidhka, tani ayaa muujinaysa waxqabadka la yaabka leh ee nidaamka wareega dhiigga aaddanuhu leeyahay.

~Dr. Ismail abdi Ali ( Eejey ) ~

Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn karaa. Marka aad sonk...
30/08/2021

Sonkorow/macaan waa cudur nolosha oo dhan haya qofka oo aan la daweyn karin, laakiin waa la xadeyn karaa. Marka aad sonkorow macnaheedu waxa weeye jidhkaaga ayaa dhibaato ka haysaataa sidii uu u isticmaali laha tamarta ka timaada cuntooyinka aad cuntid. Tamartaasi waxay ka timaadaa dhamaan cuntooyinka ay ku jiraa karbohaydaraytka (daqiiqlayda iyo sonkoraha), borootiinta iyo dufanka. Ka dib marka aad cunto cuntid, wax cuntada loo beddelaa gulukoos taasoo ay unugyadaadu u isticmaalaan shidaal ahaan.
Waxa muhiim ah in aad xusuusnaatid in karbohaydraytku ay saameynta ugu weyn ku leeyihiin heerarka gulukoosta. Marka aad qabtid sonkorow, jidhkaaga waxa dhibaato ka haysataa sidii gulukoosta looga wareejin lahaa dhiiggaaga ee lagu wareejin lahaa unugyadaada. Taasi waxay sababaysa in heerka gulukoosta ku jirta dhiiggaaga ay sare u kacdo.
Gulukoosta dhiiggaaga oo aad ka dhigtid heer caadi ah intii suurogal ah waxay kaa gargaari kartaa in aad dareenti wacnaan iyo inaad heshid tamar dheeraad ah. Xadeynta fiicani waxay kale oo ay kaa gargaari kartaa in aad ka baxsatid dhibaatooyin ku dhaca indhahaaga, wadnahaaga, kelyahaaga, dareemeyaasha iyo xididada dhiigga.
FADLAN LIKE & IYO SHARE INOO DHEH KADIB FLOW INOO RAACIYQ

TALO CAAFIMAAD FADLAN LIKE & SHARE Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu ye...
21/08/2021

TALO CAAFIMAAD FADLAN LIKE & SHARE
Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu yeelo cuntooyinka aannu isticmaalno.

Dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah.

Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, fanguska iyo iyadoo jirka sunta ka saarta.

Faa’iidooyinka caafimaad ee lagu tilmaamay toonta waxaa ka mid ah.

1- Jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo jeermiska.

2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu darsado malab.

3- Dhiig-karka ayay u fiican tahay waana dejisaa.

4- Kaadida ayay socodsiisaa, iyadoo furta wadooyinka ay marto.

5- Hargabka way ka hortagtaa.

6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay.

7- Qufaca way joojisaa.

8- Kansarka ayay la dagaalantaa, illaa xad.

9- Gooryaanka ayay dishaa.

10- Qofka caradiisa way yaraysa.

11- Maskaxda ayay u fiican tahay.

12- Ciridka iyo ilkaha way xoojisaa.

13- Awoodda galmada ayay badisaa.

14- Madax xanuunka waa u dawo.

15. Finanka wajiga ay baabi’isaa.

Dadka wadna-xanuunka qaba talada ugu habboon ee la siin karaa waa calalinta (In uu calashado) afar ilaa shan xabbo oo toon ah marka oo wadna-xanuun ku soo boodo, taas oo ka badbaadin karta in wadnuhu istaago, gurmad caafimaadna loo raadiyo.

QAAXADA QARSOON – KHATAR QARSOODI AHQaaxada (TB) waa cudur halis ah oo saameyn ku yeelan kara qof kasta. Waxaa sababa ba...
10/08/2021

QAAXADA QARSOON – KHATAR QARSOODI AH
Qaaxada (TB) waa cudur halis ah oo saameyn ku yeelan kara qof kasta. Waxaa sababa bakteeriyada qaaxada, kaasoo dadka kale ku faafa markii qof qaaxo ku qaba sanbabbadooda hadlo, qufaco ama hindhiso.

