DR Dadir Hussein mohamed

DR Dadir Hussein mohamed CAAFIMAAD

Madareen in naasuhu ku bararaan ama ku xanuunaan markay caadadu kuu dhowdahay? Caafimaadka Naasaha iyo Xilliga CaadadaHa...
22/02/2026

Madareen in naasuhu ku bararaan ama ku xanuunaan markay caadadu kuu dhowdahay?

Caafimaadka Naasaha iyo Xilliga Caadada

Ha walwalin, badanaa isbeddelka naasaha ee xilliga caadadu waa wax dabiici ah oo ku dhaca dumar badan. Halkaan ka baro waxyaabaha sababa, sida loo yareeyo xanuunka, iyo goorta ay tahay inaad dhakhtar la xiriirto.

1. Maxaa Sababa Isbeddelka?

Ma ahan cudur, balse waa isbeddal ku yimaada hormoonnada jirkaaga. Marka ay caadadu soo dhowdahay, waxaad dareemi

kartaa:

* Barar: Naasaha oo barara ama cuslaada.

* Daqnasho: Xanuun yar marka aad taabato.

* Kuuso: Waxaad dareemi kartaa kuus-kuusyo yaryar oo markay caadadu dhammaato iska baaba'a.

2. Sidee Xanuunka loo Yareeyaa?

Cunista cuntooyinka qaniga ku ah Fitamiin E waxay aad u caawiyaan inuu yaraado bararka iyo xanuunka naasaha. Waxaa ka mid ah:

* Lowska: Sida yicibta iyo noocyada kale ee lowska.

* Khudaarta: Sida koostada (spinach) iyo karootada.

* Saliidaha: Saliid saytuunka iyo saliidda galayda.

3. Goorman Dhakhtar u Baahannahay?

Inkastoo xanuunka caadadu iska caadi yahay, haddana waa inaad deg-deg dhakhtar u tagtaa haddii aad isku aragto:

* Buro adag: Kuus aan iska tegayn xitaa marka ay caadadu dhammaato.

* Dheecaan: Biyo ama dheecaan ka imaanaya ibta naaska.

* Xanuun daran: Xanuun aad u daran oo hurdada kuu diidaya ama hawlahaaga caadiga ah kuu diidaya.

* Isbeddel hal dhinac ah: Haddii aad kuus isku aragto hal naas oo kaliya.

Gunaanad:

Haddii xanuunkaagu uu yimaado xilliga caadada, uuna tago markay dhammaato, waa wax iska caadi ah. Laakiin mar walba is-baaridda naasaha (is-baadhista guriga) waa muhiim si aad ula socoto isbeddel kasta oo cusub.

22/02/2026

isku soo labasha wacan in badan oo aan kala maqneyn waxaan hori usii wadan doona soo gudbinta caafimadka oo page keena aad kala socon jirteen haddu

Alxamdullilah Allah ayaa mahad iskaleh 8 bil ka bacdi hada Ayaan ku soo noqday accounkeyga aniga oo farxad ii dheer
18/02/2025

Alxamdullilah Allah ayaa mahad iskaleh 8 bil ka bacdi hada Ayaan ku soo noqday accounkeyga aniga oo farxad ii dheer

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎLiin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada  waxay qani ku tahay oo aa...
26/05/2024

