Muhsin Yahye

Muhsin Yahye Soodhawada Dhamaan Cidkasta Oo Rabta Cawimaad Laxiriirta Arimaha Cafimaadka Gaar ahaan
1- Nafaqada

canbuulada  ama Digirta Cas Digirta Waxa ku badan Fiberka Iyo Fitamiino Caafimaad ka u wanaagsan waxayse keeni kartaa Kh...
12/11/2021

canbuulada ama Digirta Cas
Digirta Waxa ku badan Fiberka Iyo Fitamiino Caafimaad ka u wanaagsan waxayse keeni kartaa Khatar Caafimaad hadaanad si fiican u bislayn, Waxa ku jira dufan loo yaqaan (phytohemaglutinin)
saliida ku jirtaana aad ayay u adagtay inay bislaato.

Waxa kale oo ku jirta Sunta loo yaqaano
(ensaymes trypsin) Taas oo keenta inaanay ushiidmin siwanaagsan markay caloosha tagto.

Inta aanad karin Digirta waa inaan biyo ku radisaa kuna daysaa ilaa iyo 12 saacadood.

Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato ya...
19/10/2021

Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:

Xajiin hawada ka dhalata sida faxalka, caaryada, dufta xayawaanka ama boorka.

Xajiinta taabashada sida birta, dheeha ama kiimikooyinka.

Xajiinta cuntada sida ukunta, looska, caanaha, digaaga ama kaluunka shellfish.

Xajiinta daawooyinka laga qaado.

Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.

Calaamadaha

Dadku waxay kala lahaan karaan calaamado kala duwan oo isku xajiin laga qaaday.
Nooc kasta oo xajiin ah wuxuu keeni karaa finiinicyo ama jirka oo casaada iyo dhibaato neefsashada ah.

Yuu ku badan yahay Allerjiga?

Xajiinta ama allerjiga wuxuu ku dhici karaa dad aad u badan laakiin waxaa jira dad xasaasiyadoodu sarayso oo afka qalaad lagu yiraahdo "Atopy" oo macnaheedu tahay qofka hidda socodkiisa ama dhaxalkiisa ayuu ku jiraa inuu xajiimoodo waxaana dadkaas ku badan cudurro badan oo xajiinta laga qaado sida: Neefta ama Xiiqda, Sanboorka, Cuncunka maqaarka ama Eczema iyo kuwa kalaba, Haddii aad cudurradaas mid ka mid ah aad qabto kuwa kale way kuu sahlan yihiin inay kugu dhacaan.

Calaamadaha kale waxay ku xirnaan karaan sababta xajiinta.

Xajiin faxal, caaryada, dhogorta xayawaanka ama boorka

Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur.

Cadaadis sanka fuula.

Hindhiso.

Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan.

Cune cun-cun ama qufac.

Dheecaan fara badan.

Dhadhanka oo qofka ku yaraada ama wax urinta.

Madax xanuun.

Xajiinta taabashada laga qaado

Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan.

Bararid.

Xajiinta cuntada laga qaado

Lalabbo ama matagid Calool xanuun ama casiraad.

Shuban.

Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur.

Cune cun-cun ama qufac.

Barar ku yimaada afka dhinacyadiisa ama wax liqidda oo dhib noqota.

Daryeelkaaga

Ka fogow waxyaabaha calaamadahaaga uga sii daraya. Baaritaan maqaarka ama dhiigga ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo hubiyo xajiinta.
Waxaa laga yaabaa in aad u baahato daawooyin si lagaaga daaweeyo xajiinta.

Isbitaalka aad haddii aad isku aragto:

Saameyn liddi ah oo lama filaan ah oo daawada kaaga timid.

Calaamadaha ka sii dara ama kaa celiya in aad hawlahaagii caadiga ahaa qabsatid.

Qandho ka sarraysa 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.

