09/07/2026
🍋 Ma cabtaa Biyo Diirran iyo Liinta subaxdii? Sirtan caafimaad ka filo!
Dad badan ayaa subaxdii ku bilaaba maalintooda koob kafee ah ama shaah, laakiin ma og tahay in hal koob oo biyo diirran iyo liin ay isbeddel mucjiso ah ku samayn karaan jirkaaga?
Haddii aad joogteyso 7 maalmood oo kaliya, waa kuwan isbeddellada aad dareemi doonto:
1️⃣ Nadiifinta Sunta Jirka (Detoxification) 🫧
Liintu waxay kiciyaa beerka, kaas oo ah xubinta ugu weyn ee jirka ka sifeysa sunta.
*Sida ay u shaqayso: Biyaha diirran waxay caawiyaan in si degdeg ah jirka looga saaro haraadiga cuntadii xalay iyo sunta ururtay, iyadoo nidaamka kaadida la dedejinayo.
2️⃣ Weji Nuuraya iyo Maqaar Bilaa Finan ah ✨
Liintu waxay qani ku tahay Vitamin C iyo maadooyinka la dagaallama gabowga (Antioxidants).
Natiijada: Waxay baabi'isaa finanka (acne), waxay yareysaa laalaabka maqaarka, waxayna wejiga siisaa dhalaal dabiici ah oo aad ka dareemi karto muraayada dhowr maalmood ka dib.
3️⃣ Caawinta Dheefshiidka & Calool-fadhiga 🩺
Haddii aad isku aragto dibbiro ama calool-fadhi joogto ah, kani waa dafacaaga koowaad.
Biyaha diirran waxay dabciyaan habka dheefshiidka, halka aash*tada liinta ku jirta (Citric Acid) ay caawiso caloosha si ay cuntada si sahlan u shiiddo subaxdii.
4️⃣ Caato iyo Gubidda Dufanka (Weight Loss) 🏃♂️🏃♀️
Liintu waxay leedahay fiber la yiraahdo Pectin, kaas oo kaa caawinaya inaad dareento dhereg, hoosna u dhiga rabitaanka cuntada ee xad-dhaafka ah.
Waxay kor u qaaddaa gubista tamarta (Metabolism), taasoo kuu sahlaysa inaad miisaanka iska rido