๐—™๐—ฎ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ
Liin-dhanaanta waxa kujiro qaybaha kala duwan ee Nafaqada waxay qani ku tahay oo aad ugu badan vitamin C sido kale wax ku jiro xaddi dhexdhexad ah fiitamiin Pantothenic acid (B5) , iyo Vitamin (B6) , Riboflavin (B2) iyo Folate (B9).
sido kale waxa laga helaa macdanta : iron
Liin dhanaata waxa nafaqo badan nooca jaalaha ah (lemon) marka la barbardhigo nooca cagaarka ah (lime).
1.waxay xoojisaa difaaca jirka : xaddiga aadka ubadan ee fiitamiinada kujiro liin-dhanaanta sida vitamin C waxay sare u qaadaan difaaca jirka
2.waxay yaraysaa infekshan-ka jirka iyo caabuqa : fiitamin C wuxu ka qayb qaataa ladagaalanka jeermiska sida bakteriya , feyruska iyo wax yaalaha sunta ku ah jirka
3.waxay ka hortagtaa dhiig yarida :waxaa kujiro fiitamiinka Folate (folic acid) iyo macdanta iron oo ka qayb qaato samaysanka iyo kobcida unugyada dhiigga cascas
4.waxay ka qayb qaadataa bogsoobida dhaawaca : sida dadka leh cirid dhiigga iyo dhaawacyada aan buskoon
5.waxay u fiicantahay maqaarka : vitamin c wuxuu caawiyaa samaysanka collagen oo ka qayb qaadato samaysanka iyo bad qabka maqaarka
Dadka ay u fiicantahay isticmaalka liin dhanaanta :
1.Dadka dhiig yaridu hayso (HB)
2.Dadka difaaca jirkoodu yaryahay
3.Dadka in infekshan-ka iyo caabuqa qabo
4.marka ay jiraan fayrus yada (virus) halistaa sida coronavirus.
๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ-๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐—ต oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
Dhakhtarka Maanta
Share&Like
Mahadsanidin

Nooca Koowaad ee Xanunka Tayroodhka.Kor u kaca dheecanka tayroodhka Qanjidhka tayroodhku waxa uu soo dayaa dheecaano jid...
05/05/2024

Nooca Koowaad ee Xanunka Tayroodhka.

Kor u kaca dheecanka tayroodhka Qanjidhka tayroodhku waxa uu soo dayaa dheecaano jidhka ka caawiya dheef shiidka, sidoo kale xakameya awooda jidhka (energy).
Hadaba marka uU kaco dhecaankani oo uu ka bato xadki loogu talagay ee Normal ka ahaa. Waxa uu qofku yeeshaa
calamadahan soo socda.
- kulayl badan oo jidhka ah
-Cabsi ama naxdin badan
-Daal iyo tabcaan
-Qanjidhka dhuunka oo barara
- Misaanka oo si aan ku talagal ahayn u dhaca
-Amateedka oo kordha iyo socodka caloosha oo isna bata.
-Garaaca wadnaha oo Uu gofku daremo
-Gacmaha oo gariira
- Hurdada oo yaraata
-Jidhka oo qalayl uu ka dareemo
-Timaha oo khafifa isla markana daata
- Khal khal ku yimad caadada

Sidee lagu ogaankaraa?

Hadi gofku isku arko calmadahan waxaa muhim ah in uu dhakhtar la xidhidho si loo baadho xaaladisa.
Hadii ay dheecanadu aad u kacsan yihiin waxa ay samayn ku yeeshan indhaha waxana uu gofku daremaa in indhuhu soo baxaan, qalayl badana yeeshan. Inta badan qofku ma arko ee dadka ayaa waydiya indhahaga maxaa ka khaldan ?

Daawaynta xanuUnka?

Daawayntu waxay ku xidhan tahay in la ogaado xaalada gaarka ah ee keentay in dhecaanadu kor u kaacan.
Waxa muhim ah in aad dhakhtar tagto hadiba aad calamadaha isku aragto

WAX BADAN KA OGOOW CIRID DHIIGGA AMA ILKO DHIIGGA MARKA AAD CADEYSANAYSO AMA AAD RUMEYSANAYSO AH. Cirrid dhiigga waa cal...
21/04/2024

