Dr Husni jarato

Dr Husni jarato health service

Cagaarshowga (Hepatitis)Waa maxay Cagaarshow?Cagaarshowgu waa cudur ku dhaca beerka, waxaana keena caabuq (infection) uu...
12/09/2025

Cagaarshowga (Hepatitis)

Waa maxay Cagaarshow?

Cagaarshowgu waa cudur ku dhaca beerka, waxaana keena caabuq (infection) uu sababo fayras. Waxaa sidoo kale keeni kara waxyaabo kale sida daroogooyinka, sunta, ama hab-dhaqan caafimaad darro.

Noocyada Cagaarshowga

Cagaarshowgu wuxuu leeyahay dhowr nooc, kuwa ugu badan waa:

1. Cagaarshowga A (Hepatitis A)

Waxaa keena fayraska Hepatitis A (HAV).

Inta badan wuxuu ku faafo cunnada ama biyaha wasaqaysan.

Waa cudur la iska qaado laakiin badanaa wuu ka bogsadaa qofka.

2. Cagaarshowga B (Hepatitis B)

Waxaa keena fayraska Hepatitis B (HBV).

Wuxuu ku faafaa dhiigga, galmada, iyo hooyada oo u gudbisa ilmaheeda.

Wuxuu keeni karaa cagaarshow joogto ah (chronic hepatitis).

3. Cagaarshowga C (Hepatitis C)

Waxaa keena fayraska Hepatitis C (HCV).

Badanaa wuxuu ku faafo dhiigga.

Wuxuu sababi karaa dhaawac joogto ah oo beerka ah, xitaa kansar.

4. Cagaarshowga D iyo E (Hepatitis D & E)

D wuxuu kaliya ku dhici karaa dadka qaba Hepatitis B.

E wuxuu u egyahay Hepatitis A, wuxuuna ku faafo biyaha wasaqaysan.

---

Calaamadaha Cagaarshowga

Maqaarka oo huruud noqda (jaalle)

Indhaha oo huruud yeesha

Daal badan

Lalabbo iyo matag

Calool xanuun, gaar ahaan agagaarka beerka

Saxarada oo midabkeedu cawl noqdo

Kaadida oo madow noqota

---

Sida loo Difaaco Nafteena

Nadaafad ku filan oo laga taxadaro biyaha iyo cuntada (A & E)

Tallaalka Hepatitis A & B

Ka fogaanshaha isticmaalka cirbado la wadaago (B & C)

Iska ilaalinta galmada aan la is hubin

Hubinta dhiigga la is siiyo in uu nadiif yahay

---

Daaweyn

Cagaarshow A iyo E: badanaa daaweyn rasmi ah looma baahna, waxayna ka bogsadaan kaligood.

Cagaarshow B iyo C: waxaa jira daawooyin horumarsan oo yareeya halista dhaawaca beerka. Tallaal ayaa ka hortagi kara Hepatitis B.

Intee in leeg buu ilmahaygu hurdo u baahan yahay? Maxaa ku dhacaya hadii aanu in ku filan seexan?- Da’da 0-3 bilood waxa...
26/02/2025

Intee in leeg buu ilmahaygu hurdo u baahan yahay? Maxaa ku dhacaya hadii aanu in ku filan seexan?

- Da’da 0-3 bilood waxay seexdaan sida caadigaa 14-17 saacadood maalintii
- 4 - 11 bilood waxay seexan karaan 12-15 saacadood
- 1-2 sanno waa inay seexdaan 11-14 saacadood
- 3-5 sanno waa inay seexdaan 10-13 saac
- 6-13 sanno waa inay seexdaan 9-11 saac
- 14-17 sanno waa inay seexdaan 8-10 saac

Hurdada oo ilmaha ku yaraata waxay keeni kartaa caafimaad daro. Waxay keeni kartaa inay lu’loodaan maalintii, diiqad iyo dabeecad xumo. Waxay sababi kartaa inay waxbrashada ku liitaan.

Sideed ula tacaashaa hadii ilmahaagu hurdo xun yahay ama ay khalkhalsantay hurdadiisu?

Bronnie Ware oo ahaan jirtay kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka dadka xaaladahoodu culus yihiin, ayaa qortay ...
20/08/2024

Bronnie Ware oo ahaan jirtay kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka dadka xaaladahoodu culus yihiin, ayaa qortay buug ay ku soo bandhigtay natiiajda daraasad ay ku samaysay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu qoomameeyo maalmaha noloshiisa u dambeeya.
Buuggan “The Top Five Regrets of the Dying’ oo soo baxay 2011 ayaa ay ku soo ururisay shantii qodob ee ugu badnaa ee ku soo noqnoday dadkaas ay waraysatay.

1. KU DHAC
Waa ayaan darro in tobannaan sanno oo aad soo noolayd kaddib, aad ugu dambayn ogaato in wax badan oo aad gaadhi lahayd iyo himilo badan oo aad rumayn lahayd waxa kaa hor istaagay uu ahaa keliya ku dhac la’aan. Nolol run ah in aad noolaan weyday, dhiirrasho la’aantaada awgeed.
Dadka qaar waxa ay ka baqaan in ay khatarta u badheedhaan, ama go’aamada qaar aan natiijadooda la hubin qaataan, taasi waxa ay yaraysaa guulihii nololeed ee ay heli lahaayeen, iyo himilooyinkii ay gaadhi lahaayeen. Waxa aanay ku dambaysaa, in ay ka murugoodaan fursado badan oo go’aan qaadasho la’aantoodu ay seejisay.

