Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

  • Home
  • Ethiopia
  • Jijiga
  • Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka waa page ka Rasmiga ah ee wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS (SRSFMHACA)

Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/11/2018 T.i, kuna beegnayd maalinta loo asteeyay ololaha dhir-beerista  ayaa d...
03/08/2026

Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/11/2018 T.i, kuna beegnayd maalinta loo asteeyay ololaha dhir-beerista ayaa dhamaan masuulinta iyo shaqaalaha Wakaalada maamulka iyo dabagalka cuntada, dawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS. Siwadajir ah uga qayb qaateen ololaha dhirbeerista.

Ololahan heer qaran waxaa lagu beerayey 800 milyan oo geed, halka kadeegaan ahaan lagu beerayey 2.8 million oo geed .

Ujeedada ayaa ahayd illaalinta deegaanka, kordhinta dhirta iyo ladagaalanka isbedelka cimilada.

Noocyada dhirta labeeray ayaa isugu jiray

Geed-midhoodka
Dhirta qurxinta bilicda
Dhirta kaymaha
Dhirta calafka xoolaha
Iyo guud ahaan dhirta faa,iidada uleh dad iyo duun yaba .

03/08/2026
Tallaabo Weyn oo loo Qaaday Casriyeinta Adeegyada caafimaadka ee ay dabagasho Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada D...
03/08/2026

Tallaabo Weyn oo loo Qaaday Casriyeinta Adeegyada caafimaadka ee ay dabagasho Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka

Waxaa shaqaalaha Wakaaladda dabagalka daawooyinka iyo adeega caafimaadka DDS uga qabsoomay magaalada Diredawa tababar muhiim ah oo ku saabsan nidaamka casriga ah ee , , iyo Integration.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray
& : Bixinta liisammada iyo dabagalka xarumaha caafimaadka oo loo beddelayo hab ah kaas oo lagu xidhayo MFR (MASTER FACILITY REGISTRY).
Tababarkan oo loo qabanayo shaqaalaha wakaalada ee deegaanada SOMALIDA,DIREDAWA IYO HARAR ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya iyadoo kaashanaysa hay'adda JSI, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada loogu jiro in guud ahaan dalka adeegyada caafimaadka loo badalo Digital
Tababarka waxaa bixinaya khabiiro ka socda wasaarada caafimaadka,iyo hayada JSI

Website. http://www.srsfmhaca.gov.et
Facebook. http://web.facebook.com/profile.php?id=61567045210194
Tiktok. http://www.tiktok.com/
Twitter. http://x.com/Wakalada_D0994
Telegram. http://t.me/srsfmhacagov
YouTube. http://www.youtube.com/
Linkedi. http://www.linkedin.com/in/wakalada-dabagalka-2382013bb/

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(...
31/07/2026

Xubnaha iskaashiga xisbiga barwaaqo ee Wakaaladda Maamulka, Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka DDS(SRSFMHACA) ayaa maanta gudaha xarunta wakaaladda ka fuliyay olole dhir-beeris iyo nadaafadeed, oo ay kaga qayb qaadanayeen hawlaha tabarucaadka bilaha xagaaga.

Ololahan ayaa ujeeddadiisu ahayd qurxinta iyo ilaalinta bilicda deegaanka shaqada, xoojinta dhaqanka nadaafadda, daryeelka deegaanka iyo kobcinta dhaqanka iskaa wax u qabso ee bulshada.

Masuuliyiinta wakaaladdu waxay ku bogaadiyeen xubnaha xibiga iyo shaqaalaha ka qayb qaatay hawlahan isugu jira dhir-beerista, nadaafadda iyo tabarucaadka bilaha xagaaga, iyagoo ku boorriyay in la joogteeyo dadaallada kor u qaadaya ilaalinta deegaanka, bilicda goobaha shaqada iyo adeegga bulshada.

SRS.FMHACA
Telegram:https://t.me/srsfmhacagov
Website:https://www.srsfmhaca.gov.et
Tiktok:tiktok.com/
X twitter:https://x.com/Wakalada_D0994
Youtube:https://www.youtube.com/
Linkedin:https://www.linkedin.com/in/wakalada-dabagalka-2382013bb/

Waxaa degmada Moyale lagu qabtay shir lagu qiimeeyay hawlaha dabagalka ee ay waddo Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntooy...
25/07/2026

Waxaa degmada Moyale lagu qabtay shir lagu qiimeeyay hawlaha dabagalka ee ay waddo Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cuntooyinka, Dawooyinka iyo Adeegga Caafimaadka DDS.

Kulanka waxaa lagu lafa-guray dabagalka ka socda dukaamada iyo bakhaarada, hubinta tayada iyo taariikhda dhicitaanka badeecadaha, iyo wacyigelinta ganacsatada.

Ugu dambayn, waxaa la bogaadiyay wada-shaqeynta Hawl-wadeenada wakalada iyo mamulada degmoyinka , waxaana bulshada Gobolka Daawa loogu baaqay inay hubiyaan tayada iyo taariikhda badeecadaha ay iibsanayaan.

