09/07/2026
Maanta waxaan booqasho shaqo oo muhiim ah ku tagay ๐๐๐ฏ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฏ๐ผ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ (Bay Regional Hospital), booqasho runtii ahayd mid qiimo weyn xambaarsan, isla markaana ujeeddadeedu ahayd kormeer, indha-indheyn iyo is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda adeegyada caafimaadka iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi miro-dhal ah oo u dhexeeya ๐ฐ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฏ๐๐
๐๐ ๐๐๐ ๐ฐ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐๐ ๐ฉ๐๐.
Intii aan booqashada ku guda jirnay, waxaan si dhow ugu kuurgalnay adeegyada caafimaad ee la bixiyo, baahiyaha jira, fursadaha lagu horumarin karo tayada adeegga, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyn wax ku ool ah oo kor u qaadda daryeelka caafimaadka bulshada.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulka Isbitaalka Gobolka Bay sida diirran ee ay noogu soo dhaweeyeen iyo sida ay nooga muujiyeen diyaar garowga ay u qabaan iskaashi iyo horumar wadajir ah.
Mahad gaar ah waxaan u dirayaa Madaxa Dhaqaatiirta Isbitaalka Gobolka Bay, ๐๐ซ. ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข, oo muujiyay hoggaan, hufnaan iyo dadaal muuqda oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee gobolka.
Waxaan rajaynayaa in kulankan iyo booqashadani ay noqdaan bilowga iskaashi waara oo mira-dhal noqda, kana qayb qaata horumarinta adeegyada caafimaadka, is-dhaafsiga khibradaha, iyo kor u qaadista daryeelka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.
Alle ha barakeeyo dadaal kasta oo lagu horumarinayo caafimaadka bulshada.