2. SAAXIIBBADA, QOYSKA IYO BARBAARINTA UBADKA
Dad badan ayaa shaqada iyo daba orodka riyooyinka nolosha kaga mashquula waqti siinta ubadka, qoyska iyo asxaabta.
Bukaanka ay Bronnie waraysatay, gaar ahaan ragga waxa ugu badan ee ay qoomameeyeen waxa uu ahaa in shaqo iyo bannaan joog uu waqtigoodii qaatay, maantana ay qoomamaynayaan in ubadkooda iyo xaasaskooda aanay waqtigii saxda ahaa siinin, si ay barbaarinta ubadka iyo farxadda qoyska qayb uga noqdaan, iyo in ay waqti fiican la qaataan asxaabta iyo dadka ay jecelyihiin.

3. IS CABUDHIN

Dad badan ayaa dareenkooda cabudhiya, iyaga oo ka baqaya dareenka qofka kaga iman kara, tusaale ahaan in uu qalad ka fahmo ama xumaan u qaato, ama in uu diido oo weji gabax ay kala kulmaan. Waxaa ka mid ah in ay gardarrada ka qaban waayaan, in ay gartiisa siin waayaan, ama in ay jacayl ama nacayb u sheegan kari waayaan.
Cabudhintaas dareenku waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu dib ka qoomameeyo.

4. FIRAAQADA IYO KU RAAXAYSIGA NOLOSHA
Qof kastaa waxa uu u baahanyahay nasasho iyo waqtiyo firaaqo ah oo uu noloshiisa ku raaxaysto, laakiin dad badani waqtigaas ma siiyaan naftooda. Baacsiga guusha iyo raadinta kaabayaasha nolosha ee maalku u horreeyo, ama raalligelinta dadka kale ayaa ku kallifta in nafta ay ka maanacaan waqti ay farxad iyo tamashlayn ama nasasho iyo firaaqo ku damaashaado. Ugu dambayntana waxa ay ku keentaa murugo iyo in ay hadhow ka qoomamoodaan dadaalkoodii nasashada u diiday.

5. NAFTOO LA DAYACO
Ruux kasta naftiisu xaq bay ku leedahay, waxaa waajib kugu ah in aad ilaaliso caafimaadkeeda jidheed iyo nafsadeed. Arrintaas oo uu qofku dayacaa waxa ay horseeddaa, in mustaqbalka uu la kulmo xaalado caafimaad oo uu ka hortegi kari lahaa ama intii ay bilowga ahaayeen wax laga qaban kari lahaa. Waxaana ka dhasha murugo iyo ciil uu cimrigiisa dambe la noolaado.

Dr Husni jarato

Iska yaree miisaanka xad dhaafka ah Miisaanka xaddhaafka ah ma keento baruurta oo kaliya ee waxa  sidoo kale keeni kara ...
17/08/2024

Iska yaree miisaanka xad dhaafka ah

Miisaanka xaddhaafka ah ma keento baruurta oo kaliya ee waxa sidoo kale keeni kara ama kordhin kara: murqaha , lafaha, dareerayaasha jidhka sida biyaha IWM.

Dad badan ayaa miisaankoodu uu aad u sarreeyaa sababla'aan, Qaadashada miisaanka badan waxay kordhisaa khatartaada xaalado caafimaad oo kala duwan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin : dhiig karka, kolestaroolka sare, nooca 2aad ee xanuunka macaanka, wadne xanuunka, istaroogga, kansarrada qaarkood iyo cudurka xameetida.

Miisaanka badan ayaa sidoo kale kuu horseedi kara dhibaatooyin badan oo la xidhiidha miisaanka xad dhaafka ah, waxaana ugu caansan arthritis-ka ku dhaca kala-goysyada xanbaara miisaanka( weight bearing joints), sida laf dhabarta, miskaha, ama jilbahaaga. Waxaa jira dhowr waxyaalood oo aad isku dayi karto inay kaa caawiyaan inaad lumiso miisaanka oo aad iska ilaaliso.

Dr Husni jarato

Cab liin bambeellmo aan wax biyo iyo sonkor ah aan lagu darin habeenkii inta aadan Seexan ka hor , liintu waxay isku dhe...
01/05/2024

Cab liin bambeellmo aan wax biyo iyo sonkor ah aan lagu darin habeenkii inta aadan Seexan ka hor , liintu waxay isku dheeli tartaa socodka dhiiga maskaxda, wadnaha iyo jirka intiisa kale , waxay kaloo ka qayb qaadataa inaad soo toosto adigoo caajis ama wax daal ah aan lahayn.

Sii share si ay uga faa,idaystaan asxaabta kale. # like & share it.


Dr Husni jarato

Address

Jijiga

Telephone

+251915103717

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr Husni jarato posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category