11/09/2026
Waxaa si weyn ii taabatay, qalbigaygana damqisay dilka bahalnimada ah ee loo geystay Dable Axmed Shire Xuseen, oo ahaa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la sheegay in dilkiisu la xiriiray aano-qabiil.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto, janadiisana ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa, taliskiisa iyo dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Waa musiibo qaran iyo ayaan-darro weyn in askari qaran oo naftiisa u huray difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed lagu dilo aargoosi iyo aano-qabiil. Waxaa si gaar ah u xanuun badan in marxuum Axmed, sida lagu soo warramay, loo dilay si arxan-darro ah isagoo musaafir ah, xanuunsan, gaajeysan, isla markaana codsanaya in naftiisa loo badbaadiyo.
Askari qaran waa astaan u taagan dowladnimada, amniga iyo midnimada dalka. Marka askari Soomaaliyeed lagu dilo iyadoo aan la helin ilaalinta sharciga iyo caddaaladda, waxay dhaawac ku tahay kalsoonida shacabka iyo tan ciidamada.
Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay sharci, caddaalad iyo isla-xisaabtan. Haddii sharciga la wiiqo, fowdo iyo aargoosi ayaa fursad hela, hay’adaha dowladduna way daciifaan.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si dhab ah u baaraan dhacdadan, caddaaladdana la horkeeno cid kasta oo ka dambeysa dilka, iyadoo aan loo eegin cidda ay tahay.
Caddaaladda Axmed Shire Xuseen ma aha oo keliya arrin qoys; waa arrin qaran oo taabanaysa sharafta Ciidanka Xoogga Dalka, kalsoonida shacabka iyo sarreynta sharciga.
Qabiil laguma aarguto. Soomaali dhiiggeeda Soomaali kuma daadan karo.
Alle ha u naxariisto Dable Axmed Shire Xuseen. 🤲🏾 🇸🇴🤲🏾