Aargoosatada ayaa ah il aad u weyn oo ah (selenium ) sidoo kale waxaa ku jira (omega-3 asiidh dufan ah). Waxay na naga  ...
17/10/2021

Aargoosatada ayaa ah il aad u weyn oo ah (selenium ) sidoo kale waxaa ku jira (omega-3 asiidh dufan ah). Waxay na naga caawin karta cunisteedu kahortagga cudurka tayroodh, dhiig -yaraan. Aargosatdu waxay qani ama door muhiima ka qadan karta ilaha ugu muhiimsan ee borotiinka cuntada.

F.G hadii aad qabto xanuunka cholesterol ha cunin .

17/10/2021
FADLAN JOOJI ISTICMALKA BADAN ee Antibiotics Dhowaanahan, dhakhaatiirta way joojiyeen in bukaannada la siiyo antibiotics...
15/06/2021

FADLAN JOOJI ISTICMALKA BADAN ee Antibiotics

Dhowaanahan, dhakhaatiirta way joojiyeen in bukaannada la siiyo antibiotics, haddii aysan ahayn muhiim. Haddii muddo dheer la adeegsado, waxay dhaliyaan saameyn xun iyo caafimaad darro kale, waxayna saameeyaan hannaanka difaaca jirka, waxaada u adkeysan doono jeermiskii lagula dagaallamayay.

8 cunto oo dhibaato wayn ku ah hannaanka difaaca jidhkaagaWaxa aad cunto waxay saameeyaan dareenkaaga iyo sida jirkaaga ...
12/06/2021

8 cunto oo dhibaato wayn ku ah hannaanka difaaca jidhkaaga

Waxa aad cunto waxay saameeyaan dareenkaaga iyo sida jirkaaga u shaqeynayo.

Cuntooyiinka leh nafaqada iyo borotiinnada wanaagsan waxay u fiican yihiin difaaca jirka, balse kuwa ay borotiinnada ku yaryihiin waxay curyaamiyaan sida jirka isu difaacayo.

Warbixintan waxay soo koobeysaa 8 nooc oo cunto ah oo daciif ka dhiga hannaanka difaaca jidhka (immune system):

Sokorta badan

Shaki kuma jiro, haddii aad yareyso xaddiga sokorta ee aad cunto, in hannaanka difaaca jidhkaaga iyo sida uu u shaqeeyo ay xoogeysanayaan.

Cuntooyiinka sare u qaada heerka sokorta jirka ee lagu daray macaanka badan, waxay soo saaraamn borotiinno aan wanaagsanayn sida Tumour oo keeni kara kansar.

Cilmi baaris la sameeyay oo laga qeybgeliyay 562 qof, waxaa lagu ogaaday in dadka sokorta badan cuna in shaqada hannaanka difaaca jirka ay aad u yaraato, ka dibna ay daciif u noqdaan weerarkasta oo fudud oo caabuq ama fayras kaga yimaada.

In aad yareyso sokorta aad cuneyso iyo cuntooyiinka macaanka ah sida jallaatada, keega, nacnaca, iyo wixii la mid ah, waxay u wanaagsan tahay caafimaadkaaga guud, waxayna xoojineysaa in jirkaaga uu is difaaco.

Cuntooyiinka cusbada badan leh

Cuntooyiinka cusbada badan leh sida jibsiga, iyo kuwa fudud, waxay curyaamiyaan difaaca jidhka. Waxayna sababi karaan xanuunno ku dhaca xuubka iyo maqaarka.

Cusbada waxay dhex degtaa difaaca jidhka iyo sida uu u shaqeeyo, waxay sababtaa xanuuno, waxayna dhib u geysataa bakteeriyada wanagsan ee caloosha.

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in cusbada badan ay sidoo kale keento dhiig la’aan ba’an oo ku dhacda qofka, taas oo keentay in jirka oo dhan uu daciif noqdo.

Haddaba yareynta cusbada iyo cuntoyiinka ay ku badan tahay, waxay fa’iido badan u leedahay caafimaadkaaga.

