25/08/2026
OGEYSIIS MUHIIM AH
Waxaa farxad noo ah inaan bulshada la wadaagno in ay Regional Hospital soo gaareen dhakhaatiirtii la sugayay, kuwaas oo uu hoggaaminayo Dr. Bashiir Sheekh Cumar.
Dhakhaatiirtu waxay berri si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqada, waxaana ay isbitaalka joogayaan muddo 7 maalmood ah, si ay u bixiyaan adeegyada caafimaad ee loogu talagalay bulshada.
Dadkii h**ey isu diiwaangeliyey, waxaan ugu bishaaraynaynaa in dhakhaatiirtii ay soo gaareen, ayna berri bilaabayaan shaqada.
Maadaama ay dad badan h**ey isu diiwaangeliyeen, maalin kasta waxaa taleefan lagu soo wici doonaa dadka la qaabilayo, iyadoo tirada bukaannada la qaabilayo maalin kasta loo qorsheyn doono si nidaamsan.
Sidaas darteed, waxaan ka codsanaynaa dhammaan dadkii isdiiwaangeliyey inay la socdaan taleefannadooda, isla markaana ay diyaar u ahaadaan marka lala soo xiriiro.
Mahadsanidiin, waxaana idiin rajaynaynaa caafimaad iyo kheyr.