Dr-Abdourahman Abdourashid,MD

Dr-Abdourahman Abdourashid,MD Somali, Medical Doctor, Clinician,Humanitarian worker, better health and education advocy towards underserved,resource limited and low income Communities.

My Decade ' Doctor's Journey of Hope and Healing'.maqaalkani wuxuu ka hadlayaa soo koobidda  tobanka sanno ee aan cilmig...
18/02/2022

My Decade ' Doctor's Journey of Hope and Healing'.
maqaalkani wuxuu ka hadlayaa soo koobidda tobanka sanno ee aan cilmiga caafimaadka ku jiray.
maqaalkani wuxuu iftiiminayaa dhibaatooyinka iyo carqalada ka jira caafimaadka wadanka sidoo kale wuxuu dhiirigalin u yahay dhalinta dhigata cilmiga caafimaadka.
walaw uu luuqada ingiriiska ku qoran yahay hadana waxaan rajaynayaa inaad wax badan ka fahmi doontid.
waxaan rajaynayaa in meelo kale oo caalami ah lagu daabici doono hada se waxaad ka akhrisan kartaa
websitekayga ;-https://drabdourahman.blogspot.com/

Linkinkayga;-https://www.linkedin.com/in/dr-abdourahman-abdourashid-587b5a202/

https://drabdourahman.blogspot.com/2022/02/my-decade-doctors-journey-of-hope-and.html

N.B Since this month was the conclusion of my 10 years in medicine career (2012-2022) , this article is highlights personal struggles an...

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fi...
10/10/2021

Dunida waxa maanta laga xusayaa maalinta cudurka dhimirka, soomaliya waxay ka mid tahay dalalka aanu ka jirin daryeel fiican oo caafimaadka maskaxda ah. Kalkan waxaan ku soo gudbinaynaa qormo kooban oo ka hadlaysa caafimaadka maskaxda.

“Maanka/maskaxda caafimaadka qabta” Waa marka uu qofka gaaro heer uu
ogyahay waxa karaankiisu yahay, marka uu maareyn karo daruufaha nolosha ee caadiga ah, uuna wax u qaban karo naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay.
Si qofka uu ugu noolaado nolol tayo leh waxaa muuhiim ah in uu la socdo xaalada caafimaad ee uu maankiisa ku suganyahay iyo inaanbarano sida aan u ilaalin laheyn caafimaadka maankeena.
Soomaali haddaan nahay , marka aan ka hadalno caafimaadka maskaxda waxaan ka fekernaa qofka waalan oo keliya. Marka qofku gaaro heerka waallida waa heerka ugu dambeysa uguna xag jirta xanuunada ku dhaca maskaxda. Marka waxaa muhiim ah in aan diiradda saarno sidii aan u maareyn laheyn caafimaad qabka maskaxda
Calaamadaha lagu garto marka qofka caafimaadka maskaxdiisu fiican tahay waxaa ka mid ah:
1. Kartida wax barasho
2. Kartida in wax la dareemo, laga hadlo lana maareeyo dareemada kala
duwan ee nolosha.
3. Kartida in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale
4. Kartida in la aqbalo in nolosha sida la rabo aanay mar walba noqoneyn.
5. Waxay xamili karaan baahida nolosha iyo dhibka la soo gudboonaada.
6. Go’aamadoodana iyaga ayaa gaari kara
Somaalida waa bulsho isku xiran, istaakuleysa, wada xiriirta isna garab taagan.
dhaqamadaasna waa kuwo horumariya caafimaadka maanka.
Ka qayb qaado kobcinta cafimaadka maskaxdaada:
1. Ka hadal dareenkaaga: Marka qofku uu ka hadlo waxa uu dareemaayo,
waxey ka caawisaa in caafimaadka maankiisu uu xoogsado iyo in uu wajaho dhibaatooyinka soo foodsaaray.
2. Jimicso: Jimicsiga waxuu qofka u fududeeyaa in uu helo hurdo, dareemana jawi fiican.
3. C**to tayo leh Cun: C**to dheelitiran waxa ay u fiicantahay caafimaadka jirka iyo ka maskaxdaba.
4. Caawinaad weydiiso: Haddii aad dareentid in xaaladda kugu soo
wajahantay ay tahay mid aadan maareyn kareynin caawinaad weydiiso.
Waxaa laga yaabaa in qoyskaaga ama asxaabtaada ay kaa caawiyaan.
5. Jawiga Badalo: Daqiiqado gaaban ayaa kuu noqon kara wax aad ku
nafistid. Naftaadaa waqti u gaar ah sii.
6. Ku qanac qofka aad tahay: Kalsoonida waxa ay kaa caawineysaa in aad
dulqaad u yeelato marxaladaha adag ee nolosha.