WAX BADAN KA OGOOW CIRID DHIIGGA AMA ILKO DHIIGGA MARKA AAD CADEYSANAYSO AMA AAD RUMEYSANAYSO AH.
Cirrid dhiigga waa calaamada ugu badan ee cudurada ciridka lagu arko, Laakiin waxay sidoo kale ay tilmaami kartaa dhibaatooyinka kale oo caafimaad,
Inta badan Soomaalida waxa ay u qabaan halka uu dhiiggu ka yimaado in ay yihiin ilkaha lkn ma ahn oo waa ciridka,
Dhiig-baxa mararka qaarkood ee cirridka waxaa sababi kara in aad si xoogan ilkahaaga u cadeysato oo ah si aan u habooneyn caafimaadka ilkaha
Dhiig-baxa joogtada ah ee ciridka wuxuu kaloo sheegi karaa xaalado halis ah, oo ay ka mid yihiin:
-periodontitis (oo ah mid kamid cudurada ku dhaca ciridka)
-leukemia ( oo iyaduna ah kansarka ku dhaca dhiigga)
-vitamin deficiency ( oo iyaduna ah in fitimiiniaku ay jirkaada ku yar yihiin
-lack of platelets ( oo iyaduna ah in in dhiigga qaybta xinjireysa ay jirkaada ay ka maqantahay,
MAXAA SABABI KARA IN ILKUHU AMA CIRIDKU AY DHIIGAAN MARKA AAD CADEYSANEYSO?
- in aad qabto caabuqa ku dhaca ciridka ee loo yaqaano( Gingivitis) oo ah midka ugu badan ee sababa cirid dhiigga waxaana caabuqan ciridka ku dhaca inta badan sababa huurada oo ku aruurta ciridka oo aadan si fiican u cadeysan ama aadanba cadeysan jirin dabadeed halkaas ay ku dhalato bakteeriyo sidaasna uu caabuq ugu dhaco ciridka mar walbana uu dhiigo,
-Periodontitis oo ah isna caabuq halis ah ku dhaca ciridka iyo lafaha hoose afka iyo daanka ayaa sababi kara cirid dhiigga xanuunkanna waxa uu yimaada marka aad iska daaweyn waydo caabuqii kore ee isna keenayey cirid dhiigga ee loo yaqaaney (Gingivitis) waxa uu keeni karaa hadii aan la iska daaweyn ugu danbeyn in ilkuhu ay kaa daataan.
-Fitimiiniska K iyo C oo jirkaada ku yaraada ayaa keeni kara cirid dhiigga.
- sidoo kale hooyada uurka leh ayaa iyaduna caan ku ah cirid dhiigga taas oo u keeneysa isbadalka ku yimid hoormoonada jirkeeda,l waana xaalad inta badan caadi ah oo ay hooyadu ka bogsato marka ay dhasho oo ay saxmaan hoormanadeeda.
- sidoo kale waxaa Cirid dhiigga keeni kara marka aad isticmaasho ama aa cunto daawooyinka hoos u dhiga xinjiraha dhiiga sida sadexdaan daawo (warfarin, aspirin, and heparin.)
- sidoo kale waxaa keeni kara xanuunkan cirid dhiiga ah in aad ku cadeysto cadey qof kale oo caabuqyada ciridka qabey.
- waxaa kale oo keeni kara cirid dhiiga in aad wax ka yar labo jeer aad maalinkii cadeysato, ama aad ku cadeysato buraash ama geed cadey aad u adag oo dhaawacaya ciridka aadna xoog ugu cadeysato,
- waxyaalo kale oo badan ayaa keeni kara sida ilkaha in aad gashato cinjirka ilkaha ah ana ay kuu xiranyihiin.
SIDEE LOO DAAWEEYA CIRID DHIIGA?
Nadaafadda ilkaha ee wanaagsan waa talaabada ugu horeysa ee lagu daawaynayo cirridka dhiigga ee mar walba nadiifi afkaada,
Booqo dhakhtarka ilkaha laba jeer sannadkii si aad u hubiso caafimaadka ilkahaaga,
Dhakhtarkaaga ilkaha ayaa kuu sheegi doona haddii aad qabto gingivitis oo ah cuuqa ciridka ku dhaca
Sidoo kale dhakhtarka ayaa ku bari doona sida ugu wanaagsan ee loo cadeysto oo ah in aad ku cadeysato Cadey ama buraash jilicsan aadna maalintii ugu yaraan 2 jeer cadeysataa ama hadii aad awoodo cunto walbo kadib aad cadeysato,
Sidoo kale waa in aadan cadeyga bil kabadan aadan isticmaalin oo aad iska badashaa buraaashka,
Sidoo kale waa in aad meel fiican oo nadiif ah u dhigataa buraashka ama cadeyga si fiicanna aad u dhaqdaa ama u meyrtaa buraashka ka hor inta aadan cadeysan.
Dhakhtarka ayaa sidoo kale ku siinaya daawooyin loo yaqaano "antiseptic mouthwash" oo yareynaya caabuqa ciridka.
Haduu Alle inoo qadaro mowduuca inoo xiga ayaan uga hadli doonaa habka adiga oo gurigaada jooga aad iskaga daaweyn karto cirid dhiigga
u SHARE garee asxaabtaaada aad isleedahay waa anfacayaa casharkaan ama halkaan ugu wac si uu uga faaiideysto.
Mahadsanidiin
Dr amen
Share