Cuntooyiinka ay ku badan tahay dufanka omega-6

Jirkaaga wuu u baahan yahay omega-6 iyo omega-3, labadaba, si uu u shaqeeyo.

Balse waxaa jiro cuntooyiin badan oo lagu badiyay omega-6, laguna yareeyay omega-3. Isu dheellitirnaan la’aantaas waxaa lala xiriiriyay cuduro halis ku ah hannaanka difaaca jidhka.

Sida lagu sheegay cilmi-baarisyo badan, waxaa aad u wanaagsan in la isu dheellitiro borotiinnada iyo fitamiinnada kala duwan ee cuntooyiinka laga helo.

Taa micneheedu wuxuu yahay in aad cunto raashiinka laga helo omega-3 sida kalluunka lowska iyo dalagyada qaar waa in aad cuntaa.

Sidoo kale waa in aad ku lamaanisaa kuwa leh omega-6 sida saliidda galeyda, digirta iyo saliidda laga sameeyo gabaldayaha.

In aad badsato omega-3 oo aadna si yar u cunto omega-6, waxay xoojineysaa hannaaka difaaca jidhkaaga.

Cuntooyiinka la shiilay

Cuntooyiinka shiilan aad ayey u badan yihiin, waana macaan oo qofkastaa jecel. Shiilidda waxay sameysantaa marka sokorka cuntada ku dhex jirta iyo borotiinka ay isla falgalaan, xilli dab aad u kulul lagu shidayo – Waa qallajin.

Haddii ay cuntooyiinkaas aad ugu bataan jidhkaaga, waxay sababi karaan falcelin xanuun ah iyo dhibaato soo kaarta unugyada.

Cilmi baarayaasha waxay aaminsan yihiin in cuntooyiinka noocan ah ay sare u qadaan halista uu qofka ugu jiro mllaariyada, cudurada dheef-shiidka, noocyada qaar ee kansarka iyo wadne xanuun.

In aad joojiso ama iska yareyso cuntooyiinka shiilan sida jibsiga, hilibka, buskeetiga iyo xitaa kalluunka la shiilay, waxay kaa cawineysaa caafimaad aad u wanaagsan.

Hilibka la warshadeeyay e la soo gubay

Si la mid ah cuntooyiinka shilan, hilibka la warshadeeyay ee aadka loo dubay, waxaa ku badan maadooyiin u xun caafimaadka.

Hilibka warshadeysan waxaa sidoo kale ku badan dufinta aan caafimadka u fiicnayn. Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in ay arrintaas dhib wayn ku tahay hannaanka difaaca – waa haddii aan la isu dheelli tirin dufankaas.

Sidoo kale, hilibka warshadeysan waxaa lala xiriiriyay cudurro uu ka mid yahay kansarka xiidmaha caloosha.

Cuntooyiinka lagu daray kiimikada – si ay muddo u yaallaan

Waxaa jiro cuntooyiin badan oo lagu daro maadooyiin loogu talagalay in ay kordhiyaan muddada uu raashiiskaas yaalli karo. Waxaa ka mid ah hilibka aadka loo warshadeeyay. Haddaba aad ayay ugu xun yihiin caafimaadka jirka.

Tusaale ahaan, maadooyiinka qaar oo saliid ah ee lagu daro cuntooyiinka la warshadeeyo, waxay dhib u geysan karaan bakteeriyada wanaagsan ee caloosha, waxay sameysaa dahaarka caloosha, dhammaan waxaadna waxay sababi karaan in difaaca jidhka uu howlgab noqdo.

Cuntooyiinka leh carbohydrate-ka ee aadna loo sifeeyay

Cunidda cuntooyiinka leh maadada karbohaydrayt oo ad loo sifeeyay sida rootiga burka cad ah iyo raashiinka lagu dubay sokorta waxay dhaawac gaarsiin karaan hannaanka difaaca jidhka.