Asalamu Calaykum Dhamaantiin.Soo Dhawaada Dhamaan 13,500 Followers ee ku xidhan boggayga Facebook. Magacaygu Waa Dr-Abdo...
03/09/2021

Asalamu Calaykum Dhamaantiin.
Soo Dhawaada Dhamaan 13,500 Followers ee ku xidhan boggayga Facebook. Magacaygu Waa Dr-Abdourahman Ahna dhakhtar ku takhakhusay xanuunada guud kana hawl gala wadanka gudihiisa.
waxaan halkan ku soo gudbin doonaa barnaamijyo caafimaad oo wacyigalin ah, La talinta bukaanada, iyo Su,aal kasta oo caafimaadka ku saabsan.
Sidoo kale waxaan bogan talooyin ku siin doonaa ardayda soomaaliyeed ee hadaku gudo-jirta barashada kuliyada caafimaadka.
Ku Xidhnow bogan siina share garee si ay dad badani uga faaidaystaan.

waxaad sidoo kale nagala socon kartaaan Instagramka https://www.instagram.com/drabdourahman/

Waakan qaybtii labaad eed sugayseen ee mawduuceenii xanuunka gaaska.Qaybtani waxay ka hadlaysaa sida loo daweeyo xanuunk...
17/01/2020

Waakan qaybtii labaad eed sugayseen ee mawduuceenii xanuunka gaaska.
Qaybtani waxay ka hadlaysaa sida loo daweeyo xanuunka gaaska iyo cuntooyinka u fiican qofka gaaska qaba.

Fadlan share garee si ay u gaadho dadka la dhiban xanuunkan gaaska.

Daawaynta Gaaska.

Si loo daweeyo dhibaatooyinkii uu keenay iyo calamadaha uu qofku dareemayo.
Waxaana kamid ah dawoyinka .
Omeprazole/ lansoprozole/ eprix/ dompridone/ aluminum sulfate/ misoprostol/ metronidazole/ iyo kuwo kale.

fiiro gaar ah

Dawooyinkaan waxa ay isugu jiraan kuwo bacteriyada gaaska lagula dagaalamo, kuwo xoojiya/ kuwo dhaawaca caloosha yareeya/ iyo kuwo dhecaanada dheefshiidka yareeya.
Markii uu qofku dawooyinkaan qaato oo uu ka bogsoodo gaaska hadii uu sii wadao dawadii waxa uu la kulmi karaa xaalado ay sababeen dawooyinka waxaana kamid ah.
Xanuun lafaha ah oo ku bilaabta qofka dawada gaaska waqti dheer wada
Dheecaanka dheefshiidka oo yaraada.
Iyo hurdo laaan.
Si xaaladahaan looga gaashaanto qofku marka uu ku caafimaado dawada gaaska waa in uu joojiyaa taa badalkeedana si uusan ugu soo laaban sidaan sameeyaa.

C**tada koobaaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal toon maxaa yeelay toonta waxa ay awood u leedahay burburinta bacteriyada iyo fungalka.
Si aad ahna waxa ay ugu wanaagsantahay bacteriyada gaaska keenta ee (h.pylori)
Waxaa laga yaabaa in aadan isku taxalujin laakiin waa dawo si fudud aad u isticmali karto aadna u yareyn doonta gubashada qalbiga iyo boga.
Marka h**e qolofta toonta qaado oo ha iska badin wax yar rug sidaa ku wad kadib maalmo kordhi oo wax yar jabso kadibna joogtay insha allah waad ka guulaysandoontaa gaaska.