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay kulan-weynaha daahfurka aaladda casriga ah ee xal u helidda iyo isku xidhka bul...
23/07/2026

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay kulan-weynaha daahfurka aaladda casriga ah ee xal u helidda iyo isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegga dawooyinka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka ayaa waxaa ka qayb galaya masuuliyiin, wakiillo ka socda xarumaha caafimaadka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dawooyinka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS, Dr. Muse Ahmed , oo sheegay in hirgelinta aaladdan casriga ahi ay door weyn ka qaadan doonto fududaynta isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka, kor u qaadista helitaanka adeegyada dawooyinka, dardargelinta xal u helidda cabashooyinka bulshada, iyo xoojinta isla xisaabtanka adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka. Wasiirku waxa uu ku boorriyay dhammaan xarumaha caafimaadka inay si hufan uga faa’iidaystaan nidaamkan si loo horumariyo tayada adeegyada caafimaadka.

Dhankiisa, Maareeyaha Wakaaladda Maamulka iyo Dabagalka Cuntada, Dawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka, Mudane Cabdulahi Maxamud Mataan ayaa sheegay in aaladdan casriga ahi ay bulshada u sahli doonto inay si degdeg ah u gudbiyaan talooyinka, cabashooyinka iyo xogaha la xidhiidha adeegyada dawooyinka, isla markaana ay fududayn doonto dabagalka iyo ka jawaabista arrimahaasi. Waxa uu xusay in nidaamkani qayb ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo maamulka iyo kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee Deegaanka Soomaalida.

Kulankan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hirgelinta adeegyo caafimaad oo casri ah, hufan, isla markaana bulshada u dhow.

Maamulka iyo Shaqaalaha  Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa maanta ku deeqay...
22/07/2026

Maamulka iyo Shaqaalaha Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka ayaa maanta ku deeqay dhiigooda iyaga oo ka duulaya barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga

22/07/2026

Tababarka la siinayay xirfadleyaasha Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka DDS ee ku saabsan Application ka TENENATE kaas oo bulshada deegaanka wax badan ka caawain doona

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa soo qabanqaabisay Tababar kusaabsan aala...
21/07/2026

Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS ayaa soo qabanqaabisay Tababar kusaabsan aalada casriga ah ee ee xal u helida iyo isku xidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka ee bixiya adeegga dawada.

Tababarkan oo si guud uga furmay dalka ayna kasoo qaybgaleen hawlwadeenada Wakaaladda Maamulka Dabagalka Cunada Dawooyinka iyo Adeega Caafimaadka DDS iyo waaxaha ay quseyso ee Xafiiska Caafimaadka DDS iyo Xafiiska Caafimaadka Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa waxaa furay Maareeyaha Wakaaladda Mudane C/laahi Maxamuud Mataan, iyadoo aaladani bulshada u leedahay faaiidooyin ay kamid yihiin, in lagu diwaangeliyo farmasiiyada iyo dhamaan adeegyada ay bixiyaan arrintaas oo meesha ka saareysa dawooyinkii been abuurka ahaa ee dadka laga iibin jiray, xadidaysana in qiimo aan sax ahayn dadka lagaga iibiyo dawada, sidoo kale waxa ay bulshada u suurtagalinaysa ogaanshaha meesha ugu dhaw ee ay ka heli karaan dawada ay u baahanyihiin.

Nidaamkan cusub ee diwaangalinta dawooyinka lagu iibiyo farmasiiyada ayaa sida oo kale ka hortagaya dhamaanba dawooyinka aan sharciga ahayn amaba koontarbaanka ah ee kasoo talaaba xuduudaha Deegaanka.

DigniinBeryahan dambe waxaa soo badanaya xarumo ganacsi iyo shaqsiyaad si sharci-darro ah xayeysiisyo usamaynaya gaar ah...
17/07/2026

Digniin

Beryahan dambe waxaa soo badanaya xarumo ganacsi iyo shaqsiyaad si sharci-darro ah xayeysiisyo usamaynaya gaar ahaan creams ka la is mariyo oo si online ah lagu xayaysiinayo laguna iibinayo baraha internetka kareemooyin iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee aan lahayn oggolaansho iyo raad-raac sharci.

Waxaan bulshada uga digaynaa isticmaalka badeecooyinkan oo khatar ku noqon kara caafimaadka. Sidoo kale, waxaan uga digaynaa ganacsatada ku hawlan iibinta iyo xayeysiinta badeecooyinkan inay joojiyaan falalkan, haddii kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.

Ilaalinta caafimaadka bulshada waa masuuliyad ina wada saaran. e aynu wada ilaalinno caafimaadkeenna iyo kan bulshadeennaba.

Address

Jijiga
00001

Opening Hours

Monday 08:00 - 00:00
Tuesday 08:00 - 00:00
Wednesday 08:00 - 00:00
Thursday 08:00 - 00:00
Friday 08:00 - 00:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaalada Maamulka Iyo Dabagalka Cuntada Dawooyinka Iyo Adeega Caafimadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share