Waa cuntooyiin sababa in ay sare u kacdo sokorta dhiigga ku jirta iyo heerka Insulin-ta. Taasna waxaa ka dhalan karo in ay sameysman borotiinno aad u dhib badan sida CRP.

Sidoo kale waxay dhinbaato ku noqon karaan caloosha. Balse in aad cunto qudaarta, qamadiga iyo dalagyada kale, oo aad ka fogaato kuwa leh karbohaydraytka waa arrin aad u wanaagsan oo caqli ku saleysan.

Cuntooyiinka qaar ee dufanka badan

Cunto aad ugu badan saliidda iyo dufanka, waxaa lala xiriiriyay caafimaad darro. Waxaa ka dhasho farriimo falcelin ku yeesha jidhka, dhibaatana u geysna hannaanka difaaca.

Sidoo kale waxay dhaqaatiirta sheegeen in ay dhibaato wayn ku noqoneyso caloosha iyo dheef-shiidka, dahaarka caloosha – waxayna sare u qaadi kartaa caabuqyada caloosha ku dhaca.

Haddaba talada ugu wanaagsan waa in aad isu dheellitirto cuntooyiinka dufanka leh iyo kuwa dhexeba

Talada ugu wanaagsan

Waxaad gacan ka geysan kartaa in hannaanka difaaca jidhkaaga uu xoogeysto, adigoo wax ka bedelaya qaabka noloshaada iyo waxa aad cunto.

Taa micneheedu wuxuu yahay in yaraynta cuntooyiinka fudud ee haddana caafimaadka u daran iyo badsashada qudaarta iyo kalluunka, waxay xoojinayaan caafimaadkaaga iyo sida jirkaaga isaga difaaco cudurrada

https://youtu.be/nA10WdyV5FM
10/05/2021

https://youtu.be/nA10WdyV5FM

runti waa qiso mudan in lagu cubro qaato, fadlan waxaan kaaa codsanaya inaad share dhahdo , aad gaarsiiso cidkasta oo kuu dhow si ay waxa oga bartaan nolosh...

10/05/2021

xanuun oo ku cibra qadasho mudan /hooyo iyo wiilkeda / kusabsan

President  of faderal  republic  Somalia  MOHAMAD FARMAAJO  / received covx vaccine this morning as the leader of a grou...
16/03/2021

President of faderal republic Somalia MOHAMAD FARMAAJO / received covx vaccine this morning as the leader of a group of 300,000 volunteers who will receive the vaccine this week.
We urge the Somali community to get vaccinated to protect themselves from the scourge of covid19

11/03/2021

Qaabka aan kaga hortagi karno covid19

Fadlan faafi oo gaarsi walalaha Somaliyed si ay oga faideystaan fariintan cafimaad

By : walaalki muhsin kasim yahye

  xaniinyo in ay kala waynaadaan waa arrin caadi ah oo dhacdo mana ahan xanuun ama jug gaartay waa arrin ku aadan xagga ...
30/10/2020

xaniinyo in ay kala waynaadaan waa arrin caadi ah oo dhacdo mana ahan xanuun ama jug gaartay waa arrin ku aadan xagga korriinka.

Laakiin waxaa jiri karo cudurro kala wayneysiin karo labadaba xiniinyo laakiin waa in ay la socdaan calaamdo kale oo tilmaami karo in xanuun jiro sida: xanuun, daqnasho, barar ama dareen burtuqyo ku samaysma qooraha korkooda iyo waxyaalo kale oo awal aadan horay u dareemi jirin oo aad dareentid.

Waxyaabaha kale oo xiniinyaha kala yarayn karo waxaa ka mid ah in xiniin ay jirato markaasne ay baaba'do taasoo ka dhalan karto badanaa infekshan ku dhaco sida jabtada iyo wax la mid ah.

Laakiin sida caadiga ah labada xiniin way kala waynaan karaan, labada qoorane way kala dheeraan

Address

Dhaka

Telephone

+8801821901991

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Muhsin Yahye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Muhsin Yahye:

Share