03/11/2026
Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS oo Furay Kulanka Qiimaynta Waxqabadka Cusbitaallada Deegaanka Soomaalida oo ka Furmay Jigjiga.
Kulankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa ujeeddadiisu ahayd in dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyo hawlaha shaqo iyo adeeg-bixineed ee cusbitaallada deegaanka, si loo ogaado heerka waxqabadkooda, caqabadaha ka jira iyo meelaha u baahan xoojinta, loona dejiyo qorshayaal lagu sii horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta iyo hirgelinta nidaamka casriga ah ee maaraynta xogta bukaannada ee loo yaqaan Electronic Medical Records (EMR), kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya casriyeynta adeeg-bixinta caafimaadka, kaydinta iyo maaraynta xogta bukaannada, fududaynta helitaanka macluumaadka caafimaadka iyo kor u qaadista hufnaanta shaqo ee cusbitaallada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxqabadyo iyo waayo-aragnimo wanaagsan oo ay qaar ka mid ah cusbitaallada deegaanku ka sameeyeen hirgelinta iyo ku shaqaynta nidaamka EMR, iyadoo si qoto dheer la iskula lafa-guray sidii looga faa’iidaysan lahaa waayo-aragnimadaas, loona dardargelin lahaa hirgelinta nidaamkan si uu uga wada shaqeeyo dhammaan cusbitaallada deegaanka.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Musse Axmed Ibraahim, waxaana ka soo qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Caafimaadka DDS, Mudane Maxamed Ayaanle Xasan, maareeyayaasha cusbitaallada deegaanka iyo masuuliyiin ka socday Shabelle Bank, oo Xafiiska Caafimaadku kala dhexeeyo wada-shaqayn la xidhiidha horumarinta iyo taageerada qaybta caafimaadka.
Intii uu kulanku socday ayaa masuuliyiinta Xafiiska Caafimaadka DDS iyo maareeyayaasha cusbitaallada deegaanku waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isla-xisaabtanka, dardargelinta hawlaha shaqo, kor u qaadista tayada adeeg-bixinta iyo hirgelinta nidaamyada casriga ah ee maamulka iyo maaraynta xogta caafimaadka.
Ugu dambayn, masuuliyiinta sare ee Xafiiska Caafimaadka DDS iyo maareeyayaasha cusbitaallada deegaanka ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan dardargelinta iyo sii xoojinta hawlaha shaqo iyo adeegyada caafimaad ee cusbitaalladu u hayaan bulshada. Heshiiskan ayaa saldhig u noqonaya xoojinta wada-shaqaynta, masuuliyadda iyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo adeeg-bixinta cusbitaallada.
Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Caafimaadka DDS ugu jiro horumarinta tayada adeegyada caafimaadka, casriyeynta nidaamyada shaqo iyo xaqiijinta adeeg-bixin caafimaad oo ku dhisan xog sugan, tiknoolajiyad iyo hufnaan shaqo.
Xafiiska Caafimaadka DDS.
November 2.2026