WAX BADAN KA OGOOW WADNAHA OO SI KADIS AH U ISTAAGAWadnuhu in uu si kadis ah u istaago waa xaalad khatar ah taas oo micn...
20/04/2024

WAX BADAN KA OGOOW WADNAHA OO SI KADIS AH U ISTAAGA
Wadnuhu in uu si kadis ah u istaago waa xaalad khatar ah taas oo micnaheedu uu noqonayo in dhamaan garaacii wadnaha uu istaagey waana xaalad uu qofku si kadis ah uu udhiman karo.
MAXAA SABABI KARA IN WADNUHU UU SHAQADA JOOJIYO?
Wadnuhu waxa uu leeyahay 4 qaybood labo sar sare iyo labo hoos hoose oo dhiiga u banbeeya jirka 4taas qaybood mid kamid ah ayaa ciladi ku imaan kartaa taas oo keeneysa in ay banbeyn waayaan ama ay jirka u tuuri waayaan dhiig ku filan ugu danbeyna sababeysa in uu istaago garaacii wadnaha natiijada ka dhalatana ay noqoneyso dhimasho lama filaan ah.
Sidoo kale waxaa sababi kara waa in halboowlahawadnaha dhiiga keena ay xeyr ama dufan isku tagey ay ku uruuraan ama ay ku uruurto xinjir dabadeedna ay xiraan qulqulka dhiigii imaan jirey wadnaha sidaasna wadnuhu uu howl gab ku noqdo,
Sidoo kale waxaa sababi kara xanunkan in ilmaha yari uu ku dhasho wadnahiisa oo aan u sameysneen sidii caadiga ahayd sidaasna uu ku galo xaaladan.
MAXAA FUDUDEEYA AMA KEENA IN HALBOWLAYAASHA WADNUHU AY XIRMAAN?
- Sigaarka.
- dhiikarka.
- jrka in ay ku yaraadaan macdanta potassium iyo magnesium
- jirka oo ay xeyrtu ay ku badato.
- buurnaanta.
- jimicsi la'aanta.
- qamrida.
- stress ka ama welwelka walbahaarka fakarka badan.
- Waalidiintaa ama qaraabadaada hadii uu horey ugu dhacay adna khatar ayaad ugu jirtaa.
- da'daadu hadii 45 sano dhaafto sidoo khatar ayaad ugu jirtaa. Dhalinyaradana waa ku dhici karaa lkn ma badna.
- Nimanka ayuu inta badan ku dhacaa.
CALAAMADAHA QOFKA KASOO MUUQAN KARA MARKA UU SOO HAYO XANUUNKAN
- bog xanuun
- daal iyo tabar darro
- dhidid
- lalabo iyo matag
-madax wareer ama dawakhaad.
- qaybta sare ee jirka oo xanuunta.
- dhibaato neefsiga ah .
- garaaca wadnaha oo isbadala.
MARKA UU KU DHACO CALAAMADAHA LAGU ARKO
- xabad xanuun
- garaaca wadnaha oo istaaga
- qofka in uu neefsan waayo
- qofka oo dhumiya miyirka ama suuxa
Hadii aad calaamadahaan isku aragto ama aad ku aragto qof kuu dhaw fadlan si deg deg ah ula xiriir qaybta gargaarka deg degga ah si horey looga caawiyo qofkaas inta uusan xaalad halis ah sii galin.
SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN?
Hadii horey laga ogaada xanuunka waxa uu kuu sameynayaa dhakhtarku qaliin uu kuugu furayo xididadii wadnaha imaan jirey ee xirmey,
sidoo kale hadii ciladi ay ka jirto hibaaqyada wadnaha dhakhtarka ayaa qaliin lagu hagaajinayo ayaa kuu sameenaya.
Hadii xididadaas la furana waxaa macquul ah in si caadi ah shaqdii wadnaha ay usoo laabato,
Hadii dhiiga uu kacsanyahay dhakhtarka ayaa ku siinaya daawooyin dajinaya dhiiga.
hadii xadiga dufanka uu kacsanyahay sidoo kale waxa ku siin daawooyin dajiya.
Sidoo kalana dhakhtarku uu ku siiyo daawooyin kaalmaati ah oo ka hor tagaya in mar kale ay sidii u xirmaan xididada wadnaha kana hortagaya xinjiroowga dhiiga.
SIDEE UGA HORTAGI KARTAA XANUUNKAN?
- sigaarka iyo shiishada iyo dhamaan maadooriyayaasha iska jooji.
- hadii aad cayilantahay miisaankaada iska dhin
- Jimicsi badan samee
- iska yaree fakarka badan wel-welka iyo walbahaarka.
- hadii aad qabto xanuunada sonkoroowga, dufanka iyo dhiikarka iska yaree in aad qadato sonkorta, dufanka badan iyo cusbada.
U Share gareeya asxaabtiina ama halkan uga wac qof ama labo muhiim kuu ah si uu uga faaiideysto.
Dr Amen
Share

