06/10/2026
Ogaysiis Fariin Caafimaad oo kusocota shacabka DDS.
"Alert of Confirmed Ebola case in Kenya.
**********
Waxaa Dawlada dalka Kenya shaacisay in bukaanki uhoreeyay ee lagu arkay cudurka Ebola lagana Xaqiijiyay wadankaas Kenya, kaas oo kayimid wadanka Democratic Republic of Congo maalinti Sabtida ahayd una geeriyoday xalay xanuunkaas.
Haddaba gobolada Jaarka la ah dalka kenya ee DDS gaar ahaan gobolada libaan & Daawa bulshada kunool waxaa lagu wargalinaynaa in ay ka taxadarraan safaradda ay kutagayaan wadanka Kenya ee laga helay bukaanka qabay Cudurka Ebola iyadoo bulshada lasoconayso fariimaha wacy-gelinta bulshada ee usoo gudbinaayo Xafiiska Caafiimaadka DDS & wazaarada caafimaadka Dalka.
Fadlan isticmaal Tallaaboyinkan si aad isaga ilaaliso cudurka Ebola: Shacabka waa inay ka taxadaraan taabashada dhiiga, dheecaanka, dharka iyo alaabaha kala duwan ee dadka looga shaki qabo xanuunkaasi.
Xafiiska Caafiimaadka DDS
October, 6, 2026-Gc