Haddii aad neefsato bakteeriyada qaaxada, hal ka mid ah saddex waxyaalood ayaa dhici doona:

Jirkaagu wuxuu dili doonaa bakteeriyada ka hor inta aanay waxyeelo keenin
bakteeriyada qaaxada ayaad ku jirraneysa - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Firfircoon '
bakteeriyada qaaxada ayaad jirka ku sidi kartaa laakiin kuma jirran doontid - tan waxaa loo yaqaan 'Qaaxada Qarsoon'.
Qaaxada Firfircoon:
Haddii aad qabtid qaaxada firfircoon, waxaad dareemi doontaa xanuun aad u daran waxaana qaaxada u gudbin kartaa dadka kale. Calaamadaha caadiga ah waxaa ka mid ah qufac, xummad, dhidid habeenkii, miisaan lumis, gaajo la'aan iyo daal. Qaaxada firfircoon waxaa lagu daaweyn karaa antibiyootiko.

Jimco wngsn asxabta ku Taxan page kayga  Jimco wngsn maalin wangsn....... .....
06/08/2021

Jimco wngsn asxabta ku Taxan page kayga
Jimco wngsn maalin wangsn....... .....

Cuncunka maqaarka jirka maxaa sababi kara ogowWaxaad isku arkaysaa mararka qaarkooda cuncun aan caadi ahayn markaad eegt...
03/08/2021

Cuncunka maqaarka jirka maxaa sababi kara ogow

Waxaad isku arkaysaa mararka qaarkooda cuncun aan caadi ahayn markaad eegto maqaarka jirka siiba meelaha gudaha sida cajiraha caloosha dhabarka xubnaha taranka waxaa su’aal mudan

maxaa keeni kara cuncunka maqaarka jirka?

Waxay u noqonayaan waxyaalo badan waxaa ka mid xasaasiyad inaad ka qaaddo waxyaalaha qaarkooda si cowska ama jawiga ama boorka dhulka sidoo kale inaad ku seexato firaash wasakh ah ama xoolaha haragooda inuu jirkaaga soo gaaro, cuntooyinka qaarkooda waxay sabab u noqon karaan inaad dareento cuncun daran oo aadan la seexan karin, marmar waxaa dhici karta inay isu baddalaan nabro dhiig yeelanay ama finan, si kastaba waxaa haboon markaad aragto waxyaalahaas oo kale inaad nadaafad la timaado oo aad si fiican u qubaysato oo aad saabuun ku dhaqdo haddii uu joogsado waa sida la rabay haddii uu sii sacdo waxaa haboon inaad is baarto oo aad dhaqtar u tagto.

Haddaba sideen caafimaadka wadnaheenna ku ilaashan karnaa? Ka fogoow cabidda SigaarkaKa fogoow cabidda KhamrigaMiisaanka...
29/07/2021

Haddaba sideen caafimaadka wadnaheenna ku ilaashan karnaa?

Ka fogoow cabidda Sigaarka

Ka fogoow cabidda Khamriga

Miisaankaaga ilaali (hilibka iska ilaali)

Cuntooyinka aad isticmaaleysid khudaar ha u badato

Cunnooyinka dufanka leh iska yaree

Ugu yaraan maalinti dhowr jeer khudaarta isticmaal

Khubarada daraasadda sameeysay waxaa kale oo ay sheegeen inta ay baaritaanka ku guda jireen dad gaaraya 2 milyan oo qof oo baaritaan sameeyey in 78% ka mid ah wadnahooda uu da'da ay jiraan uu ka hor gaboobay.

34% dadkaasi wdnahooda 5 sana ayuu ka weyn yahay, halka 10% uu wadnahoodu uu ka weyn yahay 10 sano.

Dalka Britain oo keli ah sanad walba waxaa wadna xanuun ugu dhinta 84,000 oo qof. FADALAN ADIGOO MAHADSAN LIKE & SHARE
CASHARO QURUXBADAN GOORDHOW IGA SUGA....

FADLAN LIKE & SHARE INOO dhaha si uu asxaab wanagsan u gaaro  goor  dhow muuqaalo cusub ayaa so galin doonaa fadlan ila ...
12/07/2021

FADLAN LIKE & SHARE INOO dhaha si uu asxaab wanagsan u gaaro goor dhow muuqaalo cusub ayaa so galin doonaa fadlan ila saaxib mahadsanidiin

Address

Mugdisho Somali
Somali
619016763

Telephone

+252619016763

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ismail ejěý čăđé posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Ismail ejěý čăđé:

Shortcuts

Share

Category