๐“๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ1๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽQofku in uu dhidido caafimaad ayaa ku jira sababto ah wasaq, cusbo iyo sun badan ayaa jirkiisa ...
18/04/2024

๐“๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ
1๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽQofku in uu dhidido caafimaad ayaa ku jira sababto ah wasaq, cusbo iyo sun badan ayaa jirkiisa ka baxaysa, sanjabiilka waa mid ka mid ah waxyaabaha dabiiciga aj ee lagula taliyo dadka aan dhididin ama dhididkoodu yar yahay si jirkooda sunta iyo cusbadu uga baxo
2๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽXilliyada qaboobaha waxa ugu fiican ee jirka lagu kulumayn karo waa cabista waxyaabaha kulul taas caqli ahaan waan ognahay hadana waxaa laga yaabaa in wax yar ka dib shaahu jirkaaga ka baxo hadana dhaxantii aad dareento, cab shaah sanjabiil leh jirkaagu 11 saac oo xiriir ah dhaxan isma arki doontaan
3๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽGoonjabka ama madaxa in qofka uu dhinac ka xanuuno, dadka ugu badan ee uu ku dhaco waa dadka aadka u caba biyaha qaboow, biyaha qavow waxay dikaan neerfayaasha madaxa kuwaas oo aan u dulqaadan karin ama xamili karin qabowga, jooji dhamaan cabista waxyaabaha qabow si aad uga caafimaado goonjabka, kuna badal cabista waxyaabaha kulul
4๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽFadhiga badan, jiifka iyo in qofku dhabarka ku tiiriyo darbi waqti dheer waa mid ka mid ah waxyaabaha sababta u ah kilya xanuunka, soco ugu yaraan 45 daqiiqo maalin kasta, jooji dhabarka aad mar kasta ku tiirinaysid darbiyada iyo waqtiga aad takeefanka isticmaalaysana ha isticmaalin adigoo jiifa
5๏ธโƒฃโ–ช๏ธŽDadka intooda badan qaba mindhicir xanuunka waxyaabaha ay sababsadaan waxaa ugu horeya cunista cashada xilliga dambe la cunaayo, sababto ah habeenkii jirka intiisa badan nasiino ayuu galaa, mana fiicna in qkfu aad u dhargo sababto ah caloosha iyo mindhiciradu ma hayaan awood badan oo ay ku maareeyaan cuntada
Qodobkee Saamayn Kugu Yeeshay.
๐Ÿ‘‰๐†๐š๐š๐๐ก๐ฌ๐ข๐ข Ama ๐Œ๐ž๐ง๐ญ๐ข๐จ๐ง ku Dheh Asxaabtaada si aan oga wada faaideystaano.
๐”ฝ๐•’๐••๐•๐•’๐•Ÿ โ„•๐•’๐•˜๐•ฆ ๐•ค๐• ๐•  ๐•“๐•š๐•š๐•ฃ/๐•ƒ๐•š๐•œ๐•– โ„™๐•’๐•˜๐•–๐Ÿ˜

