01/09/2026
🩸 Kaadi Dhiig, xitaa hal mar Waa calaamad halis ah!
Dhiigga kaadida ku jira waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan Hematuria. Kaadidu waxay noqon kartaa casaan/ gaduud, gaduud khafiif ah, bunni/ madow. Mararka qaar dhiigu indhaha laguma arkikaro, waxaana lagu ogaadaa baaritaanka kaadida.
Sababaha keeno waxaa ka mid ah:
* Caabuqyada kaadi mareenka
* Dhagaxaanta kelyaha iyo kaadi mareenka
* Qanjirka Ragga ee prostateka oo weynaada
* Dhaawac ama cudur ku dhaca kelyaha
* Burooyinka kelyaha iyo kaadi haysta sida; kansarka Kelyaha, Kansarka kaadiheysta, kansarka prostateka iwm.
⚠️ Dhiigga kaadidu mar walba kansar ma aha, balse waa muhiim in dhakhtar uu xaqiijiyo sababtiisa xitaa haddii:
* Uusan xanuun lasocon
* Dhiiga yar yahay
* Hal mar keliya uu kaayimid kadibna uu joogsaday
Markuu noo yimaado bukaan kaadi dhiig leh waxaa usameynaa baaritaanada kaadida, dhiiga, iyo iskaanada ultrasound ama CT-scan, mararka qaarna Kaamira ayaa gelinaa si aan uxaqiijino waxa kajira kaadi haysta (Cystoscopy) iyadoo ku xiran hadba da’da iyo calaamadaha uu noola yimaado bukaankeena.
🚨 Waxaa muhiim ah in aad Isbitaalka si degdeg ah u tagtid haddii dhiiggu badan yahay, xinjiro lasocdaan, kaadidu kaa imaan weyso, ama aad isku aragtid kaadi dhiig + qandho iyo xanuun daran oo dhabarka ama dhinacyada caloosha ah.
Ma taqaannaa qof dhiig kaadidiisa ku arkay kadibna iska dhaafay ee aan wax dadaal ah sameyn?
La wadaag qormadan
Dr Adnan Abdallah
Urologist & Andrologist