C**tada labaad ee gaaska lagu daweeyo.
Isticmaal dawooyinka bogsiiya dhaawaca caloosha yareeyana calamadaha gaaska.
Waxaa kamid ah
Sanjabiil waliba nuuca qoyan ee meelaha dawooyinka dabiiciga ah lagu gado taalaa .
Tufaaxa la shiiday ee cabitaanka loo diyaariyay
Sacafaraanka qudaarta lagu kalar badalo.
Cananaaska nuuciisa aan la shiidin ee qudaarta ah
Karootada cabitaan ahaan oo la badsado
Caleenta cagaaran ee shaaha.
Sidaa oo kale wax aaad isticmaali kartaa cuntada uu fitamin A ku badanyahay
Sida beerka, begelka, karootada, sabiibka iyo kuwo lamid ah
Maxaa yeelay fitamin A waxa uu muhiim u yahay shaqada caloosha iyo soo kabashada dahaarka caloosha.

C**tada sedaxaad ee gaaska.
Ka fogaaw cuntada ama cabitaanka kugu kiciya calaamadaha gaaska.
Dadka qaar waa ay garanayaan waxa ku kiciya gaaska hadana iskama deynayaan taasina waa mushkilo uu qofku keensanayo hadana uu xanuunkii kacabanayo.
Hadii aadan aqoon nuuca cunto kugu kiciya waa ay fududahay garashadiisa.
Ilaa labo isbuuc qor cuntada ama cabitaanka aad isticmaashay iyo saacada aad isticmaashay habeen iyo maalin kadibna qor xiligiga aad calaamadaha dareentay .
Kadib qiyaas xariirka ka dhaxeeya cuntadii aad isticmaashay iyo calaamadaha aad la daristay.
kadibna xaqiiji cuntada kugu keentay markalena ha isticmaalin.
Tusaale: baasto ayaad basbaas ku cuntay kadib saacado waxaad aragtay kuleel badan iyo wadna garaac, waad xaqiiqsan kartaa waxa kugu keenay.
Tusaale kale: waxa aad isticmaashay cocacola iyo pizza kadib saacado waxaad dareentay lalabo kuleel iyo wadna garaac , dib ayaad u xasuusatay waxaad isticmaashay waana aad ogaatay waxa ku haya iyo waxa kugu kiciyay.

C**tada afaraad ee gaaska.
Xaqiiji in aad cuntadaada si dhab ah u badashay oo aadan ku ekaan waqti gaaban.
Hadii aad rabto in aad si toos ah uga guulaysato gaaska waxaa dhab ah in lagaa rabo badalid nololeed.
Cun raashin isu dheeli tiran kana kooban raashinka qolofta leh iyo qudaarta cagaaran iyo mida miraha ah ee aan warshadaha soo marin.

C**tada shanaad ee gaaska.
Ugu danbayn ha isticmaalin cuntadaan oo ka fogaw waxyeelada dheefshiidka iyo difaaca jirkaaaga.
Ha cunun cuntadaan.
Basbaaska
Sabuulka
C**tada la qamiiriyay
Digirta iyo salbukada
Shukulaatada
Cabitaanada ash*tada leh sida cocacola
C**tada warshada soo martay
Kafeega
Kuntada saliida ama baruurta leh.

Like share and comment.
Dr Cabdiraxmaan

Balanteenu waa Soomaali Caafimaad Qaba.

Dirección

#1 C**t Street
C**tis

Notificaciones

Sé el primero en enterarse y déjanos enviarle un correo electrónico cuando Dr-Abdourahman Abdourashid,MD publique noticias y promociones. Su dirección de correo electrónico no se utilizará para ningún otro fin, y puede darse de baja en cualquier momento.

Contacto El Consultorio

Enviar un mensaje a Dr-Abdourahman Abdourashid,MD:

Atajos

Compartir