X/G Dr dayib abdulkadir

TAXANAHA CAAFIMAADKA.1. Seexo ugu yaraan 7 saac oo xiriir ah 24 saac kasta. Dumarka aadka u dhafra ama hurdadoodu yar ta...
13/04/2024

TAXANAHA CAAFIMAADKA.
1. Seexo ugu yaraan 7 saac oo xiriir ah 24 saac kasta. Dumarka aadka u dhafra ama hurdadoodu yar tahay waxaa ku dhaca nafaqo darro dhan walba ah sida in timuhu gurmaan ama wareega caadadu aad uga xanuunsadaan.
2. Cab ugu yaraan 6 galaas oo biyo ah maalintii. Dadka biya cabistoodu yar tahay waxay u nugul yihi cuduro halis ah sida cudurada wadnaha, dheefshiidka iyo xita kansarka dhiiga, biyuhu waxay ka hortag u yihiin cuduro halis ah.
3. Sii caruurta baradho aad loo karkariyay. Baradhada waxaa ku jira maadooyin koriinshaha jirka iyo maskaxda caruurta kor u qaada sidoo kale baradhadu waxay ka hortagtaa xanuunada gooryaanku sababo. Caruurta ka yar 8 bil lama siiyo baradhada.
4. U cun si maalinle ah bataatiga, baradhada, koostada iyo tufaaxa. Bataatiga iyo cuntooyinka marka aad cunto kadib aad dareemayso oonka xad dhaafka ah waxay u fiican yihiin dheefshiidka, calooshana way jilciyaan.
5. Cab 2 galaas oo biyo ah subax kasta isbuuciina mar ismataji: ismatajintu isbuucii waxay feeraha kasoo saartaa xab kharaar kaas oo qofka u keena lalabo iyo in cunta qaadashada qofku aad u yaraato.
Isbuuci mar ama laba ayaa kugu filan insha allaah.
Qalinkii:Dr waahin sabriye.

X/G DR DAYIB ABDULKADIR

Taxanaha Caafimaadka1. Feerada ama Iron-ta oo dhiiga ku yar waxay caadad ka dhigta mid si xowli ah ku socota2. Shaaha am...
12/04/2024

Taxanaha Caafimaadka

1. Feerada ama Iron-ta oo dhiiga ku yar waxay caadad ka dhigta mid si xowli ah ku socota

2. Shaaha ama caanaha sokortu ku badan tahay waxay yareeyaan difaaca jirka caruurta

3. Cabista biyaha qabow waxay sabab u noqotaa in qofku dareemo kabaabiyo joogo ah

4. Calaamada ugu horeysa ee lagu garto uurka waa in gabadhu caadada wayso waqtigeedii

5. Sida ugu fiican ee dadka qumanka qaba isaga dawayn karaan madaxa xanuunka waa in ay cabaan kaliya waxyaabaha kulul

6. Biyaha basasha oo la marsado waxay soo bixisa timaha xita hadii qofku madaxa ka gubto

7. Caano diiran in aad siiso caruurta waa habka ugu fiican aad caruurta kaga dawayn karto lafa garaaca iyo dhawaqa lafaha ka yeera

Qodobkee Dareenka soo jiitay

Ha hilmaamin inaad uga faaiidayso walaalaha iyo asxaabtaada kale โžก๏ธ

X/G DR DAYIB ABDULKADIR

Address

Aabdikadirhusseinmoha@gmail. Com
Addis Ababa

Telephone

+251964765761

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DR Dadir Hussein mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to DR Dadir Hussein mohamed:

Share

Category