26/03/2026
Waxaan ka xumahay, si adagna u cambaareynayaa falka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xabsi guriga ku galisay taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Tallaaban waa dhaqan gurracan oo ugub ku ah siyaasadda Soomaaliya, kana soo horjeedda dimoqraadiyadda, shuruucda dalka, xuquuqda muwaadinta, iyo curfiga dowladnimada.
Waxaa ayaandarro ah in iyadoo dalku wajahayo xaalado adag, abaaro dabadheeraaday, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku hawllan tahay xayiraadda madaxda, xannibaadda safarrada xildhibaannada, b**bka dhulka danta guud, siyaasadeynta hay’adaha dowladda iyo ciidamada qaranka, burburinta nidaamka federaalka, iyo hurinta colaado sokeeye.
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu ka baxo dhalanteedka uu ku jiro inta aysan sharciyadda haysto, u turo qaranka, taladana dhexda dhigo, si dalka loogu jiheeyo doorasho loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay; dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeedna looga samatabixiyo halis hor leh iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.